Da’daada Ma Ii sheegi Kartaa? Waayo?

Markii dhakhtarku go’aamiyay in la suuxiyo gabadha islaanta ah ee xanuunku hayo, ka hor camilayda ayuu dhakhtarka suuxniinka qaabilsanaa weydiiyay islaanta bugtay su’aalahan:

Dhakhtarka : Da’daada ii sheeg?  Maxaad ka rabtaa ? .  Dhakhtarka: Da’ada iyo dawada ayaa isku xidhan.

Gabadhii ayaa ku jawaabtay waa 25 sano.

Dhakhtarka ayaa ku celiyay quraaradan dawada ah ee aan kugu mudayo waxa mid kasta ku qoran cimriga qofka, markaa run inaad sheegto weeyi, haddii kale oo aan kugu mudo mid aan da’da ahayn waxa laga yaabo in ay dhibaato ku soo gaadho.

Gabadha Bukaanka ah: Hadday sidaasi tahay da’adaydu waa 30 sano. Dhakhtarka ayaa haddana weydiiyay: Haddii aanay da’daadu intaasi ahayn waxaa laga yabaa inaanad ka soo noqon suuxniinka.

Gabadha: Haddaba runtii 38 jir ayaan ahay.

Dhakhtarki ayaa haddana ku yidhi : Haddii dawada u dhiganta da’daasi aad sheegtay aan kugu mudayo, laakiin aanad intaasi ahayn waxa kugu dhacay faalig sidaasi ogow.

Gabadhii Bugtay ayaa tidhi : Maya haddaba da’daydu run ahaantii waa 48 sano ,haddii aan dawada ku  dhiminayo iyo haddii kalena anigu mar danbe intaasi dhaafin maayo igu mud ta da’daasi ah.