Xuska murugada 70-guurada nukliyeerkii lagu dhuftay Nagasaki, Japan

Dadweyne tiro badan oo murugaysan iyo haween maryo cad hagoogan oo hoos u foorara ayaa goor dhawayd oo Axaddan maanta ah (gelinkii dambe ee xalay)  ku soo ururay barxadda loo yaqaan Nagasaki Peace Park ama “Barxadda Nabadda ee Nagasaki” si ay uga qayb-qaataan xaflad lagu xusuusanayo maalintii murugada lahayd ee Maraykanku bamka nukliyeerka ah ku dhuftay Nagasaki.

Waxa munaasibadda ka soo qayb-galay maayarka Nagasaki, Tomihisa Taue iyo ra’iisal-wasaaraha Japan Shinko Abe. Labadooduba hadallo qiiro leh ayay goobta ka jeediyeen.

Qalcad macbud ahayd oo ka mid ahayd dhismeyaashii bambku burburiyey laakiin dib loo dhisay si ay xusuus u noqoto ayaa sidoo kale la booqday. Waxa halkaas laga riday bam macmal ah laakiin muuqaal ahaan u dhigma kii lagu dhuftay Nagasaki, kaas oo holaciisu cirka isku shareeray kadibna qariyey magaalada oo dhan.

Muuqaalka bamkii Nagasaki
Muuqaalka bamkii lagu dhuftay Nagasaki 9 August 1945

Ugu yaraan 70,000 oo qof ayaa naftoodii ku waayey weerarkan oo dhacay 3 maalmood uun kadib markii Hiroshima sidan oo kale loo duqeeyey loona adeegsaday hubka halista ah ee nukliyeerka.

Diyaaraddii wax duqaynaysay qorshaheedu muu ahayn in ay bamka ku tuurto Nagasaki laakiin magaaladii uu yoolkeedu ahaa oo la yidhaa Kokura ayay daruuro ku hagoognaayeen taas oo duuliyihii ku abuurtay cabsi in diyaaraddu wax noqoto, kadibna wuxu qaatay go’aanka ah in uu bamka ku tuuro Nagasaki.

Nagasaki victim
Sumiteru Taniguchi wuxu ka mid ahaa dadkii reer Nagasaki ee ka badbaaday bamka, laakiin noloshiisa silic ayuu ku soo qaatay

Munaasibaddan lagu xusayo murugadii Nagasaki waxa ka qayb-galay marti ka socotay 65 dal, kuwaas oo dhagaystay baaq (nabadeed) oo carruurta Japan ay madasha ka akhriyeen. Waxase markii dambe si rasmi ah “baaqa nabadda” u jeediyey maayarka Tomihisa Taue.

Ra’iisal Wasaaraha Japan Shinko Abe oo hadal qiiro leh madasha ka jeediyey wuxu yidhi:

“Japan way kaga dhabaysay in ay hormood u ahaato adduunyo aan nukliyeer lahayn.”

Warqad farriin ah oo uu soo diray Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa laga akhriyey xafladda. Farriimihii Xoghayaha waxa ka mid ahaa;

“Nagasaki waa in ay ahaataa masiibadii nukliyeerka ee u dambaysay. Dunidu ma ogolaan doonto mana karayso Nagasaki dambe iyo Hiroshima dambe.”

Sumiteru Taniguchi oo 86 jir ah wuxu ka mid ahaa dadkii baaqiga noqday maalintii la duqeeyey Nagasaki. Wuxu hadda gadhwadeen ka yahay dalxiiska booqda meelaha lagu xasuuso masiibadii Nagasaki. Wuxu u warramay wakaaladaha wararka. Wuxuna yidhi:

“Dadku waxay yidhaahdaan adigu masiibadaa waad ka badbaaday. Laakiin bal dhabarkayga eega sida uu noqday, noloshayda oo dhan waxan ku soo qaatay silic.”

Labadii bam ee nukliyeerka ahaa ee Maraykanku la beegsaday Hiroshima iyo Nagasaki waxay noqdeen kuwii soo af-jaray dagaalkii 2aad ee dunida kaas oo guushu raacday Maraykanka iyo xulufadiisii.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com