Boorama oo si weyn u xustay 18-ka May

Dadweynaha Boorama ayaan maanta si weyn looga xusay 24-guurada la-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Kumanaan qof ayaa isugu soo ururay fagaaraha Khayriyada Boorama si ay munaasibadda ugala qayb-galaan madaxda xukuumadda oo uu hoggaaminayey Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillahi “Saylici”, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed “Cirro”, Wasiirka Beeraha Faarax Maxamed Geedoole, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiir-Ku-Xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil, Madaxa Hay’adda Shaqaalaha Maxamed Mixile Boqorre, Xildhibaan Cabdillaahi-Balaaki, Badhasaabka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, Duqa Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, siyaasiyiin kale, madax-dhaqameed iyo madaxda qaybaha kala duwan ee ciidamada.

WP_20150517_008

Qaar badan oo ka mid ah ururada, dugsiyada iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ayaa ku soo bandhigay hal-ku-dhigyo iyo astaamo muujinaya xuska 18-ka May.

Waxa iyaguna munaasibadda ka qayb-galay fannaaniin iyo abwaano uu ka dhex muuqday Cabdi-Nuur Allaale, walow aanay heeso iyo riwaayado soo bandhigin wakhtiga oo koobnaa dartii.

Madaxweyne-Xigeenka oo khudbad kooban jeediyey ayaa dadweynaha Boorama ku adkeeyey ilaalinta nabadda iyo wada-jirka Bulshada.

11233781_846685818712303_2716363152864669325_n

IMG_20150518_085454

WP_20150517_049

Bandhige@gmail.com