Telesom waxay beenisay in ay xisbi gaar ah la safan tahay

 

Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa beenisay in ay xisbi gaar ah la safan tahay sida ku dhigan warmurtiyeed kooban oo ay ku baahisay baraha ay ku leedahay Twitter-ka iyo Facebook-ga.

Sida muuqata Telesom waxay u jawaabaysay eedo lagu baahiyeye Facebook-ga oo lagu sheegay in xogtii diwaangelinta codbixiyeyaasha ee Komishanku shirkadda la wadaageen ay shirkadduna la sii wadaagtay xisbiga Waddani.

Eeduhu waxay intaa ku dareen in Telesom dhagaysato dhaqdhaqaaqyada ay sameeyaan xubnaha muhiimka ah ee Kulmiye iyo in ay lambarro gaar ah u samaysay xisbiga Waddani.

Telesom waxay sheegtay in ay saddexda xisbiba si dhex ah ugu adeegto, waxayna baahisay lambarrada saddexda xisbi ka furteen Telesom.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

Ku: Dhammaan Macaamiisha Shirkadda #Telesom

Waxaan dhammaan macaamiisha Shirkadda #Telesom la socodsiinaynaa, in Shirkadda #Telesom ay tahay Shirkad ganacsi oo ka madax banaan guud ahaanba siyaasadda, si simana ugu adeegta dhammaan Xisbiyadda qaranka oo ka mid ah Macaamiisha shirkadda.

Sidaa awgeed waxaan cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin warar lagu faafiyey baraha bulshadda qaarkood oo sheegaya in shirkaddu #Xisbigaar ah la safan tahay siisayna adeegyo gaar ah oo aanay Xisbiyadda kale haysanin.

Haddaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in dhammaan #xisbiyadda#Qaranku si siman u isticmaalaan adeegyadda shirkadda gaar ahaan Lines-ka telefoonadda oo ay ugu talo galeen inay kala xidhiidhaan taageerayaashooda kala duwan ee wadanka ku nool.

Xisbiga #Kulmiye waxa uu naga isticmaalaa lambar gaaban oo si Automatic ah kuu hagaya oo ah (2019) iyo oo Lines-kan hoos ku qoran 530726, 530865, 530879, 530912, 530940, 530939, 530944, 530958, 530989.

Xisbiga #Waddani waxa uu isna naga isticmaalaa Lines-kan hoos ku qoran: 527443, 540208, 540220, 540221, 540331, 540334, 540341, 540356, 560158, 540358, 540378, 540379, 540389, 540391, 540396, 540401, 540407, 540414, 540417.

Xisbiga #UCID waxa uu naga isticmaalaa Lines-kan hoos ku qoran 528866, 528801, 526223, 524326, 710352.

F.G: Waxaan kula talinaynaa dhammaan Axsaabta Siyaasiga ah inay u isticmaalaan adeegyadda Isgaadhsiineed si waafaqsan Xeerka Anshaxa ee guddiga Doorashooyinka Qaranka.