Xukuumaddu waxay soo saartay wareegto lagu ururinayo gaadiidka dawladda ee sita taarikada dadweynaha

 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta Iyo Gaadiidka Somaliland Muddane Cali Xasan Maxamed ayaa wareegto xambaarsan   ka soo saaray gaadiidka dawladda ee ay ku xidhan yihiin numberka cad ama numberka Somaliland kaas oo ku xidhan gaadiid badan oo dawladu leedahay.

Wasiirka Hawlaha guud,guryeynta iyo gaadiidka somaliland markuu arkay muhiimada ay leedahay ilaalinta hantida qaranka iyo siyaasada guud ee ay dawlada somaliland ka leedahay ilaalinta hantida ummadda wuxuu si cad far waaweyn ugu dhigay in Maanta laga Bilaabo La joojiyo gaadiidka dawlada ee lagu xidho numberka somaliland

Waxaana wasiirka hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka somaliland muddane cali xasan maxamed (cali mareexaan) uu si adag u joojiyay in gaadiidka dawladu leedahay lagu xidho numberka somaliland. waxaanu sidoo kale wasiirku faray wasaaradaha dawladda iyo hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadu inay dhaqan galiyaan wareegtadan soona xareeyaan numberka cad ee ay sitaan hadda.

Sidoo kale wuxuu wasiirku ku wargaliyey taliyaha ciidanka booliska somaliland inuu si dhakhso ah uga hawlgalo dhaqan galinta wareegtadan si loo sugo amniga qaranka iyo tan hantida qaranka ee dhinaca gaadiidka dawladda.

Wasiirka hawlaha guud ayaa qaaday talaabo lagu ilaalinayo hantida ummada ee dhanka gaadiidka dadweynaha waxaaana dhawaaqa wasiirku daba socdaa fariintii madaxweynaha ee salka ku haysay in la ilaaliyo hantida qaranka ee ummadu leedahay xiliga kala kuurka oo masuuliyiin badani xalaashadaan.

Amarka wasiirka ayaa ah mid firko nax ku riday masuuliyiin badan oo gaadiidka dawlada u isticmaala si gaar ah waxaana godkooda loogu soo dhacay xubno caado ka dhigtay in gaadiidka dawlada ay ka dhigtaan kuwo iyagu ay leeyihiin gaadiidkaas oo lagu soo iibiyo maaliyada dawlada waxaana jirra masuuliyiin gaadiidka dawlada dhiga macdarada dalka oo dib u iibiya isla markaana lacag yar dib udara oo ku badasha kuwo cusub oo ay gaar uleeyihiin.

Digreetadan Ayaa Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta JSL

Mudane Cali Xasan Maxamed.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com