Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, maanku wuu gabbadaa, baddelkiisana waxaa hadasha caaddifadda. Waxaa madaxbannaanaada qalinka, waxaana baddelkiisa ahaada hadalka la falkiyey. Marya’aloolkaa hadla, waxaana saaxadda laga waayaa waxgaradkii. Waxaa meesha yimaadda kii waalnaa si uu u qoro wuxuu doonno, bilaa manhaj, iyo bilaa feker. Fekerku waa shaqo, jaahilkuna fekrad la’aan ayuu wax qorayaa, balse ma wanaajinayo shaqadii maanka, wuxuunna daranyeynayaa halbeeggii maanka ee minqiyaaska/ miisaanka u noqonayey fekerrada, dadka iyo qaddiyadaha.
Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, maan kuna gabbado, hadalkuna hakado, balse waxma-garadku (jaahilku) wuxuu yidhaa uu hayo─ oo uu qorayo bilaa manhaj. Wuxuu moodayaa caalamkii abaarowga fekradda, qoraalkana wuxuu moodayaa in qalinka uun warqadda la duldhigayo. Sidoo kale wuxuu malaynayaa in la is kaga qorayo sidii la doono, wixii la doonana la qorayo iyada oo aan la raaceyn manhajka cilmi [ee u dejisan] habqoraalka.
Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, caqligu wuu tagaa si bilaa soo noqosho ah. Caaddifad baanna timaadda si ay u tidhaahdo waxa ay doonto, halkaney haddaba kaaga bilaabmasaa in aad dib u noqoto! Fekerkuna uu caddeynayaa in uu isdhiibay! Halkannuu ku dhammaanayaa doorkii maanku, iyo doorkii iswayddiinta manhajaysnayd. Doorkii isweyddiinta uu qofku ku doonayey in uu wax baadho. Halkannuu maanku ku noqonayaa bilaa door. Doorku maaha kaliya u fekerridda sida caadiga ah, balse, waa raadinta wixii kaa maqan.
Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, fekeriddu way wareegasaa, baaadhidda dhabtuna waxa ay noqonasaa dhibaato. Qaar innaga mid ahi waxa ay raadinayaan wanaagga, waxayna ka sheekaynayaan waxa joogga hadda, dabadeed dadka ku odhani: Tani ma dhabaa, hooy! Axmaqeey ammin beena oo wanaagsan!!
Waxaa innagu jira dad qori karaya af Carabiga, iyaga oo aan garaneyn tiirarkiisa. Waxaa kale oo dadka ku jira kuwo qori karaya iyaga oo aan garaneyn aqoontii ku hadalkii─ oo qoraya bilaa hadlid la’aan. Waxaa jira dad meelaha falsafadda ku taga bilaa diyaargarow, oo aan garaneyn falsafaddii Aristotle ee jiritaanka, oo aan akhriyin noloshii Plato, kamanay jawaabin. Markii uu dareenkiisa qorayey naftiisu waxa ay aheyd mid saami fekereed la socota.
Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, dadka qaar waxa ay booqdaan dhacdooyinka dad kale, waxa ayna kasoo xadaan xogo iyaga oo aan sheegin dadkii lahaa, xatooyaduna waa xaaraan. Markay aqoon tahayna way kasii khatar badantahay [xatooyadu], immisaad akhridey boggag aragtiyo qofeed ah─ oo aan la sheegin in uu hebel leeyahay?! Taasi waa balaayo, ammintan lagu jiro abaarowga fekerka!
In badan ayaan ka faa’ideystay fekerrada dadka qaar, balse waxa aan u isticmaaley xogo wax natiijo ah oo iga soo gaadhey ma jirto, laakiin, natiijooyinka iga soo gaadhey intii aan akhriyey fekerkaa, dadaalkeyga qof ahaaneedna [ku lifaaqay], waa kuwo cadcad oo bilaa iswayddiin ah. Allah mahad leh; wuxuu iga badbaadiyey abaarowga fekerka.
Marka uu fekerku abaaroobo, loollanku wuxuu iska beddelaa caalamka fekerka wuxuunna isku baddelaa caalamka qofka. Amminta uu fekerku abaaroobo, ee qofku aannu haysan xog, wuxuu caannimo ka raadiyanayaa beegsiga shakhsiyadda qofka . Dadkana wuxuu ka sheegayaa waxayna odhan. Balse waxa ay illowsanyihiin in ammintan ay ka sheegayaan qofka wuxuunna odhan in lasoo hor dhigi doono. Waxaynnu noolnahay ammin ay warbaahintu shaqeyso.
Waxa ay fekerradii iska baddeleen caalamkii jujuubka, waxayna isku baddeleen caalamkii hantiwadaagga. Fekerradu waa shinbiro daaqa daaradda─oo gala guri kasta, waliba qolalkiisa bilaa amar. Balse, [dadka] qaar la nool aqoon ammintan abaarowga fekerka waxa ay u maleeyaan in dadku yihiin bilaa maan. Hadalkaa cagsigiisa ayey golahaa laftiisana ka yidhaahdaan. Taasina waa aafooyinka amminaha abaarowga fekerka!
Amminta abaarowga fekerka, qofku wuxuu ka fekeraa gudaha shabaga, wuxuunna waayaa shakhsiyaddiisii fekerka, mararka qaarna wuxuuba yeeshaa feker qabiil, balse midab diineed [muujinaya]. Mararka qaarna wuxuu sheeganayaa fekerka urur diimeedkiisa, wuxuunna ka dhigayaa fekerkaa lama-taabtaan(muqaddas) ka mid ah lama-taabyada(muqaddasooyinka) diinta. Mararka qaarna wuxuu u galaa shabag faa’idada naftiisa dardeed. Balse wuxuu ku soo dabo dhuumanayaa dawladda ama xil. Kaasi ma laha fekerkiisii nafeed, waa isagiisii oo bilaa dadnimo ah.
Waa yaab! In qaar difaacaan salafiyada Sucuudiga ammintan lagu jiro abaarowga fekerka─iyada oo hadalkeedii loobogey ku caddeysay in ay kasoo bilaabaso marxalad aynna noqoneyn. Wuu dhammaadey casrigii xidhiidhka fekerku, ma dareemayaan keli. Waa ugub, in qaar difaacaan kaligii taliyaha ammintan abaarowga fekerka, haddii uu xukunka sii hayo kaligii taliyuhu dan baa ugu jirta kaliya isaga. Waa laga soo horjeedaa kaligii taliye kasta meel kasta [ha joogee]. Balse, ka kaligii taliye ku ah waddankiisa waa lama taabtaan. Taasina waxa ay ka mid tahay layaabada amminta abaarowga fekerka.
Ammintan abaarowga fekerka, qof ka mid ah mucaaradku wax ba kama qoro kakanaantan joogtada ah, balse waxa ay sugaan waxa uu ka qorey caalamku abaarowgan. Caalamkana wuu ka baxay dhibaatada fekerka. Waxa ay si badhax la’ u qoraan erayada kasoo fula isha qalloocda. Sabobtuna waa waqtigan ay noolyihiin wuu ka duwanyahay waqtigii uu noolaa saaxiibkii, uma jeedno labadooda xilli ayey kala duwanaa, balse waxa ay ku kala duwanaayeen labadooda feker.
Amminta lagu jiro abaarowga fekerka, dad badan qalinkii bay hakiyeen, maankiina wuu aamusay, fekerkiina wuu xasiley. Waqtigiina wuxuu noqdey mid wuxuun la sugayo, maahee ammin kooma caadiya uun la galey. Waxa aad la yaabasaa waxa ay dadka qaar qorayaan, gaar ahaan kuwa leh afka uu ku jiro (D) ee gobolkan Geeska Afrika, si gaara D. Jabbuuti.
Qaladka higgaad ahaaneed iyo yeedhis ahaaneed ee aan la is barbardhigin, iyo maqnaanshaha xogihii dhabta ahaa ee xaaladaha ay ku suganyihiin waddamadoodu [ayna si saxa uga warrameyn], waxa ay ku tusi naysaa in aboorowgii fekereed meel sare gaadhay! Macluumaad saxa kama heystaan; saboolnimada, xannuunnada, iyo gaajada waddamadooda. Waxa ay xogo kasoo qaadanayaan adeegyada lagu xidhiidho [Internet] kuwaa oo la galiyey waa’ hore.
Ammintan lagu jiro abaarowga fekerka, aqoonyahanku ma sido farriin, ka wax baranayina ujeeddo malaha aan ka aheyn dhuunmar, qofkuna qaayosoor kuma laha waddankiisa!
Ammintan lagu jiro abaarowga fekerka, xorriyaddi waxa ay noqotey cuqubo, addoonnimaddiina gallad. Waxa aad arkasaa [dad] saf dheer horjoogo xafiis wasiir, iyaga oo sugaya in la yidhaa:‘‘soo gala ama iska socda’’, waa jaad ka mid ah addoonnimada ammintan lagu jiro abaarowga fekerka. Waxa aan yaabay markii aan ogaadey in qofku wuxuu hoos [Sir] u leeyahay, uuna kor[sare] u yidhaahdeen. Sabobta oo ah waxa meesha ka maqan xorriyadii, ammintan lagu jiro abaarowga fekerka.
Ammintan imika lagu jiro, qofku labo jaad uun buu noqonayaa: ta koowaad; muujin [ sare u qaaddid shay, hadal] , ta kalana ; Sir [hoos u dhigid shey, hadal]. Waa labo qof oo ku jira hal qof ama labo bini-aadam ku jira hal bini-aadana. Sharaf buu leeyahy markuu la joogo shaqaalihiisa, balse waa bilaa sharaf markuu sayidkiisa la joogo. Dad ka wuu ku qooqaa, sida uu sayid kii suba ugu qooqo!
Ammintan (Waqtigan) qofku naftiisa kaliya ayuu ka cabsadaa, wuxuunna u malaynayaa in qofnimadiisa labaad uu kor u qaadi karo sayidkiisu. Wuxuu caddeynayaa in u jecelyahay si aan xishood laheyn. Mararka qaar wuxuuba tagayaa Galbeedka wuxuuna doonayaa magangelyo siyaasadeed. Balse waddankiisii ayuu kusoo noqonayaa, wuxuunna sheegayaa in uu Galbeedka u tagey Dhakhtar!!! Miyaad aragteen munaafaqnimadaa qofeed ammintan lagu jiro siyaasadda kharaabtay??
Ammintan (Waqtigan) kaliya, markuu qofku wax dulmiyo wuxuu u tagayaa tolkii, iyaguna way difaacayaan, sabobna ma wayddiinayaan, qofkiinna isagoo cararaya ayuu u tagey. Tolkuna wuu u gargaaraa inankooda, mid la dulmiyey iyo mid dulmiyey kuu doono ha ahaaddo, sidii jaahilayaddii hore ay odhan jirtey oo kale.
Ammintan (waqtigan) kaliya qofku hadduu fahmi waayo qof kii kale ee ay wax isla soo xadeen, waddan ka uun buu ka tagayaa, balse wuxuu uga tagayaa sidii Bisidda isaga oo bilaa sharaf ah. Kii [la]dulmiyeyna wuxuu adeegsanayaa awooddii Dawladda si uu usoo ceshado xoolihii laga dhacey! Balse, muxuu ka wax dulmiyey u adeegsan laayahay awoodda marka cid kale la dulmiyo? Hase yeeshee, mar kastana caddaaladdu awoodda la wareegi mayso! Sabobtu waxa weeyi, waxa aan ku jirnaa xilli ay kharaabtey siyaasaddii oo uu dhacey abaarow fekereed!
Ammintan lagu jiro abaarowga fekerka, waxaa badanaya codadka joogga, waxaynna ogeysiinayaan in ay joogaan. Waxa aynna ka fekerayaan shabagga dibaddiisa, waxaynna leeyihiin awood ay kaga soo baxaan godadka siyaasadeed ee loo dhisay shacabka si ay ugu hadhaan. Waxa jira codad ku celcelinaya wax lagu ballamey oo sheegaya wanaag─ oo diidaya jiritaanka siyaasaddan baaliyawday ee lagu aasaasay baarka si loogu dhaafo xilliyada imtixaanka adeg.
Ammintan (Waqtigan) kaliya hadda lagu jiro, waxa aad arkasaa qofka oo ka baqaya ra’yigiisa xorta ah, fekerka iftiimaya, caqliga fiican, balse waxa aan arkanaa in wacyigelintu kordhaso, dhallinyaraduna ay doonayaan in ay ka baxaan shabagga─ oo ay ku noolaadaan fakaagga fekereed ee xorta ah.
Ammintan (waqtigan) layaabka leh, waxa aan arkey fekerro igaga yimid galbeedka Afrika, sidii aan ugu arkey saaxiibbo qaaradda waqooyigeeda iyo badhtamaheega ah, waxaanna dhacay isku darsan fekereed oo ka dhexeeya caqliyada [ay leeyihiin dadka ku nool] qaaradda. Aayadaha Allah ayey ka mid tahay xilligan lagu jiro abaarowga fekerka. Waxa aan kasoo baxey gurigeygii waxaannan ku caan ahaa Dacwadda iyo fekerka, shacbiyadeyduna waxa ay u badneyn gudaha dalka, wax yar ayaa iga garanayey dadka ku [nool] Beriga Qaaradda. Balse waxaa jirta xilli abaarow feker, kharaabka siyaasadduna wuxuu iga saarey waddanka, waxaanan [tagey ] caalamka.
Waqtiga khatarta badan, waxa aan caddeeyey bini-aadannimadeyda in aannan ku raacsaneyn, annigu qof kasta oo bini-aadama waan la jiraa meeshuu doono ha joogee, hammi kaliya, in xorriyad la helo si looga faa’ideysto xoolaha iyo siyaasadda, waxa kale oo aan muujiyey fekerkeygii Islaamka ; in aan annigu meel kast ka shaqeynayo qaddiyadda ummadda, Falasdiiniyiintana aan la jiro si’aan u xoreeyo dalkooda, dawlad na aan ka dhiso dhulkooga.
Waqtigan, waan gaadhsiiyey baaqeygii Qaaradda Afrika ee ku nooleyd dulmi iyo xadgudub waqtiyo isxigey. Waxa aan galanaa dirirta Qaaraddan ee lagu soo celinayo xoolihii bilaa xisaabta lagu dhacay, sharaftii bilaa dareenka lagu baabiiyey. Waxa aannu soo celin xoreyntii siyaasigii weynaa Mandella uu Gobolka ku guuleystay in uu uga xorreeyo Caddaanka, annaguna caqliyadaannu xoreyn! Laakiin, guusha weyni waa wada noolaanshaha, balse maanta khatar bay ku jirtaa!!
Waqtigan waan gaadhsiiyey baaqeygii Geeska Afrika shacabka Soomaaliyeed ee maanta ku nool dagaallada taariikheed, koonfurta waxaa laga raadinayaa dawlad iyo doonitaan, Soomaalilaanna waxa ay raadinasaa Dimuqraadiyad, shacabka Soomaaliyeed ee Gobolkaa [Soomaalilaan] deggan wuxuu mudanyahay in Dimuqraadiyadda lagag daydo.
Wada noolaanshaha nabadda leh ee Xabashidu, cid badan iyo cid laga badan yahay midna ma jirtee waa faan. Dhinaca badnaanshaha Waxaa ugu badan Oromada. Dhinaca kale awoodda siyaasaddana waxaa leh Amxaarrada iyo Tigreega.
Waxaa soo dhawaadey ammintii laga baxayey abaarowga fekerka, ee loo gudbayey caalamka dheellitirnaanta fekerka. Waxa aynnu nahay shacab leh taariikh, balse sababo badan ayaan marar badan u waynnay xasuusta. Fekerka lagama cabsado, xorriyadana lagama cabsado. Cabsidu waa cabsi idilkeed, waanna gabbal dhac dhala abaarowga fekerka!
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bahiir
W/T: Cabdirisaaq Sandheere