Marka dib loo eego taariikhda ay soomartay Somaliland, oo ahayd maxmiyad hoostimada Ingriiska mudo lagu qiyaaso 70 sano.
Waxa ay ku taala meel istaratiji ah oo anay dunidu ka maarmi karin, marka loo eego halka ay kaga taalo qarada Afrika, oo ah bogcad isku xidha bada cas iyo bad-waynta Hindiya.
Tan iyo intii la furay marin biyoodka Kanaal Suways taariikhdu markay ahay 1869. Waxa ay dhiri galin u noqotay gumaystihii reer Yurub ee Afrika qabsaday 1884, shirkii Barlin.
Gumaystuhu, waxa uu soomaliland salaanka soo dhigtay 1839, markii Ingriisku qabsaday magaalo xeebedka Cadan.
Isku daygiisii ahaa in uu qabsado Somaliland, uma ayna suuro galin, lakin taa badalkeeda waxa ay odayadii reer Somaliland heshiis la galeen Ingriiska, waxana ugu caansanaa heshiiskii lagu kala saxeeday hargaha.
Inkastoo, ay soo dhawaatay wakhtiyadii gobonnimo doonku ee Somaliland oo maxmiyad hoostimada Ingiriiska ahayd, ayaa waxaa jiray ku dhawaad sadex xisbi oo ahaa kuwii ka jiray dhanka Somaliland, kuwaas oo kala ahaa SNL, USP iyo NUF.
Doorasho qabsootay ayaa waxa ku soo baxay gole matala sadexdan xisbi oo ay tiradoodu dhamayd 33 qof, inkastoo 17 bishii labaad 1960, ay isku yimadeen sidii looga arin san lahaa arinta xornnimada dalka, ayaa dood dhexmartay 6 bishii afraad 1960, golishii xeer dajinta ee Somaliland.
Waxana lagaga dooday laba qodob oo kala noqon laha labo ajende, oo ay ahayd in laba laga kala dhigo oo ahaa Xoriyada iyo Midnnimada, waxa se ay u arkayeen golahaasi in aan la kala qaadi karin, haddii aynu tusaale u soo qadano sadex xildhibaan oo kala matalayay sadex dii xisbi, oo kala ahaa xildhibaan Ibraahim Cismaan Food ( Bas baas ) oo ka tirsanaa xisbigii SNL, oo laga soo doortay dagma doorashada Cadaadley, xildhibaan X. Ibraahim Nuur, oo ka tirsanaa xisbigii USP, lagana soo doortay dagma doorashada Dila iyo Michael Mariano, oo ka tirsanaa xisbigii NUF, lagana soo doortay dagmada Ceel-Afwayn.
Waxa ay ka sinaayeen, xildhibanadini kaliya waxa ay ahayd in aan labo loo kala qaadi karin madaxbanaanida iyo midnimada, oo ay markaa u arkayeen in labada midoobi doona ma ahee in Soomalida inteeda kalena lala midoobi doono kadib marka ay midoo baan labadani horta.
Inkastoo, ay qabeen sarakiishii Ingiriisku mid ka duwan taas oo ah in midowga ka hor la samaysto shuruuc ilaalisa dad waynaha ku kala nool labada dhinac, nidaamka dawladeed ee la rabo in la samaysto, lacagta ka dhaxay doonta iyo mushaarka laqadan doono qaabkii loo qadan lahaa iyo nuuca lacagta lagu qadan doono, madamoo laba gumaysi kala joogeen oo kala ahaa Britsh Somaliya iyo Italiya Somaliya.
Aruntu se, waxa ay noqotay sidii ay xildhibanadu rabeen oo iyaga ula muuqatay in lawada hadli doono, marka ay labada dhinac ba dawladnimada helaan, inkatoo Soomaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingriiska 26 June, 1960, waxa ay Soomaliya ka danbaysay afar maalmood oo kaliya oo ay iyaguna xornimadii ka qaateen gumaystihii Talyaniga 1Jully, 1960, isla wakhtigaa waxa dhacday midowgii labada dhinac waxana la sameeyay Jamhuriyada Soomaliya.
Hubaashu, waxa ay tahay in ay jireen laba dal oo ay kala gumaysteen laba gumayste, oo xornimadooda kala qaatay laba taariikhood oo iyaguna kala duwan, balse midoobay si ay u samaystaan Jamhuuriyada Soomaliya, lakin arinta u baahan in maanka lagu hayaa ay tahay in 26 June, 1960, ay ahayd maalinta xornimada Soomalilan, oo maanta laga joogo mudo dhan 59 sanno.
In kastoo, ay jireen riyo markaa u muuqaday dadkii xiligaa jogay, oo ahayd mar haddii Ingriisku ka adkaaday, Talyanigii oo ay gacanta Ingriiska soo galeen dhulka Soomalidu dagto marka laga reebo Jabuuti, oo iyada uu haystay gumaystihii Faransiisku, hadana suuro gal ma noqon riyadii Somalidu, oo Ingriisku waxa uu Itoobiya ku wareejiyay Riseef eeriya, Ogaadeen Rigin iyo dhanka Waqooyi ee Kiinaya oo ay Soomalidu dagto, oo iyana la siiyay Kiiniya.
Arintani, waxa ay mar labaad soo noqotay xilikii xukumadii kacaanka oo Itoobiya la gashay dagaal 1977-1978, iyadoo badi-goob ugu jirta soo celinta dhulkii gumaystuhu wareejiyay.
Si kastaba arintu, ha ahaatee markaa xornimada la qaatay waxa jiray caashaq Soomalinimo iyo rabitaan ah in la midoobo oo ay adagtahay cidii ka hortimada in loo arkayay gumaysi la jirnimo, Soomaliduna waxa ay maanka ku hayeen in isirnimo lagu dhiso nidaam ka dawladeed, madamoo Soomalidu tahay dad isku diina, isku Af-ah iyo isku dhaqan ah ee uma ay muuqan in dawladnimo la dhisi karo iyadoo isir ahaan loo kala duwan yahay.
Sida ku cad xafiiska lagu kaydiyo qoraalada taariikhda ee ku yala magalada London, loona yaqaano ” Public Record Office” ayaa sannad kasta lagu soo bandhigaa qoraladii sirta ahaa, marka ay u dhammaato 30 sanno mudadii ay qoraaladaasi, ka qarsoonayeen indhaha dad waynaha.
Sanad kasta bisha kowaad ayaa la soo bandhigaa, halkaas oo ay aqoon-yahanada raad-raaca taariikhda, wariyayasha warbaahinta bahiyaa ay u doontaan xogaha, ayaa lagu soo bandhigay bishii kowaad 1991 ilaa 1960, xogihii ku qarsoonaa ee ku saabsanaa Somaliland.
Laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991, oo ahayd markii ay meesha ka baxday dawladii kacaanku ee u hogaaminayay Siyad Bare, ka dib waxa Soomaliland looga dhawaaqay in ay Soomaliya inteeda kale ka badax banaantahay, in kastoo anay wali helin ictiraaf caalami ah, hadana waxa wali iswaydiin leh Somaliland ma waxay u dabaal dagi maalintii ay xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingriiska oo ah 26 June, 1960, wana taariikhda ay ka soo bilaab mayso Soomaliland iyo waayaheedu, mise 18 May 1993, oo ah maalintii lala soo noqday madax banaanida, waa su’aal jawaab teeda u baahan?
Waxa se, ay aniga ila tahay waxa jira waxad raadinayso marka aad isduudsiiso runnimadiisa, in ay adagtahay waxa aad baadi-goobayso in aad hesho. Aragtidayda waxa haboon, in maalinta xornimada loo da’yo 26 June, 1960, si ay dunidu inoogu garawdo waxa aynu karabno iyo taatiikhdiisa, ay dooduna u noqoto mid maan gal ah.
Qore: Caynaan Farax Caynaan
26 June, 2019.