Weedhaha Aan Mudnaanta La Siin!

Maxaynu u weynaynaa arrin aan mudnaynba taasi? Tusaale waxa inoogu filan Rasuulkeenii Muxamed (scw), sida bukhaari soo arooriyey, Abu hureyrah (rc) waxa uu Rasuulka ka soo weriyey, in uu yidhi (c.s.w) : ((miyeydaan la yaabin sida Allaha iiga dhawrey cayda qureysh iyo lacnadeeda? Waxay caayayaan mid aan jirin, waxaaney lacnadayaan mid aan jirin aniguna waxaan ahey Muxamed.

Haa dhab ahaan waxay ahaayeen kuwo marka ay rabaan in ay wax ka sheegaan Rasuulka (scw) yidhaahda: “kiibaa yimi, kiibaana tagey iyagoo aan sheegin magaciisa dhabta ah xaqiraad darteed, sidaasi darteed, nabigu (scw) ahmiyad muu siin jirin, wixii ay afka ka lahaayeen maxaa yeeley waxba kamey sheegeyn magaciisa dhabta ah toosna ugumey soo badheedhayn dhega hadal mooyee, adiguna akhriste ha qoonsan hana siin ahmiyad hadii lagaa sheego wax aanad ahayn.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com