Xukunka Maxkamadii Yaabka Badnayd!

Mr.Lorenzo Castelli ayaa dhintay, ka dib markii uu dalka Talyaaniga ku jiidhay tareen sannadkii 1977. Sida caadiga ah waxay ahayd in maydkan uu yahay ka dhibanaha ah oo aan wax dembi lagu yeelanayn madamaa uu isagu dhintay. Laakiin shilkan sababay dhimashada ninkan ayaa keenay in dib u dhac ku yimaado saddex tareen oo kale oo danbeeyay, kuwaasi oo noqday taariikhda dunida markii ugu horaysay ee tareen uu dib u dhaco 30 daqiiqo.

Sidaas darteed shirkadda maamulaysay khadadka tareenada ee dalka Talyaaniga ayaa maydkaasi ku oogay dacwad inuu sabab u ahaa isagu dhibaatada macmiilka tareenada ku dhacday.

Maxkamadda ayaa amartay in Maydka eedaysanaha ah la keeno maxkamadda oo weliba lagu fadhiisiyay kursiga eedaysanaha iyadoo loo qabtay garyaqano difaacaya Maydka eedaysanaha lagu sheegay.

Looyarada maydka difaacayay ayaa ku dooday in Maydkani uu ku waayay shilka naftiisa, taasi oo ka muhiimsan dooda shirkadda, halka shirkadu ay hanti kooban iyo sumcad kaga doodayso. Arrintan ayaa lagu daray arrimaha (strangeness) yaabka leh ee ka dhaca dunida.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com