๐๐ข๐จ๐๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ W/Q: (Dr-Abdikarim D Hassan )

๐๐ข๐จ๐๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ

Ereyga ๐๐ข๐จ๐๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ waa laba erey oo isku sidkan oo kala ah Bio oo ah nolol iyo diversity oo ah kala duwanaansho ama midabo badnaan. Marka la joogo deegaanka Biodiversity waxa lagu qeexaa inuu yahay

โ€œ๐’…๐’‰๐’‚๐’Ž๐’‚๐’‚๐’ ๐’๐’๐’๐’๐’†๐’š๐’‚๐’‚๐’”๐’‰๐’‚ ๐’Œ๐’‚๐’๐’‚ ๐’…๐’–๐’˜๐’‚๐’ ๐’†๐’† ๐’…๐’†๐’†๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’‚๐’ ๐’Œ๐’๐’๐’ƒ๐’‚๐’ ๐’Œ๐’– ๐’˜๐’‚๐’…๐’‚ ๐’๐’๐’๐’, ๐’๐’‚๐’ˆ๐’‚ ๐’ƒ๐’Š๐’๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’ ๐’Š๐’๐’Š-๐’Ž๐’‚ ๐’’๐’‚๐’ƒ๐’‚๐’•๐’‚๐’š๐’ˆ๐’‚ ๐’ƒ๐’‚๐’Œ๐’•๐’†๐’†๐’“๐’Š๐’š๐’‚๐’…๐’‚, ๐’‡๐’‚๐’š๐’“๐’‚๐’”๐’Œ๐’‚, ๐’‡๐’–๐’๐’ˆ๐’‚๐’”๐’Œ๐’‚, ๐’Š๐’๐’‚๐’‚ ๐’„๐’‚๐’š๐’‚๐’š๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’„๐’Š๐’Š๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐’„๐’‚๐’๐’‚๐’‡๐’Œ๐’‚ ๐’Œ๐’– ๐’’๐’‚๐’“๐’”๐’๐’๐’, ๐’”๐’‰๐’Š๐’Ž๐’ƒ๐’Š๐’“๐’‚๐’‰๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐’๐’‚๐’‚๐’”๐’๐’‚๐’š๐’…๐’‚.โ€

Nooleyaashaas kala duwani waxay ka wada shaqeeyaan si ay u ilaaliyaan dheeli tirnaanta nolosha iyo jiritaankeeda. ๐˜‰๐˜ช๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ท๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜บ- noloshaas kala duwan ee hadana isku tiirsan- waa waxa joogteeya khayraadka aduunka dul yaal ee aynu ugu baahahay si aynu u noolaano: cuntadeena, biyaha nadiifta ah, dawada, iyo hoygeenuba waxay ku tiirsan yihiin nidaamsanaanta ๐˜‰๐˜ช๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ท๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜บ-ga.

Deegaankeena, bal inyar xusuusta dib u celi oo ka fikir, imisa shimbir qurux badan oo lagu indho doogsan jiray, dheguhuna sawaxankooda ku raaxaysan jireen ayaan in dhawayd ba la arag? Imisa geed oo dhulku hodan ku ahaa ayaan mudo dheer il iyo baal la saarin? Imisa cayayaan yaryar ah oo roobka iyo rayska ku lamaanaa, barwaaqada iyo badhaadhahana astaan u ahaa ayaa dabar goโ€™ay? Oo aanaan magac iyo muuq toona ka hayn! Daraasaduhu waxay tilmaamayaa in 34% noolihii beriga iyo 54% noolihii bada uu isbedel dheelisiiyay miisaankoodii uu ku dhacay; kaas oo gebi ahaanba dabar jaray in badan oo ka mid ah.

Isbedelka ku imanaya ๐˜‰๐˜ช๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ท๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜บ-ga deegaanku wax cusub maaha. Ilaa intii nololi ka unkantay dunidda guudkeedda, noole ayaa dabar goโ€™ayay, noole kale ayaa curanayay oo shaqadiisii buuxinayay. Khubarada ๐˜‰๐˜ช๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ท๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜บ-ga daraasadeeyaa waxay yidhaahdaan, sida caadiga ah, tobankii kun ee nooleba, hal noole ayaa dabar goโ€™a, boqolkii sano ba. Haddii intaa ay ka bataan tirada nooleyaasha dabar goโ€™ayaa, ama wakhtigu kasoo yaraado waxay isla ogol yihiin inay halis deegaan tilmaamayso. Waxa warwarka abuurayaa waa xawaaraha isbedelku ku socdo, tirada nooleyaasha dabar goโ€™aya, iyo dheeliga ku imanaya sansaankii habaysnaa ee nolosha deegaanka.

Halisaha ugu waa wayn ee ๐˜‰๐˜ช๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ท๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜บ-ga deegaanku waxay ka yimaadaan:
1. Mashaariicda waawayn ee deegaanka dhalan rogta sida macdan raadinta (mining), beeraha ganacsiga (industrial agriculture), jaridda dhirta (logging). Waxa iyaguna deegaanka burburin kara musiibooyinka dabiiciga ah sida fatahaadaha webiyada, duufaanada, iyo fulkaanaha. Mashaariicdaas iyo aafooyinku waxay ka siman yihiin inay dabar jaraan inta badan noolaha dabaqada hoose- dhir iyo cayayaanba.

2. Nooleyaasha soo galootiga ah: meel fogba ha tegin- u fiirso sida geedaha garan-waaga iyo keli-nooluhu u bedeleen noloshii deegaankeena. Imisa geed-yare, geed-jiif, doog iyo daaq ayay baro bixiyeen oo qaarkood dabar goโ€™ay.

3. Wasakhowga hawada, biyaha iyo ciida (pollution): walxo badan oo sun ah ayaa lagu daraa biyo mareenada iyo kaydadka biyaha sida wabiyada iyo haraha waawayn. Suntaasi waxay dishaa nooleyaal tiro badan. Waxa tusaale fiican inoogu filan walxaha Microplastics oo intay badaha waawayn guntooda gaadhaan dila noolaha ugu muhiimsan deegaan badeedka dunida ee Coral reefs. Wadamo badan ayaa Sulfur dioxide iyo Nitrogen oxide ka dhashay qiiqa warshaduhu intay hawada ku bateen la midoobeen biyihii roobka kadibna sameeyeen roob aysiidh ah. Roobkaasi waxay dilaan cayayaanka caawiya bacraminta dalaga beeraha. Sidoo kale aysiidhu waxay badhaxdaa nafaqadii carada taas oo keenta hoos u dhac ku yimaada wax soo saarkii beeraha iyo cunto yaraan.

4. Isbedelka Cimilada ayaa isna halis ku ah๐˜‰๐˜ช๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ท๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ช๐˜ด๐˜ต๐˜บ-ga deegaankeena. Heerka kulka kor u kacayaa waxa uu keenay in roobku ka daaho ma kasoo hor maro xiligiisii; inuu xadigii la filayay ka bato ama ka yaraado. Taasi waxay keentaa in nooleyaal badan oon u dhintaan. Waxa kale oo si joogto ah u milmaya barafka aduunka ku xeeran, kaasi oo kordhiyay biyaha badaha oo halis ku ah noolaha beriga iyo badaโ€™ba.

5. Isticmaalka arxan darada ah ee khayraadka dabiiciga ah sida kaluumaysiga badaha, wabiyada, duur joogta dabar goโ€™a ku dhow oo sharci daro loo ugaadhsado ayaa iyaduna halis wayn ku ah Biodiversity ga deegaanka. Waxa xusid gaara mudan shirkadaha wadama waawayn ee xaalufinta joogtada ah ku haya badaheena; kuwaas oo inta badan adeegsada qalab kaluumaysi oo ka mamnuuc ah badaha caalamka.

Ilaalinta ๐๐ข๐จ๐๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ-ga deegaanku waa ilaalinta nolosheena iyo nolosha tafiirteena. Si aynu deegaan caafimaad qaba oo ku haboon nolol fiican, waa inaynu iska xil saarno ilaalinta deegaaka iyo isku dheeli tirnaanta Biodiversity-ga.haddii aad ilaa halkan soo gaadhay; waxaa laga yaaba in aad is waydiinayso, sidee u ilaalinaa, jawaabtu waa mowduuca qormada danbe.

xigasho: Dr-Abdikarim D hassan Bandhige@gmail.com