Yaa ku guulaystay dooddii madaxweyne-xigeennada Maraykanka ee xalay?

 

Waxa xalay markii  koowaad foodda is daray labada murashax ee madaxweyne-xigeenimada Maraykanka u ordaya Badhasaabka gobolka Indiana Mike Pence oo ka socda Jamhuuriga iyo Senator-ka gobolka Virginia Tim Kaine oo ka socda Dimuqraadiga.

In kastoo aanay ahayn dood u xiiso badan sida ta murashaxiinta madaxweynenimada haddana waxay ahayd dood aad loo sugayey.

Sida ay maanta baahisay Washington Post waxa dooddaas gacan sarreeyey murashaxa ka socday Jamhuuriga Mike Pence isaga oo ka degganaa kana dood macquulsanaa dhiggiisa Tim Kaine oo u sharaxan xisbiga Jamhuuriga.

Pence wuxu inta badan eegayey kamaradda, kumuu mashquulin dadkii qolka dooddu ka dhacaysay la isugu keenay, sababtoo ah wuxu fahansanaa in dadka uu la hadlayo ay yihiin dadweynaha kamaradda ka daawanaya. Sidoo kale wuxu ka gaws-adaygay weerarradii joogtada ahaa ee Pence ku qaadayey saxiibki Trump in aanu dhammaantood ka jawaabin. Dooddan Pence wuxu ka baxay isaga oo ah ninka leh mustaqbalka xisbiga Jamhuuriga wuxuna muujiyey in uu si walba uga duwan yahay saaxiibkii Trump. Haddii ay Aqalka Cad ku guulaystaan iyo haddii kaleba Pence wuxu tusay xisbiga Jamhuuriga in uu yahay nin mustaqbal siyaasadeed oo dambe leh.

Tim Kaine ayaa dooddiisu u badnayd weerraro uu ku qaadayo murashaxa dhaliilaha u nugul ee Trump hase ahaatee waxa ka muuqatay in aanu si xoog ah u soo diyaar-garoobin. Sidoo kale waxa ka muuqatay hadalkiisa oo uu dedejinayo iyo waxoogaa xasillooni la’aan ah. Wuxu mar walba hadalka ka dhex galayey Pence iyadoo loo qaatay in uu doonayey in uu khalkhaliyo ama hadalka ka lumiyo hase ahaatee taasi uma ay shaqayn.

Isku soo duub, xalay waxa qaatay Jamhuuriga. Eegnaa doodaha soo socda cidda ay guushu raacdo.

Il-wareed: Washington Post

Bandhige News

Bandhige@gmail.com