Ninkii Muqdisho qarxiyey wuxu ka tirsanaan jiray ciidanka, wuxuuna ka soo jeedaa deegaan Maraykanku dhawaan weerar ku ekeeyey

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkii qarxiyey Muqdisho uu ka soo jeedo deegaan laba bilood ka hor uu Maraykanka iyo ciidan badhitaarayey oo Soomaali ahi ay weerar ku ekeeyeen, hawlgalkaas oo ay ku dhinteen tiro dad ah oo rayid ah oo ay ku jiraan laba carruur ahi. Madax-dhaqameedka deegaankaa ayaa wakhtigaa ku hanjabay in ay Maraykanka iyo xulufadiisa ka aargoosan doonaan. Sidaa waxa lagu daabacay wargeyska caalamiga ah ee The Guardian.

Ninka qaraxa gaystay oo aan magaciisa la shaacin wuxu ciidamada Soomaaliya ku biiray 2010-kii, wuxuuse ka goostay oo uu Al Shabaab ku biiray 2015-kii.

Qaraxan ayaa ah mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dunida ka dhaca sannadihii ugu dambeeyey iyadoo ay ku naf waayeen in ka badan 300 oo qof, sidoo kalena ay uu dhaawac soo gaadhay 300 iyo dheeraad qof.

Wararka soo if baxayaa waxay tibaaxayaan in laba gaadhi oo midi bas Noah ah midina yahay gaadhi nooca xamuulka ah oo xambaarsan 350kg.  Waxa loogu talo galay in lagu qarxiyo Maddaarka Muqdisho oo fadhiisin u ah Qaramada Midoobay, Beesha Caalamka iyo Ciidamada AMISON.

Hase ahaatee, labada gaadhiba waxay ku qarxeen goob aan yoolkoodii ahayn. Baska Noohada ah waxa joojiyey ciidan ku sugan bar kantarool, kadibna wuu qarxay iyadoo aanay cidina wax ku noqon.

Gaadhiga xamuulka ahina wuxu dayaamay kadib markii ciidanku ka shakiyeen isagoo aan bar-tilmaameedkiisii gaadhin. Waxa khasaaraha sii kordhiyey booyad shidaal ah oo meesha ka dhawayd oo  iyaduna qaraxday dab weyna kicisay, taas oo suurtogalin wayday in si dhab ah ilaa hadda loo aqoonsado nooca uu gaadhigaasi ahaa.

Ilaa hadda cidi may ay sheegan qaraxan laakiin qof ka tirsan Al-Shabaab oo dawladda Soomaaliya xidhay ayaa sheegay in uu ururka Al-Shabaab ka dambeeyey.

Il-wareed: The Guardian

Bandhige@gmail.com