Shir Kooban Ayaa Dhisay Dawlad Xoog Leh!

Sanadkii 1901, 2dii bishii December, ayuu ka furmay shir weyne magaalada Basel, ee dalka Switzerland, shirkaasi waxa qabtay bulashada Yuhuudda ah ee Yurub iyo Maraykanka deganayd. Go’aanadii Shirkas ayay ka mid ahaayeen samaynta sanduuq qaadhan ah oo lacag lagu ururiyo taasi oo loo qorsheeyay in lagu iibsado guryaha iyo dhulka Falastiin ee Bulshada Carabtu leedahay , mulkiyadahoodana ay la wareegaan dadka Yuhuudda ah ee dhulkaasi.

Falastiin wakhtigaasi waxa gumaysan jiray Ingiriiska. Waxa kale oo shirkaasi lagu go’aamiyay in dadka Yuhuudda ee aan shaqayn ee dhulkaasi degan dhamaantood laga shaqaaleeyo. Qorshaha muhiimka ah ee shirkaasi ayaa isna ahaa in muddo 50 gudahood ah la helo dhul iyo dawlad ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah. Qodobadii shirkaasi lagu gaadhay ayaa dhamaantood fulay , iyadoo sanadkii 1948 ay heleen dal iyo dawlad u gaar ah dadka Yuhuudda, dadkii reer falastiin ee degenaa dhulkaasi aya noqday kuwo ku hoos nool xukunka dawladda Israa’iil.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com