Aqoon la iskuma hayo, mid tayo leh ayaa lagu dhigtaa. Waxaa se is weydiin leh maxay taraysaa waxbarashada asluubta iyo anshaxa ka madhani! Maanta ayuu u dabbaal-degayaa 10 guuradii aasaaskiisa… Waxse u baahan in la toosiyo ayaa jira.
Markii kowaad ee ay warbaahinta soo gaadhaan fadeexadihii huursanaa dugsiga Abaarso Tech waxa ay ahayd sannadkii 2012ka, waxa xogahaas faafiyay Wargeyskii Waaheen ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA. Markaas waxa aan anigu joogay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa aan warbaahinta ku arkay waalidiin la soo ururiyay oo beeniyay fadeexadda.
Maxaa sababay in Wargeyska Waaheen faafiyo xogtaas?
Dhismaha Abaarso Tech waxa kaalin ku lahaa Dr Axmed Xuseen Ciise, oo la waday ninka Maraykanka ah ee meesha madaxda ka ah. Waxa isku dhacay Dr Axmed Xuseen Ciise iyo ninkii caddaanka ahaa. Sidaas awgeed ayuu Wargeyska Waaheen oo uu aasaaskiisa iyo maalgelintiisaba uu door weyn ku lahaa Dr Axmed Xuseen Ciise u faafiyay warbixintaas sababtay in ay waalidiintu soo fadhiistaan. Waxa is-weydiin leh maxaa markaas loo xidhi waayay cidda arrinkaas faafisay?
Anigu weligay ma gelin, cid ka shaqaysana xidhiidh lama yeelan, laakiin waxa fajac ah wararka iga soo gaadha. Nin aanu saaxiib nahay ayaa ii sheegay in ay maalin iskuulka geeyeen arday wiil ah oo la qorayo. Markii ay soo baxayeen waxa la hadlay askari ilaaliye ka ah meesha, waxaanu ku yidhi “Ma gabadh ayaad qoraysaan mise wiil?”. Waxa ay yidhaahdeen “Wiil”. Askarigi wuxuu yidhi “Haddaa waa sax. Gabadh ha keenina”. Waxay yidhaahdeen “Sababma ayaanu hablaha ugu fiicnayn?”. Askarigi waxa uu yidhi “Gelinka dambe halkaas ayay wiilasha iyo gabdhuhu kubbad ku wada ciyaaraan oo is dhex galaan iyaga oo dharkii ciyaaraha xidhan. Rag iyo dumarba waa la is dhex qaadaa”.
Nin aanu saaxiib nahay ayaa la kulmay wiil dhigan jiray dugsiga, waxa uu wiilkii ardayga ahaa ku yidhi “Habeenkii waxa na loo shidaa filinno cashar…. Caafimaad……. Dareen….. iyo wax noocaas ah ku lug leh. Marka ay soo dhawdahay ciyaartu ayaa daah la saaraa muuqaalka, laakiin codka reenka/taaha waanu maqalnaa”. Muxuu soo kordhinayaa micnaha wiil aan qaangaadhin oo maqlay cod “iih, aa uu, baby, ahi”. Iyaba waa ayaan-darro. Waayadii aanu ardayda ahayn waxa Khamiista aanu daawan jiray filinno laga jilay saxaabadii, kuwa baaxaaddega loo daarayo ka warran?
Qof ahaan waan ka xumahay in la baahiyo sawirradii ardayda uu la joogay ninkii khaniiska ahaa ee Anderson Cooper, laakiin waxa is weydiin leh, dameerka iyo gaadhiga kee horreeyay? Saw dameerku ma kaxeeyo buudhiga?. Yaa suurtagal ka dhigay in Anderson Cooper sawirro la galo ardayda? Yaa sawirradaas faafiyay? Haddii sawirrada lagu faafiyo baraha bulshada, yaa u diidaya in uu qaato/faafiyo Cabdimaalig Muuse Coldoon ama qof kale?
Anderson Cooper waxa uu la kulmay Madaxweynihii Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wasiirro iyo rag xilal ka haya xukuumaddii hore. Si aan la qarin ayaa loo soo dhaweeyay, loona maamuusay. Markii uu dhoofay, xukuumaddu waxa ay iyada oo raadgadanaysa sheegtay in ay tallaabo ka qaadayaan ciddii dalka keentay Anderson Cooper. Illaa hadda lama qaadin wax tallaabo ah oo ku lid ah ninkaas wata habdhaqankii gurracnaa ee lagu halaagay qoomkii loo diray Nebi Luud Calayhi salaam. Sida aan maqlay, Nelson Mandeella ayaa yidhi “Miyaad aragteen orgi saaranaya orgi kale”. Markaas ayay reer Galbeedki yidhaahdeen “Africa waxa ugu maskax badan Mandeella, waxaanu garaadkiisu shaqeeyaa 20%”.
Wiil ka mid ah ardaydii is-qoraysay iskuulka sannadkan 2019ka ayaa yidhi “Markii nala qorayay waxa la sheegay in eedda Cabdimaalig Muuse Coldoon waxba kama jiraan tahay. Saamayn ayay warbixintaasi ku yeelatay, sida aan dugsiga ka dareemay iyo maamulka. Waxa joogay niman xilal haya oo iskuulka qoraya ubadkooda, markii imtixaanka gelintaanka nalaga qaadayay. Ardayda waxa ay kala dagaallamaan xagga diinta. Ardayga ku jira fasalka 2aad ee dusgiga sare waxa laga qaadaa waraysi. Haddii la arko in uu ku fiican yahay diinta Islaamka, waxa laga reebaa deeqaha waxbarasho.
Haddii uu noqdo qof ka jilicsan diintana waxa la siiyaa fursad. Iyada oo la xidhan yahay dhar khafiif ah ayaa la is hormaraa. Waxa la sheegi jiray in wiilasha iyo hablaha la kala saarayo, oo deyr lagu kala xidhayo halka ay seexdaan….. laakiin lama kala saarin. Waxa aad arkaysaa arday ay dhegaha ugu jiraan cod-tebiye (ear phones) oo heeso iska dhegaysanaya”. Nasiib-wanaag ardaygaasi waa uu ka beddeshay Abaarso Tech, waxaanu galay dugsiyo kaga wanaagsan xagga dhaqanka, diinta iyo barbaarinta ku dhisan asluubta iyo akhlaaqda toosan.
Maxaa keenay in waalidku ubadkooda ku daraan Abaarso Tech?
Waxa ayn ognahay in dugsigan la siiyo deeqo waxbarasho oo lagu tago carriga Maraykanka iyo Jaamacadaha dunida ugu qaalisan, taas ayaa illawsiisay dhaqan-xumada jirta.