Markii u aabahay doonyay in safarka u baxo isagoo tegayay Riyadda ilaa Damaam, ayuu sii maray anigoo la socda hooyadii oo aniga ayayday ah. Markii uu sheegay inuu safar ugu baxayo Damaam aya ku tidhi hooyo sii qaado bustahan waa dhaxane, laakiin aabahay wuu diiday ilaa ay ku khasabtay oo aanu sidaasi ku qaadanay. Waayo waxaan sidanay qalabka dhaxanta gaadhiguna wuxuu leeyahay Ac.
Markii aanu dhexda maranay ee saacadu aya ahayd 1:30 Habeenimo ayaan dariiqa dhexdiisa ku aragnay gaadhi taagan iyo laba nin oo ag jooga oo gacmaha noo taagaya. Aaabahy wuu joojiyay gaadhigii, waxa ka muuqatay labada nin gaajo iyo dhaxan si xoog badan u haysay , raashin ayuu siiyay bustihii suufka ahaana wuu siiyay ee Ayayday ku khasabtay qaadashadiisa.
Waxaana uu ku yidhi u duceeya hooyaday ayaa igu khasabtay inaan qaato. Labadii aad aaya u duceeyeen. Gaadhigii ayuu u jiiday ila uu gaadhsiiyay meel loogu hagaajiyo. Aada ayayna raali uga noqdeen.
Muddo shan sano ka dib ah ayaa aniga aabahay, hooyaday, iyo shan caruur oo aanu walaalo nahay isla goobtii uu gaadhigu nagaga xumaaday, anagoo aad u yaaban ayuu muddo ka dib waxa agtayada isa soo taagay gaadhi, kaasi oo doonayay inuu na caawiyo, mise gaadhigan waxaaba wata labadii nin ee habeenkii aanu caawinay oo aan na garanayn, markii aanu is garanay nagamay tegin ilaa ay gaadhigii nala dhameeyeen oo aanu goobtii ka dhaqaaqnay. Waa sidaasi aduunyadu wanaaga aad samsyso ayaa keena wanaag aad hesho. Haddii xumaan samaysano abaalkeeda waad helaysaa.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com