9 Qorshe oo ay Somaliland kaga bixi karto Fakhriga, Shaqo-la’aanta, Sixir bararka, iyo wax soo saar la’aanta (WQ: Jama A. Dafac)

Somaliland waxay Fakhriga, Shaqo-la’aanta, Sixir bararka, iyo wax soo saar la’aanta kaga bixi kartaa:

Hogaan wanaagsan, tegey mustaqbalka oo la yimaada siyaasadaha hoos ku qoran, aragti dheer oo uu dhibkan xal uga gaadhona leh:

1. Qorshe musuqmaasuqa nooc kasta oo uu u yayah xidida loogu siibayo.

2. Qorshe kharashaadka aan daruuriga ahayn ee dawladda lagu dhimayo 99%.

3. Qorshe miisaaniyadda lagu kharashgareeyo 99% kaabe yaasha Dhaqaalhaha (infrastructural activates) iyo wax soo saarka khayraadka aynu hibada u leenhay (Endowment resources)iyo kuwa aynu awooda ganacsi ku leenahayba(Comparative advantage).

4. Qorshe lagu fududaynayo shuruucda iyo nidaamada ganacsiyeed iyo maal gashiyeed.

5. Qorshe lagu raadiyo xidhiidho dhaqaale oo dibedda ah: Africa iyo caalamka kaleba.

6. Qorshe lagu dhoofinayo waxa aynu la soo degno wax u dhigma (Trade balance) ama wax ka badan (Trade surpluse)

7. Qorshe lagu soo jiito bangiyada caalamiga ah laguna dhisayo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

8. Qorshe lagu dhiiri gelinayo laguna gacan qabanayo ganacsiyada yar-yar ee wax soosaarka dalk la xidhiidha: Sida dhaqashada iyo ka ganacsiga Xoolaha, beeraha, Kaluumaysiga, Beeyaysiga, Dalxiisaka, Macdanta Iwm.

9. Qorshe waxbarashada farsamada kor loo qaado (Technical and Technology skills).

 

Jama A. Dafac

Economists