Sahra-halgan way iska casishay xubinnimadii Waddani

Sahra Axmed Maxamuud oo ku-magac-dheer Sahra Halgan ayaa shaacisay in ay iska casishay xubinimadii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Sahra ayaa warqad qoraal ah oo ay baahisay ku sheegtay in is-casilaaddeedu la xidhiidho arrimo shakhsi ah si ay uga madax-bannaanaato hawlaha xisbiga iyo guud ahaan siyaasadda.

Dhawaan ayay is-casileen 3 xubnood oo ka tirsan guddida fulinta ee Waddani. Lama oga is-casilaadda Sahra-halgan in ay kuwaas xidhiidh la leedahay iyo in kale. Sidoo kale, lama malayn karo in is-casilaadahan ay xukuumadda iyo xisbul-xaakimku dabada ka wadaan iyo in ay yihiin qaar dabiici ah.

Sahra-Halgan waxay ka mid ahayd haweenka caanka ah ee xisbiga Waddani iyadoo teegeero weyn u muujin jirtay xisbiga.

Hoos ka akhri warqadda is-casilaadda ah oo ay ku saxeexan tahay.

Sahra Halkan