Maxay Ugu Dhegan Yihiin Midnimada?!

Gobolka Catalonia, oo ku yaalla waqooyi bari ee Spain, waxaa loo yaqaanaa xeebaha caanka ah ee Costa Brava iyo buuraha Pyrenees. Caasimadda gobolkaasi ayaa ah Barcelona,

Deegaankan Catalonia ballac dhulkiisu waa 32108 km2 , dadka ku nool ayaa dhan 7,522,596 Milyan, waxaana ay haystaan xukun hoosaad. Luqadooduna waa mid bulshada Catalonia mana ku hadlaan luqadda Spanishka.

Sababaha keenay inay Catalonia doonayaan inay noqdaan dal madax banaan waxa ka mid iyagoo aad uga cadhaysan sidii uu ula dhaqmay janaraalkii Spain xukumayay Gen.Faran 1939-1975, kaasi oo gacan bir ah ku hayay deegaanadaasi.

Laakiin sanadkii 1978 ayaa la siiyay xukun hoosaad mase ahayn mid ay weli ku qanceen.Ka sakow cadaadiska, Catalonia waa mandaqad dhaqaalaheedu sareeyo iyadoo wershadaha iyo waxa soo saarkeedu badan yahay. Sanadkii 2014 dakhliga guud ee debedda ka soo galay ayaa gaadhay 200 bilion oo Euro ah, sanad kasta dakhliga dalku wuxu kordhaa 3%.

Waxa soo saarka gudaha ayaa sareeya (GDP), badeecadaha ay debedda u dhoofiso ayaa sanad kasta ka sii badan ka hore. Sidaasi darteed shacabka Catalonia waxa uu ku doodayaa in lacagta ka soo xeroota iibka badeecadaha ay wershedeyaan ay ku dhacdo khasnadda dhexe ee Spain taasi oo aanay waxba ka faa’idin.

Dhaqaalaha Catalonia wuxu qiyaas ahaan la mid yahay kan dalka Borqtiqiiska. Waana bulsho ku doodaysa inay u baahan tahay inay noqdaan dawlad ka madax banaan Spain madaama aanay dhaqan iyo luqad ahaanba ka duwan yihiin dalka Spain. Waxana dawladda Spain diiday afti deegaanka laga qaadi lahaa oo lagu dooran siin lahaa inay dawlad xor ah noqdaan iyo inay ka sii mid ahaadaan dhulka Spain. Tani waxay ka mid tahay midnimada caalamka ee beenta ah kuna dhisan isku dul noolaanshaha. Mar kasta qaybaha sheegta inay jecel yihiin midnimo, xaqiiqdu waa danaysi ku dhisan dano dhaqaale, siyaasadeed, mana ah mid lagu abuurayo wanaag iyo horumarka uu dhaliyo midnimadu.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com