Afar qodob ayaa laga rabaa afar qolo (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Maalintii balanta doorashada waxaa inaga xigta in ka yar 27 maalmood, waa maalin leh muhiimadeeda gaarka ah, waa maalin shacabka laga rabo inay u dareeraan go’aan ka gaadhista ciddii ay ku aamini lahaayeen hogaaminta dalkooda iyo masiirkooda, raga tartamayaa waa rag ka soo dhex baxay dhexdiina, sidaas darted, waxay xaq u leeyihiin inaad fartiina ku kala saartaan, oo ugu garsoortaan, ma ahan kuwo is neceb, ee idinku haysku nicina iyaga dartood, waayo, iyagu weligood iskuma nicin idinka dartiin.

Shacab yahow, waxaa laga rabaa hal shay oo qudha, oo aan wax labeeyaa jirin, waana inaad maalinta doorashada fartaada siiso ka aad rabto,kadibna aad dantaada ku foofto, lagaama rabo inaad cidna dhagax u tuurto

Qolada Komishinkana hal baa laga rabaa, waa inay rabbi ka baqaan, oo caddaalad ugu garsoonaan kuwa tartamaya, kana been sheegin kii shacabku doortay.

Maxkamadda sare halbaa laga rabaa, waa inay sidii Maxkamadda sare ee Kenya u garqaado haddiiba ay cabasho ka timaado mid ka mid kuwa tartamaya, illeyn horey baa loo yidhi Gari laba ruux kama wada qoslisee, Musharixiinta tartamaysa halbaa laga rabaa, waa inay Natiijadda lasoo saaro u hogaamsamaan, oo aanay dalkan u burburin gaadhitaanka masaalixdooda siyaasiga ah darted.

Haddii Afartaas Qolo afartaa laga helo, waxaynu noqon doonaa bulsho guulaystay oo dunida masqaam wanaagsan ku yeelata, haddii la waayo, Xaalkeenu waa Allow Sahal Amuuraha adigaa u Sahanee.

Wa Bilaahi Towfiiq,

QalinkiiL Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-lucky)

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.