Donald Trump oo hoos ugu dhacay lambarka 248 dadka ugu taajirsan Maraykanka , mulkiilaha Facebook oo ku soo booday lambarka 4aad

Madaxweyne Donald Trump dirqi ku soo gaadhay in uu ka mid noqdo 250-ka qof ee ugu qanisan Maraykanka, wuxuuna noqday qofka 248aad ee Maraykanka ugu taajirsan isagoo lacagta uu haystaana ay sannadkan noqotay 3.1 bilyan oo Doollar.

Sida ay maanta daabacday majaladda caanka ku ah daraasaynta dadka dunida ugu taajirsan ee Forbes, ilaa 600 milyan oo Doollar ayay hoos u dhacday maaliyadda Donald Trump sababo la xidhiidha suuqa dhismaha guryaha oo xumaaday iyo tartankii adkaa ee doorashada ee uu soo galay.

Kal hore wuxu noqday qofka 156aad ee ugu qanisan Maraykanka, taas oo macnaheedu yahay in uu hoos u dhacay 92 derejo.

24kii sanno ee ugu dambeeyey oo sannad walba Bill Gates ayaa noqda qofka Maraykanka ugu hodansan, inta ugu badana ahaa qofka dunida ugu qanisan. Wuxu haystaa maal xaddigiisu wadartiisu tahay $89 bilyan. Qofka labaad ee Maraykan ugu qanisan waa aasaasaha ahna agaasimaha Amazon Jeff Bezos wuxuuna haystaa $81.5 bilyan, halka uu Warren Buffet xajistay lambarkiisii saddexaad isagoo haysta $78 bilyan.

Qofka horumarka ugu badan sameeyey waa Mark Zukerberg, aasaasaha Facebook. Wuxu haystaa hanti dhan $71 bilyan isagoo hore u haysta $15 bilyan oo Doollar.

Donald Trump iyo aqalka cad oo ay CNN xidhiidh la samaysay ayaan wali warkan aanu madaxweynuhu jeclaysan doonin wax war ah ka soo saarin.

Il-wareedyo: Forbes, CNN

Bandhige@gmail.com