Dhiig Bixinta Iyo Diyarinta Jidhka Dhiig Cusub!

Alexander Russi oo ahaa dhakhtar iyo faylasuuf ayaa soo saaray qaab cusub oo ah sidii unugyada dhiigga loo cusboonaysiin lahaa. Arintan ayuu ku sheegay inay imanayso marka dadku dhiiga iska shubaan oo ay siiyaan dadka kale oo u baahan, taasi oo keenaysa inuu jidhku 21 maalmoodba curiyo unugyo cusub.

Waxaana uu noqday ninkii u horeeyay ee in dhiiga la isku shubi karo xaqiijiyay. Isaga laftiisa ayaa arinkaasi bilaabay waxaana uu dhiig iska shubay oo bixiyay 11 jeer. Mar danbe ayuu isaga laftiisa uu ku dhacay xanuunka kaneecada iyo midka TB, markaasi oo uu daciifay isla markaana uu dhiigiisu yaraaday.

Waxaana la sheegay in ugu dambaystii u dhintay xanuunkaasi. Iyadoo la sheego in sababta xanuunada ku keentay ay ahayd tijaabooyinkii dhiig bixinta ee uu samaynayay oo aad u badnaa, kana gudbay xadkii dhiig bixinta qofka caadiga ah..

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com