Cali Gurey wuxu sheegay in shirka mucaaridka shaki ka jiro si isku mid ahna aan loo fahamsanayn

Cali Gurey ayaa shaki ka muujiyey shirka maanta mucaaridka uga furmay Hargeysa, wuxuna ku tilmaamay in ay suurtogal tahay in mucaaradka laftiisu aanu si isku mid ah u wada fahansanayn waxa ay tahay in ay shirka ka soo baxaan iyo ajandayaasha ay tahay la falanqeeyo. Wuxuna yidhi:

Waxad moodaa in madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin uu jiro oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsanayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inu yahay Sharwayne Qaran oo loo wada dhanyahay halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo. Waxa muuqata in aan Shirka ajandihiisa, ujeedoyinka laga leeyahay iyo kuwa laga kala leeyahayba, iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meel dhigin ama aan la qeexin.

Waxa kale oo iswaydiin leh cida gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.

Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inu muran ka dhex dhalin karo mucaaridka iyo xisbiyada gudahooda.

Wa Bulaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Ku Simaha Gudoomiyaha
xisbiga UCID