Garashada Qarsoon Iyo Ficilada Dadka

  • Jibraan Khaliil Jibraan ahaa qoraa iyo falsuuf boqortoyadii Cusmaanyiinta ku xidhnaa waxa uu isaguna yidhi : โ€œ Marka aad wax bixinayso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin, qofka aad wax siinaysoย  kor ha u eegin si xishoodkiisa aanad u dareeminโ€.ย  Taasi waa wax bixinta heerka ugu sareeya.
  • Waxa kale oo ka mid ah xikmadaha Khaliil :โ€ Qofna xumaan dhexdiina kuma samayn karo haddaanay jirin doonistiina qarsoon iyo garashada qalbiyadiinaโ€.
  • Cabdimalik Ibnu Marwaan asaasihii dawladdii Umawayiinta waxa uu yidhi : โ€œ Dadka waxaa ugu wanaagsan, qofka aan kibirinย  marka uu sarreeyo, cafiskana yaqaana marka uu awooda leeyahay, cadaaladda sameeyaย  marka uu xukun hayoโ€.
  • Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell ย ayaa yidhi : โ€œ Noloshu waa ay ka gaaban tahay waana ay ka qiimo badan tahay in aan ururino gefafka ay dadka kale inagu sameeyaan iyo in weliba isku dirka dadkaโ€ . Mar uu ka hadlayay dadka khaladka ururiya wax uu sheegay in ay wakhti aad u qiimo badan iskaga dayacayaan dhaliisha dadka, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay oo farsamada noloshu ka kharibantay.

 

  • Faylasufkii Plato ayaa laga qoray : โ€ Dagaalka qofka uu naftiisa la galo ayaa ah guusha ugu weyn ee aadamuhu gaadhoโ€.ย ย  Naftu waxay kuu diidaysaa wax kasta oo faaโ€™iido kuu leh. โ€œ Arrimaha ย badan ayaa qofka nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu muhiimsan yididiiladaโ€.