Madaxweyne Obama wuxu rajo hor leh u abuuray ganacsatada hal-abuurka leh ee Afrika

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sidii la filay maanta furay Shirka Caalamiga ah ee Hal-abuurrada Ganacsiga, kaas oo ku qabsoomay xarunta Kiiniya, Nayroobi.

Madaxweyne Obama wuxu xusay in ay Afrika ku socoto horumar isla markaana dihin tahay sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lagu taageero horumarka ay ku tallaabsatay.

Kiiniya oo uu aabihii ka soo jeedo wuxu Obama sifeeyey in ay calanka u siddo arrimaha la xidhiidha tiknoolojiga laakii ay u baahan tahay in ay dagaal la gasho musuq-maasuqa.

Madaxweyne Obama wuxu kumanaankii ganacsatada ahaa ee goobta isugu yimid ugu bushaareeyey in loo soo qaadhamay hal bilyan oo Doollar oo lagu horumarinayo ganacsatada Afrika.

Dhanka kale Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Afrika maanta aanay ahayn tii la liidi jiray balse ay ku tallaabsanayso horumar maalinba maalinta ka dambaysa, isla markaana ay Afrika xuddun u noqon doonto ganacsiga iyo tiknoolajiyada adduunka. Md. Kenyatta wuxu sheegay in Afrika ay diyaar u tahay in ay la ganacsato dunida inteeda kale.

Hadalkan Madaxweyne Obama iyo dhaqaalaha uu sheegay in loo qoondeeyey horumarinta ganacsata Afrika, gaar ahaan kuwooda hal-abuurka leh ee curin kara fikrado cusub, wuxu dhiirigelin u yahay guud ahaan qaaradda Afrika. Waxana la eegi doonaa in ballan-qaadkani noqdo mid dhabbooba iyo in kale.

Bandhige@gmail.com