12 tallo oo ku socda Madaxweyne Siilaanyo oo ku saabsan silica saboolka iyo sicir-bararka (WQ: Drs Hoodo Yuusuf)

Waxaan bogaadinayaa Madaxwayne Siilaanyo oo si geesinimo leh u qirtay in  Xukuumaddeesu daabacday lacag badan oo curisay  sicir-bararka. Maanta, waxa hoos u dhacay doolarka , maciishadu way kacday, dan-yartuna way qaylisay. Hadaba si saboolka culayska looga yareeyo, waxaan kula talinayaa Madaxwayne Siilaanyo, in uu deg-deg u qaado  12-kan talaabo ee  soo socda:

1).  In Xukuumaddu deg-deg u  dhinto   cashuurta dadban “ Indirect tax “ ee laga qaado quutal-daruuriga  sida  bariiska, Sonkorta, Saliida ,daqiiqda iwm, kuna samayso sicir-kaab “subsidy”

2).In Xukuumaddu deg-deg u dhinto qiimaha shidaalka  boqolkiiba todobaatan (70 %), qiimaha korontadana hoos u dhigto boqolkiiba konton (50%). Waxaynu la socona in qiimaha shidaalku hoos ugu dhacaday  boqolkiiba laba iyo sideetan (82%) (From $ 145 per barrel to $ 28 per barrel “ . Waxba iskama bedelin qiimaha Somaliland.

3). In Xukuumaddu deg-deg u kordhiso  cashuurta dadban ee  laga qaado alaabta aan daruuriga ahayn sida sigaarka , qaadka, sharaabka ,baabuurta raaxada iwm. (Non-essential items)

4)In xukuumaddu deg-deg u kordhiso cashuurta tooska ah” Direct  Corporate Income Tax “  ee laga qaado Ma-gafayaasha iyo  dhiigmiiratada sida Dahabshiil,Telsom, Deero Group, Omaar Group, laguna kaabo quut-al-dariiriga danyartu karsato.

5).In xukuumaddu si deg-deg u kordhiso cashuurta laga qaado  Hudheelada waawayn iyo fooq-yada dhaadheer “ property-tax”  ee ay dhistaan kuna raaxaystaan  xaraan-quutayaasha, laguna kaabo quutal-daruuriga danyarto cunto.

6) In la joojiyo kharashyada ka baxsan miisaaniyadda qaranka sida gunooyinka waji-ku-macaashka, mooshin-quutayaasha, xafladaha xil-wareejinta, wasiir-soo-dhawaynta, shir-beleedyada, buraanburka habaraha Madaxtooyada imw.

7) In cashuurahta  lagu qaado Somaliland shilling, mushahaarkana  lagu bixiyo.

8) In Xawaaladaha laga mamnuuco in ay dadwaynaha  u  furaan  US  Dollar Account  “ Non-Resident Account.

9) In dhigaalka dawladda  “ Gov’t  doollar Deposits “  lagu beddelo  Somaliland shiling  deposits

10)  In ganacsatada  lagu waajibiyo  in ay dhigaalkooda  lacageed  “  Private dollar  Deposits”    ku bedeshaan  Somaliland shilling.

11) In Bankiga  Dhexe la siiyo awood buuxda oo uu ku maamulo  Bangiyadda“ “Banking supervision authority“

12.) In la kala diro Guddiga Saylici, lana sameeyo guddi ku xeel dheer dhaqaalaha  iyo Maaliyada “ Independent Economic Commission” oo kasoo talisa qaabka ugu wanaagsan ee lagu xakamayn karo  sicir bararka. “ Saylici oo  maqasha lagala  quustay , yaan  geela loo diran

 

Drs Hoodo Yusuf,UK,

yhoodo@yahoo.com.