“Talada Madaxtooyada ee lagu diirsaday iyo Ficilada Wasaaradda Maaliyaddu ku hantaaqinaysaa waa laba isburinaya”
Waxa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey dalku galay jahowareer dhinaca sarrifka lacagaha ah. Waxa baxaadeg farsamaysan lagu khalkhaliyey suuqii sarrifka. Bal suuqa soo booqo, waxaad markaba ogaanaysaa sida ganacsatadeenii filimka loogu dhigayo. Waxaa la abuuray kala shaki iyo walaac joogto ah oo aan anigu qabo in aanu qorshe-xumo.
Suuragal maaha in aynu waxan dhacaya isaga aragno shil, waa arrin lagu naafeeyey dadaalkii Madaxtooyadda ee uu hormoodka ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka dalku. Waxaa lagu tallaabsaday in bilawgiiba la kharbudo ololaha Xukuumadda ee Shilinkeena lagu badbaadinayo, waxa dadweynaha loogu fasirayey in la wado barnaamij lagu daweynayo sarrif-bararkii taagnaa. balse barnaamijkan ay horgalka u ahayd Wasaaradda Maaliyaddu wuxuu ku dambeeyey in dadka qaar lagu boobo hannaan xirfadaysan. Baaxaadegga sarrifka ee ilaa 1,500 shilin mar qudha isbeddeley [8,000 ilaa 6,500 Shs] haddana dib loo kiciyey waa jariimad ganacsi oo ay tahay in masuuliyadeeda lagula xisaabtamo Wasaaradda Maaliyadda, kuma riyoonin ee waa xaqiiqo jirta, waanna idiin fasirayaa asbaabaha aan u cuskanayo.
Tallaabada Madaxweyne . Siilaanyo ee sarrif bararka ka jira dalku waa tilmaantii looga baahnaa Xafiiska Madaxweynuhu in uu qabto, in uu magacaabay Guddi u gaar ah mashaakilka Shilinkeena oo weliba ku soo ururiyo hay’adihii dhaqaalaha dalku waa mid ku diirsi leh. Sidoo kale, in uu Madaxweynuhu isugu yeedhay dhammaan madaxdii hay’adaha dalku kuna tirtirsiiyo in loo tafoxayto muunaynta Shilinkeenu waa tallaabo labaad oo muujinaysa in Xafiiska Madaxweynuhu hoggaan-qaaday ololaha soo-noolaynta qiimihii Shilinka, isla markaana buuxiyey kaalintii kaga aadanayd alooska qorshaha u-gargaaridda lacagteena.
Madaxweynuhu siidhigii hawlqabashada wuu kaga yeedhiyey, abbaartii looga baahnaana wuu dhiibtey, laakiin su’aasha taagani waxay tahay ‘hay’adda ugu weyn qarankeena ee masuuliyadeedu tahay maaliyaddu ma u diyaar tahay in ay qaadato waajibaadka ka saaran hawshan?.
Dad badan, oo weliba ah inta aqoonta u leh arrimaha maaliyadda iyo lacagta ah ayaa qaba jawaabta su’aashaasi waa “MAYA!!”. Waxa xaqiiqo ah in aanay Wasaaradda Maaliyaddu hadda u diyaarsanayn [ama ka go’nayn!!] in ay la jaanqaado hawlgalkaa Madaxweynuhu ka dhawaajiyey ee Shilinka lagu badbaadinayo. Tusaalayaal kooban oo qofkii hoos u eegaa markiiba fahmayo in aan ololaha Madaxweynaha iyo Wasaaradda Maaliyaddu wada shaqaynayn aan ku siiyo. Bal saddex arrin oo mucjiso ah oo midba mid ka sii daran yahay ila dhugo:
- Iyadoo sicir barar laga qaylinayo ayaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisey Cashuur bararin aan xad lahayn! Xaggee ayay iska qaban la’dahay. shicibkii oo la ciirciiraya qiimihii hore ma macquulbaa in kor loogu sii qaado qiimaha badeecadaha iyo adeegga. Tukaloo ka daran baa jirta!
- Ta ka sii darani waxay tahay, Wasaaradda Maaliyaddu sannadkan waxay bixinaysaa kharash dhan 1,218 Bilyan [ hadda maaha Milyano waa hal tirilyan iyo laba boqol ito sideed iyo toban bilyan] oo Shilin Somaliland. Taas macneheedu waxa weeye, bil kasta waxaa celcelis ahaan la bixinayaa oo suuqa soo gelaya kharash dhan 100 Bilyan [ama 100 kun oo Milyan] oo Shilin. Haddii ay suuqa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo afuufayso mawjado Shilin Somaliland ah suuragal ma tahay in Sarrif Bararka dawo loo helo? Sidee ayay isula jaanqaadayaan dadaalka Madaxweynaha iyo doc-faruurka Wasaaradda Maaliyaddu. Tu kaloo ka daran baa jirta!
- Tan kalee ka sii darani waxay tahay, iyadoo Wasaaradda Maaliyaddu qorshaysatay [markaad Miisaaniyadda eegto] in ay bil kasta kumanyaal malyuun oo shilin Somaliland ah suuqa soo geliso ayay ku sii darsatay in ay xaraysato, oo Baankii Dhexe ee xaqa u lahaa ka maroojisato, lacagtii doolarka ahayd ee lagu bakhtiin lahaa dabkaas Sarrif-bararka ah ee ay siyaasad xumaanteedu sababtay. Suuqii shilin Somaliland aan xad lahayn ayay amraysaa [bil walba] in lagu afuufo, doolarkii baacsan lahaa ee Baanka Dhexe ku miisaami lahaana kiishad gaar ah bay gashatay. Eysh qiyaasak!!]]
Sharaxaad iigama baahna. Qodobada aan kor ku xusay waa kuwa sababay in suuqu maanta wareero, sarrifkana la isku boobo. Shaki weyn ayaa laga qabaa waxa uu yahay qorshaha Wasaaradda Maaliyaddu.
Talada Madaxtooyadda ee lagu diirsaday iyo F=ficilada Maaliyaddu ee hantaaqinayaa waa laba is barbar yaal oo is burinaya. Waxay dadka maamulka iyo siyaasadda dhega-dhegeeyaa isweydiiyaan haddii Wasaaraddu sidan sii ahaato dhaqaalaha iyo lacagtu xaggee ku dambaynayaan?! Xisbigii Kulmiye sidaas doorasho ma ku geli karayaa? Ma qorshe lagu naafaynayo sumcadda Xisbiga oo xukuumadda dhexdeeda ah ayaa aloosan?!! Wasaaraddii Maaliyaddu dabkanay ku sii shidayso suuqu muxuu daarran yahay?!!…..Waxa xusuustayda soo gala tix Abwaan Gaariye [AHN] lahaa oo ahayd:
“Nin dawee la leeyahay
Dembi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u daranyoo
Inuu daaro ma oggola
Daaraanta miridhka leh”
Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo xil gudasho la’aanta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan koboca dhaqaalaha dalka iyo xasiloonida Shilinkeena. Waxa soo ifbaxaya calaamado cabsi leh oo muujinaya raadka taban [xun] ee ka dhashay is dhexyaaca iyo jaho wareerka ku habsaday hawlqabadkii Wasaaradda.
Xagal-daacan ku yimid Wasaaradda Maaliyaddu waa mid taaban doona dhammaan waaxyaha kale ee xukuumadda, nolosha shacabka iyo horumarka guud ahaan ee qarankeena, wuxuu si toos ah u dabrayaa xusuustii wanaagsanayd ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii macasalaamayn lahaa kursiga Madaxtooyadda ee uu sida sharafta leh ugu hibeeyey in ay ku tartamaan, ugana kaco, dhallinta dambe ee hamuunta u qabta.
Sannadka ugu dambeeya ee xukuumad kasta waa sannadka ay reebto wixii lagaga sheekaysan lahaa, iyadoo laga wada dheregsan yahay dhaqdhaqaaqa aan la qarin karayn ee horumarineed ee Madaxweyne Siilaanyo dalka ka abuuray, waxa dibindaabyo ah in sannadkiisii ugu dambeeyey “si xirfadaysan” loo tafaafulo habsami u socodkii Maaliyadda Dalka.
Waxaad ogtihiin dalka in ay maaliyaddu ugu jirto halka wadnuhu ugu jiro noolaha, wadnuhu wuxuu jidhka noolaha ku wareejiyaa dhiigga lama huraanka u ah qaybinta hawada iyo dheefta, sidaasi si le’egna Wasaaradda Maaliyaddu waxay qaranka u qaabilsantahay wareejinta iyo habaynta dhaqaalaha aan looga maarmayn adeegyada xukuumadda iyo bulshada.
Xukuumaddii Wasaaraddeeda Maaliyadda cillad-maamul aafayso waxay ula mid tahay noole wadnihiisii xanuun fadhataystay. Xukuumaddaasi way maamul xumaysataa, oo dalkeeda ma anfaco gabtaa, dabeedna taariikhda ku magac dilantaa. Xanuun kasta astaamo lagu garto ayuu leeyahay, astaanta lagu garto Wasaarad Maaliyaddeed oo fadhiid noqotayna waa sicir bararka, muranka soo dhexgala iyada bulshada, hawsheedii oo dayacanta oo guddi loo saaro, iwm.
Way inoo caddahay dhammaanteen in Wasaaraddii Maaliyaddu ka baydhay waddadii Madaxweynuhu u marayey daaweynta sarrif-bararka, waxayse su’aashu tahay ilaa goorma ayaynu sidan sii ahaan karaynaa?.
La Soco Qormada dambe.
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siradle]