Waxa la sheegay in nin xakiim ah ah ay maalin gabadhiisu ku tidhi “ Maan arag reerkiina dad ka xun! Waxaana uu weydiiyay sababta?. Waxay ugu jawaabtay “ Waxay inoo yimaadaan marka aan hanti haysano, markaan sabool noqono inooma yimaadaan.!
Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa: “Taasi waa akhlaaqda wanaagsan, waxay inoo imanayaan markaan wax tari karno, waana ay inaga maqnaadaan marka aynaan awood u lahayn waxtarkooda”.
Sidaasi ayuu qofka akhlaaqda wanaagsani dhinaca fiican wax uga arkaa. Dhaqanka ay gabadhu u aragtay mid xun, wuxu ugu muuqday isaga inay u naxariisanayaan. Wanaaji Malaha aad ka qabto qoyskiina iyo asxaabtaada oo u cudur-daar u samee markasta..
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com