Xikmadaha Maanta

  • Shucuubta liidata, akhlaaqdeeduna way xumaata.
  • Qofka laguu sheegaya waa carabkiisa iyo caqligiisa, waxa ka soo hadhay waa lafo iyo hilib.
  • Nasiib xumaa qof wax kasta yaqaana laakiin aan Allah (sw) aqoon
  • Saaxiibada ay duruuftu ku doortay ayaa ka fiican kuwa aad adigu dooratay
  • Waxa keliya caalamku isku raacay waa in aan Hal meere kuwada noolay.
  • Wax kasta waa la aqbali karaa, marka laga reebo dulmiga
  • Calool madhan, jeeb faaruq ah iyo qalbi dhawaacani waxa ay ku baraan casharada nolosha ugu adag
  • Odhaahda kaftanku xaqiiqoyin badan ayay xambaarsantay
  • Unuguyada dunida yaal waxa ugu badan Ogsijiinta iyo nacasnimada.
  • In aad qof dareenkiisa ku dhaawcdo run ayaa ka fiican in aad ku farxad geliso been.