Urur ay ku midoobeen dhakhaatiir Carbeed oo Hargeysa lagaga dhawaaqay

Urur ay ku midoobeen dhakhaatiir Carbeed oo ka hawl gala Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqay furitaanka xarunta midowga dhakhaatiirta carbeed.

Munaasibad ballaadhan oo lagu bayaaminayay furitaanka xarunta midowga dhakhaatiirta Carbeed ayaa waxa ka soo qayb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaano, dhakhaatiir iskuga jira ajanabi iyo muwaadiniin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, aqoonyahanno, ganacsato, culimo awdiin , iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibaaddaasi ka hadlay dhakhaatiir kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Dr. Cabdibaasid iyo Dr. Ibraahim oo ka mid ahaa dhakhaatiir ku midoobay xarunta dhakhaatiirka carbeed, waxaanay sheegeen in ujeeddada midowgeedu tahay sidii ay bulshada Somaliland ku dhaqan ay uga haqab tiri lahaayeen adeegyada caafimaadka, isla markaaana ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhammaystiran.

Mar ay ka hadlaayeen xarunta ay samaysteen ayey waxa ay caddeeyeen in aanay shaqo ku lahayn arrimaha siyaasadda iyo waxyaalaha la hal maala, hase yeeshee ay tahay mid loogu adeegi doono dadka u baahan caafimaadka, waxaanay shaaca ka qaadeen in ay lacag aad u jaban ka qaadi doonaan bulshada Somaliland ee ka cabanaysa xanuunnadda kala duwan.

Dr. Daahir Xasan Daahir oo wakiil ka ah dhakhaatiirtan carbeed ee midoobay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in muddo uu ka shaqeynaayay sidii ay dhakhaatiirtani Somaliland ugu hawl gali lahaayeen.

Dhinaca kale waxaa iyaguna madashaasi ka hadlay culimaa’udiin iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadda kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey dhakhaatiirtan ajanabiga ah, waxaanay bulshada Somaliland u soo jeediyeen in ay ka faa’iidaystaan dhakhaatiirtan.

Sidoo kale waxa isna madashaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaaka Somaliland Axmed Yuusuf Cali waxaanu yidhi:

“Waddankeenu waxa uu noqonayaa waddanka saddexaad ee ugu badan ee hooyo ku dhimato ama carruur yar yar ee shanta sannood ka yari, runtiina dhakhaatiirtani waa loo baahnaa waxaan leeyahay bulshada reer Somaliland haka faa’iidaystaan dhakhaatiirtan.”

Dhinaca kale wasiir-xigeenka maamulka iyo degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Axmed Cadare ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtan carbeed inay midoobaan isla markaana ay si siman oo cadaalad ah ugu adeegi doonaan bulshada Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Dadka wanaagsan iyo nabada ilaahay ina siiyey iyo waliba sida wanaagsan ee ay xukuumaddu inoo hoggaaminaysaa waxay ka turjumaysaa, sida aad arkaysaan maantaba ee dadka ajanabiga ahi dalka ku soo bataan, khaasatan dadka walaalaheen ahaa ee inoo damqaday, waxa inoo sharaf ah baahiyaha waa weyn ee uu inaga daboolay dhakhtarkii hore ee la furay ay carabtu lahaayeen, kanina waxa uu noqonayaa dhakhtarkii labbaad.”

Ugu dambayntii waxaa madashan ka hadlay wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. sacad Cali Shire oo isagu soo gabagabeeyey xafladaasi ayaa aad u soo dhaweeyey dhakhaatiirtani waxaanu yidhi:

“Dhakhaatiirta waxaan leeyahay soo dhawaada waddankani waa waddankiinii, marti ma tihidiin, Alxamdulilah in badan ayaanu idin sugaynay maanta hadii aad noo timaadeen, aadna waad u mahadsan tihiin caafimaadku qiimo badan ayuu leeyahay cidii naga caawisaana qiime iyo sharaf badan ayay naga mudan tahay runtii.”

Xarunta ayaa noqonaysa xaruntii labaad ee dhakhaatiir Carabi furtaan oo ka hawl gali doonta Hargeysa.

bandhige@gmail.com