Shirkadaha Iyo Adoonsiga Shaqaalaha!

Maxkmad ku taal dalka Barasiil ayaa ku xukuntay shirkadda Avon ee samaysa qalabka qurxinta inay siiso gabadh shaqaalaheeda ka mid ahayd lacag magdhaw ah oo dhan $ 36000. Gabadhan ayaa sheegtay inay shirkaddu ku qasabtay inay samayso qoob ka ciyaar iyadoo xidhan dhar aad khafiif u ah wakhtigaasi oo ay goob joog haayeen koox weriyayaal ahi. Maxkamada ayaa barteed internetka ku faafisay xukunkan iyadoo la siin doono lacagtaasi gabadha dhibanaha ah. Gabadhan oo aan la sheegin halka ay ka soo jeedo ayaa cadaysay in lagu khasbay Qoob ka ciyaarka iyadoo aad loo xaqirayo dhalashadeeda. Waana mid ka mid ah dhaqanada xun ee Maalqabeenada kibra ee dunidu ku sameeyaan shaqaalahooda hoose. (source: Kyoumnewspaper

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com