Xulufada Carabta oo hakinaysa duqayntii ay ku hayeen Yemen

Shan maalmood oo ka bilaabmaya Axadda Yemeniyiintu waxay ka raysan doonaan naxdintii iyo qaraxdii joogtada ahaa ee kaga imanayey ciidamada huwanta ah ee Sucuudigu hoggaaminayo iyo Xuutiyiinta xidhiidhka la leh Iiraan.

Sucuudiga ayaa Sabtidii maanta ku dhawaaqay in xulufada uu hoggaamiyaa ay sidaa u yeeleen iyagoo raba in mucaawinooyinka bani’aadamnimo loo gudbiyo dadweynaha Yemen oo ay isugu biireen colaad, cudur iyo gaajo.

Duqayntan cirka ah waxay xulufada Carabtu Yemen ku bilaabeen dhammaadkii bishii March si ay u caabiyaan Xuutiyiinta oo qabsaday inta badan dalka Yemen iyagoo gacan ka helayey hoggaamiyihii xilka laga tuuray Cali Cabdalle Saalax.

Qaramada Midoobay ayaa diwaangelisay in ilaa iyo hadda ay dagaalkan ku geeriyoodeen 3,200.

Xabad-joojino kuwan ka horreeyey oo ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay ayaa hore u fashilmay. Lama oga tani in ay sideedaas ku hirgeli doonto.

Sucuudiga ayaa ku hanjabay in haddii ay gardarro dhinaca Xuutiyiinta ka timaad aanay xulufada Carabtu gacmaha laaban doonin wakhtiga xabad-joojinta.

Bandhige@gmail.com