- Quruxda gabadhu waa dhowrsanaanta, quruxda ragguna waa shakhsiyadiisa.
- Farshaxanka inaad mar geesi tahay marna digtoon tahay, waa farshaxanka guusha.
- Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba kaalmee adiga oo jecel in aad caawisid.
- Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid! Ha wada isticmaalin waxa aad haysato ee badh kaydso. Hana seexan hurdo badan oo dantaada ku seejisa.
- Dadka meel ha kaga dhicin oo ha aflagaadayn.
- Hadii uu qof ku waydiiyo suโaal aanad rabin in aad ka jawaabto, u ilka cadee oo waydii: Maxaad u doonaysaa in aad arintaa ogaatid?
- Isfahmid laโaan yari yay kaa duminin saaxiibtinimo wayn.
- Xusuusnow in ay aamusnaantu mararka qaarkood tahay jawaabta ugu wanaagsan.
- Aamin dadka, laakiin albaabka gurigaaga xidho.
- Wixii aad ogtahay ee faaโiido leh u sheeg dadka kale ha kula qaybsadaane. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqoto qof weligii la xusuusto oo dad badani yaqaanaan.
- Waligaa ha goynin xidhiidhka qof ku tusaya wanaag.