Ubadkaaga Hami Sare Ku Abuur!

Suldan Najma Diin Ayuubi wux ahaa aabaha Saalaxa Diin Al-Ayuubi oo ahaa hogaamiyihii muslimiinta ee Qudus xoreeyay. Maalin isagoo koox dhalinyaro al ciyaaraya Saalaxa Diin ayuu u yeedhay aabihii waxaana uu ku yidhi inta uu gacanta qabtay “ Umaan guursan hooyada inaad caruurta la ciyaarto waxaan u guursaday inay dhasho wiil Qudus xoreeya”.

Ka dib dhulka ayuu ku tuuray markaasi ayuu dhacay Saalax DIin. Aabihii ayaa ku yidhi “ Miyaanad xanuunsan markaan dhulka kugu tuuray?”. Waxaana uu ku jawaabay mayee waan xanuunsaday”. Aabihii ayuu ku yidhi “ Oo hadda maxaad u qaylin weyday oo u muujin weyday xanuunka?”.

Waxaana uu ku jawaabay Saalaxa diin “ Qofka laga rabo inuu xoreeyo Qudus maaha waxaan dhib badan lahayn inu ka qayliyo”. Maalintaasi ayuu niyaddda geliyay inuu xoreeya Qudus isagoo weli dhalinyaro ah, markii aabihii hamigaasi ku dhaliayay. Ilmahaaga hami weyn ku abuur. (Kitaabka Rawaa’ic Mina Taariikhul Islaam )

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com