Aafo (W.Q. Hibo Ciise)

Qoys uma wanaagsana, qarana haba sheegin, carruurna haba soo qaadin, ciroolena hadalkiisaba daa, caafimaadka waa u halis, dhaqaalahana waa u cadaw, horumarka waa la col, dhaqdhaqaaqa ma ogola,

Sharafta wuu bahdilaa, xishoodka wuu xayuubiyaa, quruxda wuu ka soo hor jeedaa, iskusoo wada duuboo waa halis soo food saarta bulsho kuwa ugu daran magiciisu waa “qaad”.

Waa geed jaan dadkeeni lagu foogay sidii fal loogu daray, Haddii maalin qudha laga waayo kabadhadda waa la iswada dilayaa, dagaalayaa, ruufayaa.

Waayadan danbena waxay indhahaygu qabanayeen dadkii qaadka cunayey oo isa soo taraya, waliba waagi hore ragga uun baa u badnaa laakiin wakhti xaadirkan rag iyo dumarba waa la miistaa, dumarka kuma canaanayo oo raggiibaba daaqaya iyaguna maxay ku dayn…. dee waxba.

Sida aynu lawada socono waddankeenu malaha wax soo saar, wax kasta waxa ay inooga yimadaan dibedda, taaso jirta haddana dakhliga yar ee ina soo gala ee marka horeba dalka dibeddiisa inaga soo gaadhay haddaynu wax dhib mooyee dheef aan haba yaraatee lahayn ku badalano miyanay nasiib daro ahayn… haa dee.

Wakhtiyada duhurkii marka aad maraysid dariiqyada magaalooyinka waxaad arkaysa meelo bilicdoodu liidato, nadaafadadoodu hoosayso, kulayka aad moofo moodo, gogasha taala indhahaagu aanay qaban karayn oo intuu qof bani-aadam ah soo dhex fadhiistay ka dhex qoslaaya oo shanta salaadoodba ku seego, laga yaabo in aan maanta gurigiisii dab lagu dhadhaarin.

 

Hibo Ciise

hibafaakhir@gmail.com