Adeegsiga Naaneysaha Bulshada Soomaliyeed (WQ: Ismaaciil Xasan Maxamuud “Shiine”)

Taariikh ahaan markaad eegto isticmaalka ay bulshadu isticmaali jirtey naaneysaha ma aha wax ku cusub balse waxa ay ku kala duwanaayeen qaab adeegisiga iyo cidda ama meesha loola baxayo. Qormadan ayaan ku soo qaadan doonaa sharaxaad kooban oo ay naaneysi yeelan karto, noocyadooda iyo tusaaleyaal kooban .

Marar badan waxaynu aragnaa in bulshadeena Soomaaliyeed  ay aad u adeegsadaan inay iskugu yeedhaan naaneyso kala duwan kuwaasi oo xataa gaadha heer ay magaca dhabta ah ee qofka  kaba  weynaadaan ama ay ka adeegsi bataan balse naaneysanahaasi ma yihiin kuwo xax ah?  Haddayse yihiin qofka loogu yeedhayaa raali maka noqdaa.?

Haddaba waxan marka hore iftiimin doonaa intaynaan kala qaybin noocyadooda kalmada Naanaaysi maxay horta tahay AfSoomali ahaan?

Macnaha erayga “Naaneys” qeexitaanka  aan isleeyahay waa uu yeelan karaa waa  “Naanaystu waa magac aan la isugu wanqalin sidoo kale  waa  labeeyaha  magaca saxda ah ee qofka loo yaqaano rag, dumar, meel, shay, kaas oo ah jacayl ama jeesjees.”

Ingiriisi ahaan marka la eego, waxa naanaysta lagu qeexaa “A nickname is a substitute for the proper name of a familiar person, place, or thing, for affection or ridicule” oo u dhiganta macnaha sare amaba sida uu qaamuuka Oxford ku qeexo oo ah “A familiar or humorous name given to a person or thing instead of or as well as the real name.”

Si aynu u ballaadhino fahanka, waxaynu is yara dul taagi doonaa qaybaha kala duwan iyo qaababka ay u baxaan naanaysuhu.

Waxa jira naaneyso badan oo ku baxa marxaladaha nololeed ee qofku ku jiro. Sidoo kale waxa jira kuwo ku baxa hadba deegaanka uu qofku ka soo jeedo. Balse waxan soo qaadan doonaa laba qaybood oo ka mid ah guud ahaan noocyada naanaysuhu ku baxaan.

  1. Kuwo iinta qofka ama dhaliishiisa la xidhiidha
  2. Kuwa la xidhiidha shaqada qofka ama meheraddiisa

Iyo qaar kale oo aanan bartan ku soo koobi kareyn.

  1. Kuwo dhaliisha ama iinta la xidhiidha

Adeegsiga naaneysahani Inta badan waa kuwo xidhiidh toos ah la leh  sida cinwaanka ka muuqata iinta uu qofka bani’aadamka ahi leeyahay, taasi oo ku iman karta laba siyaabood.  Midi waa iyada oo abuurka ilaahay uga timaada oo uu la soo dhashey. Midina waa isaga oo nta uu adduunka korkiisa ku uumanaa ku soo wajahda xaalado uu la kulmo; ha haato mid degaal ama mid xanuun. Taasi oo sababta in jasadkiisa iyo caqligiisa saameynta ay ku yeeshan xaladahaasi in ay ugu dambeyn sababto in uu ka dhaxlo naaneys ku lifaaqanta magacasiisa rasmiga ah, badiyaana ay isticmaalan bulshadeena maanta gaar ahaan Soomaalida.

Naaneys Xaalad Abuurka Ilaahey ah 

Illaw: Hadii uu Qofka Bani aadamka ahi La soo Dhasho (Ill) La’aan  Waxay Taasi Sababtaa in Bulshada uu La nool yahay Si ay uga Aqoonsato Dadka intiisa  Kale Hadii Lamagac Dhabana Si dhakhso ah Loogu Garan karo   Iyagoo Kulifaaqaya Magaciisa Dhabta Ah Ayay Adeegsadaan iintan Qofkani Leeyahay Sida : Maxamed Illaw Ama Cabdi Iley .

2. Naaneys degaal ama xanuun ku baxdey 

Gacanlow :  Adeegsiga Naaneystani Waa Mid Ku imaan Karta Xaalad Degaal ama Xanuun Taasi oo Soo wajihi karta Qof Bani aadamka ah , Ugu dambeyna  Waxay Dhaxal siisaa Shaqsiga  In Lagu  Ladho  Magaciisa Dhabta ah Sida :  Siciid Gacanlow ,  Ahmed Gacan.

 Naaneyso La xidhiidha Shaqada uu Qofku Qabto ama Meheradiisa

Inta Badan Markaad Eegto Bulshada Soomaaliyeed Qaybaheeda Kala duwan iyo Shaqooyinka ay Qabtaan Waxaaad Arkeysaa Waxyaalo Runtii aanad ilaawi kareyn Xasuustooda Markaad Maqashana aad u garwaaqsaneyso Sida ugu dhakhsaha badan.

Hayeeshee Sababta Keenaysa Garwaaqsashada Deg-dega ahi Ma waxey Tahay Mid Kutimaada  Ku talogal Qofeed  Mise Waa  Mid ku timidey Magaca loo adeegsadey Meesha si ama Cidaasi oo Noqdey Mid dhaqan gala isticmaalkiisuna uu Bato Sida :

Caanoole: Naaneystani Waa Mid Ismacneynaysa Hadaad U fiirsato Waayo Waxay Koobsatey Shaqsigii Ninka ahaa  iyo Shaqadii Tusale : Cabdi Caanoole ,Cismaan Caanole . Xaga Dumarka Hadaad ka eegtona Waxay Iyana Lagu Ladhaa Magaceeda Dumar ahaaneed iyo Shaqadeeda Tusaale : Faadumo Caanaley , Koos Caanaley .

Kabatole: Naaneystani Waxa loo bixiyaa Qofka inta Badan Ku hawlan Ama ay tahay Xirfadiisa Shaqo Inuu Hagaajiyo Kabaha (Profesional  Repairing Shoes ) Tusaale: Maxamed KaboTole , Cabdi Kabatole

Gabo Gabada

Naaneysuhu Kaliya Maaha Kuwo ku eeg intan  Balse waa ay  Ka badan yihiin. Intani waa  Guud Mar iyo Carabaabid Ku saabsan Naaneysaha iyo Isticmalkooda Balse Markaad Eegto Xaga Diinteena Waxay ina fareysaa In qofka Loogu yeedho Naaneys uusan Raali ka ahayn In inta loogu yeedhayo naaneystaasi ee uu nool yahay ama dhintaba  in Dambi Ku socdo qofka ugu yeedha iyo kii u bixiyeyba “Subxaanallah “ . Waxana u daliila Arintan  (Walaa Tanaabisuu Bil alqaaab” Fii Suuratul Xujuraat .  ) Oo tilaameysa Naaneysaha xun inaan laysigu yeedhin .

WQ: Ismail Hassan Mohamoud (Shiine)