Faysal Cali Waraabe wuxu sheegay in shirka mucaaridku aanu ahayn mid qaran

Shirkii ay beryihii u dambeeyey ku baaqayeen mucaaridku xukuumaddana saska ku riday ayaa u muuqda in miisaankiisii hoos u dhacay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta waraysiyo siiyey ayaa sheegay in shirkan ay maanta qabteen ka duwan yahay kii ay markii hore ku taamayeen, isla markaanu aanu mahayn mid qaran.

Guddoomiye Faysal wuxu sababta ku sheegay qaraarkii Maxkamadda Sare ay shalay gaadhay, kaas oo xisbiyada mucaaridka u ogaalatay in ay hudheellada ku shiri karaan laakiin u diiday in ay shir qaran qaban karaan.

Mar uu la hadlayey idaacadda BBC-da gelinkii dambe ee maanta, guddoomiye Faysal wuxu sheegay in waxa shirka ka soo baxayaa ay noqonayaan talo-bixino- wuxu adeegsaday ereyga Ingiriisiga ah ee “recommendations”, taas oo meesha ka saartay shakigii xukuumadda iyo dad badani qabeen ee ahaa in xukuumad lagaga dhawaaqi karo.

Dhawaan ayay ahayd markii shirka talo-qaran ay xisbiyadu ku dhawaaqeen kadib markii ay sheegeen in ay xukuumaddu dhegaha ka furaysatay wixii ay ugu baaqayeen. Waxa ay ku hanjabayeen in wixii ka dambeeya 26-ka Juun aanay aqoonsanaan dooni Madaxweyne Siilaanyo maadaama xilligii sharciga ahaa ee loo korshiyey uu intaas ku eg yahay.

Dhanka kale, guddoomiyaha 3aad ee UCID Cali Gurey ayaa muujiyey shaki uu ka qabo shirka socda iyo sida loo fahansan yahay oo kala duwan. Sidoo kale Cali Gurey wuxu sheegay in aanay caddayn cidda shirka hagaysa iyo halka uu biyo-dhigan doono isla markaana uu mucaaridku ku kala fahan duwan yahay. Cali Gurey wuxu ku baaqay in laga hor tago in shirkani sahaydo xidhiidhka xisbiyada mucaaridka.

Halkan kala soco wixii berito shirkan ka soo kordha.

Bandhige@gmail.com