Dareenkii Dhabta Ahaa Ee Lagu Shaqaaleyey!

Markii uu aqoon yahanku ka gudbay imtixaankii hore aya loo sheegay inuu geli doono waraysi (Interview) si goโ€™aankii ugu danbeeya looga gaadho inuu ku guulaysto jagada maamulaha ee shirkadda ka banaan.

Waxa uu ahaa aqoonyahn aad u dhisan, gudoomiyaha shirkadda markii uu arkay natiijada imtixaanka uu keenay iyo Cv-ga iyo natooyinka imtixaanadiisa ilaa heer jaamacaeed, ee uu soo gudbiyay aad ayuu ula yaabay heerka aqoontiisa. Markii uu la kulmay wuxu weydiiyay suโ€™aalahan:

โ€œMiyay jirtaa deeqo waxbarasho oo aad wax ku baratayโ€? , wuxu ku jawaabay Maya. Haddana waxa uu weydiiyay โ€œ Ma aabaha ayaa ka bixin jirin kharashka waxbarasho?.

Waxaana uu ku jawaabay aabahay wuxu dhintay anagoo hal sano jiray.

Hooyaday ayaa iga bixin jirtay.

Gudoomiyaha: Hooyada maxay qaybataa ? Aqoonyahanka: Hooyaday dharka ayay dadka u maydhaa. Gudoomiyha: Adigu Miyaad la maydhaa? Aqoonyahan: Maya, ma ogola waxay igu tidhaa adigu casharkaaga akhriso.

Gudoomiyaha: Caawa iyada gacmaheed u maydh ka dibna subax beri ah ii kaalay. Aqoonyahankii ayaa habeenkii hooyadii u maydhay gacamaheeda waxase uu ogaaday in gacamaheedu ay noqdeen kuwo adkaaday oo dhib weyni ka muuqato.

Habeenkii ayuu ka maydh dharkii intii hadhsanayd isagoo ogaaday dhibtaada hooyadii haysatay.

Subixii ayuu u galay guddomiyaha isagoo weli dareemaya hooyadii. arinkii ayuu u sheegay iyo sida uu isu bedelay markii uu ogaaday gacmaheeda isbedelka ku dhacay. Gudoomiyaha aya ku yidhi : Hadda waa aanu ku qaadanay shaqadii Maamulaha adigoo dareemaya inaad ku heshay dadaalkii hooyadaaa ku gelisay.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com