Saraakiil iska casishay Waddani

Cabdirisaaq Salaan Axmed iyo Farax Cabdi Dhoobaale ayaa ku soo biiray masuuliyiinta muddooyinkii u danbeeyey iska casilayey xisbiga Waddani.

Xidhiidhiyaha Jaamacadaha Faraxa Cabdi Dhoobaale iyo Hoggaanka Qorshaynta Heer Qaran ee Waddani Cabdisalaan Axmed Cali oo shir-saxaafadeed maanta ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in ay xisbiga uga baxeen arrimo la xidhiidha qabyaalad oo baryahan dambe ku soo xoogaysanaysa xisbiga.

Farax Dabdi dhoobaale oo ugu horeyn ka hadlaysa shir-saxaafadeedkan ayaa tidhi:

“Maanta waxaan halkan ka sheegayaa oo aan kaga dhawaaqayaa in aan xisbiga Waddani xilkii aan u hayay ee ahaa Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaamacadaha aan iska casilay oo aan ka baxay guud ahaanba xisbiga Waddani, ka dib markii ay xisbiga dhexdiisa iiga muuqan waayeen waxyaabo badan oo aan hiigsanayey markii adibedda ka joogay. Hase ahaatee imika ayaan xaqiiqadii soo taabtay, sababtayda ugu weyn ee iscasilaadaydan keentayna waxa weeyi oo aan garwaaqsaday in xsbiga Waddani uuna reer kaliyaata dhaafsiisnayn oo uu dano gaar ah ka shaqeeyo.”

Sidoo kale waxaa isna dhiniciisa ka hadlay Hoggaanka Qorshaynta Heer Qaran ee Waddani Cabdirisaaq Salaan Axmed, waxaanu yidhi:

“Maanta waxaan halkan ka caddaynayaa in aan iska casilay guud ahaanba xilkii aan u hayay Waddani, runtii waa wax mar walba dhaca in aad xisbina ka baxdo midna aad gasho, laakiin maanta aniga is casilaaddaydan waxay ku qotontaa iyadoo dhallinyaro ahaan aanu ka waynay Waddani waxyaabo badan oo aanu tirsanaynay oo naga dhex guuxaayay.”

Cabdirisaaq isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Xisbiguna wuxuu xisbi ahaadaa marka uu noqdo mid loo siman yahay, ee aanay cid gaar ahi lahayn ama aanu u shaqayn, laakiin waxaan xaqiiqsaday in xisbigu reer gaar ah yahay, runtii anigu markii aan ka waayay saamigii reerkayaga aan ka soo jeedo ayaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii aan u hayey.”

Xisbiga Waddani ayay hore uga baxeen masuuliyiin dhawr ah oo qaar sheegeen in ay iskood iskaga casileen sida Sahra Halgan, kuwa kalena ay sheegeen in ay xisbiga reernimo ku eedeeyeen.

bandhige@gmail.com