Rasuulka allah (scw) oo asxaabta khudbad wacdi ah u jeedinaya ayuu nin istaagay, nabiga (scw) ayaa ninkii ku yidhi fadhiiso, haddaba saxaabiga ibnu mascuud oo masaajidka debediisa jooga ayaa maqlay fadhiiso, waxaana uu fadhiistay meeshii uu taagnaa. waxa ay ahayd goob qorrax badan, dhididkii ayaana ka hooray.
Markii ay asxaabtii soo baxday ayay ku yidhaahdeen: maxaa kugu dhacay ibnu mascuudoow oo aad cadceedda u fadhiisatay?, waxaana uu ugu jawaabay: โwaxaan maqlay Rasuulka Allah (scw), oo leh fadhiiso.
saxaabadii mid ka mid ah ayaa ku yidhi: โadiga kuma sheegayn ee nin kale oo istaagay gudaha masjidka ayuu ahaaโ.
Ibnu mascuud (rc), ayaa markaasi yidhi: โ soo Rasuulku (scw) ma odhan fadhiiso mana magacaabin ninkaa, marka waan fadhiistay, nabiga (scw) oo leh fadhiiso miyaan taagnaan karaa?.
ibnu mascuud (Rc) wuxuu kaloo yidhi: โ waan isku dhiibay Rasuulka (csw), waana adeecid buuxda, sababtoo ah xabiibkeena, waxaan ka jecelahay Aabahey iyo hooyadey iyo naftaydaba.
Intaasi ka dib Rasuulka (scw) ayaa soo baxay oo ku yidhi : โ istaag yaa abaa c/raxmaanow Janno ayaa kuu sugnaatay, istaag Abaa C/raxmaanow janno ayaad leedahaye.