Somaliland oo si aan kala-hadh lahayn looga xusay 18-ka May

Waxaa maanta dhammaan gobollada Somaliland si weyn looga xusay 24-guuradii ka soo wareegtay dib-ula-soo-noqoshadii xornimada Somaliland 1991, taas oo luntay 1dii July 1969 markii Somaliland la midowday koonfurta Soomaaliya.

Xaflad si heer qaran ah loo abaabulay loona agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa gaar ahaan qasriga madaxtooyda horteeda waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Ku-xigeenka Af-hayeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Madaxweyne-ku-xigeennadii hore Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, madax ka socotay xisbiyada mucaraadka iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Waxase goobta ka maqnaa Af-hayeenka Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Waddani iyo Guddoomiyaha UCID oo sida qaalibka ah maalintan oo kale barbar fadhiyi jiray Madaxweynaha.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro doorkan wuxu xuska kala qaybqaatay dadweynaha reer Boorama halka Guddoomiye Faysalna uu la xusay dadweynaha reer Burco.

Waxa iyaguna ka qaybqaatay kumanaan dadweynaha Hargeysan ku dhaqan ah iyagoo ku lebisnaa calanka Somaliland qaarkoodna ay oogada jidhkooda ku soo buufisteen.

DSC01104

10421303_771944596252729_3761278118985971785_n

 

19427_771941369586385_3388082078995479380_n

 

11039247_771944969586025_4409777771024403250_n

Wasiirka Warfaafinta oo munaasibadda furay isagoo ka hadlaya goob la sii diyaariyey oo ku hor taal madaxtooyada Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey taariikhda ay maalintani leedahay iyo qiimaha ay dadka ugu fadhido 18-ka May. Kadibna wuxu hadalka ku soo dhaweeyey Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha ayaa shacbiga u jeediyey khudbad miisaan leh oo socotay ku dhawaad rubuc-saac, wuxuna diirradda ku saaray muddo-kordhintii dhawaan la sameeyey iyo ciidamada la sheegay in Soomaaliya loo samaynayo.

“Anigu maan jeclayn in doorashadu dib u dhacdo, laakiin mararka qaar marka ay aad arrimo adag gacanta ku hayso sidii aad wax u qorshaysatay wax uma wada dhacaan. Guurtida oo hay’adda dastuur ahaan shaqadan leh ayaa kordhisay. Murankii ka dhashayna waan ka shaqaynaynaa sidii xalkiisii loo heli lahaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxu sidoo kale xusay in Beesha Caalamka ee Somaliland doorashooyinka ka taageerta warar khaldan loo geeyey taasina ay keentay in muddo-kordhinta ay walaac ka muujiyaan.

Madaxweynuhu wuxu sheegay in ay Guurtidu awood Dastuuri ah u leedahay muddo-kordhinta, cid dibadda ka soo faragelin kartaana aanay jirin, Somaliland-na ay ku filan tahay xallinta arrimaheeda.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxu sheegay in ciidamada la sheegay in Soomaaliya loo samayn doonaa ay halis ku yihiin Somaliland isla markaana ay qalalaase hor leh ka abuuri doonaan Geeska Afrika.

Ka dib khudbada Madaxeynaha waxaa soo maray ardayda Jaamacadaha Hargeysa iyo kuwa dugsiyad sare oo si bilic leh u lebisan ayna ka muuqatay waddaninimo iyo dareen aad u sarreeya.

Sidoo kale waxa soo maray  Dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu horkacayayey Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” iyo ciidamada amniga qaybihiisa kala duwan sida Qaranka, Booliska, Asluubta, Ilaalada xeebaha kuwaas oo rag iyo dumarba lahaa dhammaantood gaardinayey.

Si ka badan sidii sannadkii hore, waxa la soo mariyey noocyada kala duwan ee hubka culus sida beebeeyo, BM-yo iyo noocyada kala duwan ee lidka diyaaradaha.

Dadweynaha ayaa dareen farxadeed laga dheehanayey iyagoo weedha ugu badan ee ay isku salaamayeena ahayd “Ciid Mubaarik”.

10460258_771944656252723_7052975151601592661_n

DSC01123

 

 

bandhige@gmail.com