18 May: Maalin u baahan in laga xoreeyo dadka sida khaldan u xusa (Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali “Culimo”)

“Xuskeeda dambi mooyee, miyaan darajo laga korodhsan karin?”

18 May oo ah maalinta qaranimada Somaliland waa maalin taariikhi ah oo ku suntan inta badan quluubta bulshada Somaliland. Maalintani waxay ka mid tahay maalmaha kooban ee mideeya shacabkeenna. Qiimo wayn ayay inagu joogtaa 18 May.

Marka 18 May ay soo dhawaato, waxaa la magacaabaa guddiyo heerar kala duwan ah si loo qaban qaabiyo xuska maalintan. Mararka qaar ayaan is waydiiyaa bal in guddidaasi fahamsan tahay ujeeddada loo xusayo maalintan?

Lacag badan ayaa ku baxda xuska maalintan (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo intaba waa loo xusaa). Jaaliyadaha qurbuhuna magaalo magaalo ayay u xusaan, shakina kuma jiro in kharash aad u badani ku baxo xuska maalintan.

Sidaa darteed waxaa habboon in looga faa’iidaysto si waxtar leh. Waxaa lagu xusi karaa dadkii naftooda u bixiyey waxaan dhibayn, inta noolna wax u taraya.

Inta badan maalinnimada si fiican ayaa loo xusaa. Dadkaa isku soo baxa, madaxduna way la hadlaan oo wacyi iyo waayo wixii jiraba waa la wadaagaa. Habeenku marka uu damo ee cadceeddu dhacdo in badan oo maalintan u astaysatay habeenka nasashada oo muusig iyo qoob-ka-ciyaar aan kala go’ lahayn ilaa waaga barigiisa wada ayaa isku timaadda.

Dhibtu halkaas ayay ka bilaabantaa. Maxaa heeso bilaa xikmad ah oo aan maalintaba xidhiidh la lahayn lagu ridaa. Maxaa gabdho aan si fiican u asturnayn meesha yimaad! Maxaa macsi ah, maxaa… maxaa… haba ka qaban.

Waxaa ka sii xanuun badan in madaxdii iyo masuuliyiintii ummadduna ay fadhiyaan madasha waxaasi ka dhacayaan. Ma sidaas ayay ka raali yihiin?

Bal ka warrama inaga oo tacsi joogna haddii aynu muusic shidanno? Maxay dareemi lahaayeen qoyska geeridu ku dhacday? Ma qof innaga mid ah ayaa jecel in geerida waalidkiisa qoobka ciyaar iyo heeso jacayl ah lagu xuso? Miyaanay dhaqan-xumo iyo diin la’aan ahayn in sidaas laga hor sameeyo madaxda qaranka iyo masuuliyiinta heerarka kala duwan leh oo fadhida?

Maxaa inala gudboon?

Waa maalin mudan inaynu u ducayno intii u dhimatay. Waa maalmo duniduye, in aynu waxtarno inta nool ee u baahan hiilkeenna iyo gacanteenna ayaa ila habboon. Ubadkeenna ayaynu la wadaagi karnaa taariikhdii maalintan loo soo maray.  Wakhtigan waxaynu ku qaadan karnaa Inaynu qiimayn ku samayno qarankeenu halka uu marayo si aynu hoosta uga xariiqno waxa dhiman ee u baahan inaynu yoolka ka dhiganno wakhtiga soo socda. Maxaa inoo qabsoomay? Maxaa inaga qabyo ah? Maxaa inoo qorshe ah sanadkan iyo sanadaha dambe?

Beesha caalamka ayaynu maalintan qadiyaddeena u soo bandhigi karnaa. Saxaafadda adduunka ee luuqadaha kala duwan ku baxda ayaa lagu qori karaa maqaalo ka turjumaya maalintan.

Dadka qaban qaabinaya xuska 18 May gaar ahaan jaaliyadaha qurbaha ku nooli Ilaahay ha ka baqaan oo bulshadda ha ka daayaan wixii xun ee if yo aakhiraba aan la mahadinayn. Dadka ka qayb galayaana aad ha uga fiirsadaan.

Xuska 18 May waa in looga faa’iidaysto hab ka duwan sida hadda loo wado. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in laga xoreeyo dadka ka dhigtay maalintii muusiga iyo jaaska. Haddii xuska maalintan dambi mooyee, darajo aynaan ka korodhsanayn, waxaa ila haboon in dib loo saxo qalooca ina galay.

Guul iyo gobonimo.

Dr.Maxamed Yusuf Aw Cali (Culimo)

mculimo@yahoo.com