Waxa U Dareemay Dhibta Curintiisa!

Qaabka dadka lagu xukumo dilka loo khaarajiyo ayaa dunida kala duwanaa qarniyo badan, kuwo way deldelaan, kuwo kale kuraasi biro masaabiir ah leh ayay ku fadhiisin jireen, iyagoo qaarkoodan seefo ama midiyo ku dili jirtay, halka kuwo kalena ay daamur kulul dhex gelin jireen.

Lee Syuhu wuxu ahaa ninkii u horeeyay ee curiyay kursiga lagu dilo dadka waayadii hore ee xanuunka badanaa. Kursigan ayaa ahaa mid leh 1300 oo musbaar oo qofka lagu fadhiisiyo, kaasi oo jidhkiisa meel kasta ka mudi jiray, marka culayska qofku ku fadhiisto.

Kursiga ayaa hoos loo dhigi jiray si ay masaabiirtu u wada mudo qofka ka dibna qofku wuxu u dhiman jiray dhiig bax. Waxase yaab iyo amankaag dad badan ku noqday markii ninkii sameeyay kursigan aan naxriista lahayn isaga laftiisa lagu soo oogay khiyaamo qaran.

Waxaana lagu xukumay dil iyadoo lagu fadhiisiyay kursigii uu isagu curiyay in dadka lagu khaarajiyo ka dib markii dawladda isku dheceen. Sidaasi ayay naftu kaga baxday isagoo dhiig baxaya sidii kuwo hore lagu fadhsiiayba ugu dhinteen. Dadka badankooda ayaa nacdali jiray marka ay arkaan sida kursigaasi dadka u gelaayo. Weligaa ha curin wax dhib ku ah aadamiga, kana sheqee wanaagooda iyo waxtarkooda, adiguna wanaagooda ayaad heli.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com