Qaacidooyinka salaada iyo hogaaminta Q.1aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Dunida iyo salaada.

Dhamaan basharka Rabbi (Swt) waxa ku abuuran, buuxin meel madhan, una baahan, buuxin khushuuceed, raadinta, qalbi daganaantu, waata fadhi iyo joog u diiday, ummado badan. halka ummado, kale risiq ka raadiyaan, u laab qaboojinta bulshadaasi baahan, aduun badan ku bixiya, dunida dacaladeedana, tamashle sanadle ah, oo lagu soo faaruqiyo wixii yaraa ee lagu dhiteeyay, sanadka dhan.

Taasi waxa riixaya, waa sida Rabbi (Swt). Quraanka kariimka ah inoogu sheegay, in dhamaan ilma Nabi Aadam (csm), kii u horeeyay ilaa kii dambeeyay, inta meel la iskugu keenay, uu Rabbi ku yidhi ma’ ahay Rabbigiin?, dhamaana ugu jawaabeen, Haa.

Qofka, waxa loolama waxaynu unaqaano, damiirka iyo nafta, damiirku balantaasi hora u guntan. Halka caqliga waddooyin badan, soo galaan oo kala ah, Afka, indhaha, sanka, iyo dhamaan shanta dareen, iyo shaydaanka iyo doonista qofka, intaasi oo dhinac ah, baa loolan adag kula jirta damiirka hoose.

Haddab dunida dadku in Rabbi (swt), rumaysay waxay dareemaan khushuuc iyo jidhidhico, ka soo butaacaysa meel hoose, oo dareen raaxo ah, quud iyo dagaana u ah qalbiga, naftuna xasilooni dareemayso. Taasi oo dhibcooyin, taqwo ahi gilgilayaan qofka.

Si taasi oo kale ay u heleen, dadka dafiray awooda Rabbi( swt) ee banyaalka ahi, waxay doonayaan in ay buuxiyaan meeshaasi, iyo balantaasi hore, sidaa daraadeed si qalbigu u nasto, waxay qaadaan talaabooyin qalbi dhayid ka dayayaan, waxay ka buuxiyaan, dareeno kale, oo uu u waxyooday Ibliis, taasi oo qoloba dhan ula kacdo, kadeedkooda kadsan, habawguna hagaayo.

Meelahay ula kacaan, waxa kamida in shaydaanka, qaar caabudaan, qaar kale hawadooda caabudaan, kuwo balwado iyo ciyaaro qaab shushuuceed loo diyaariyay sameeyaan, kuna madadaaliya nafta, hadhsanwayday. Dhamaan dadkaasi waxay ku kulan san yihiin, xataa kuwooda ugu fogi, in awood kale jirto iyo in naftoodu dareemayso baahi, baahidaasi oo ah Salaada. Waxa dhacda in culimada …….

Lasoco qaybta 2aad. haddii Rabbi (Swt). Idmo. Mahadsanid.

 

Ahmedckahin@gmail.com