Albaabkii jinniga (WQ: Cabdullaahi Cabdi Muuse “YamYam”)

 

Waxa ay ahayd abbaare saqdii dhexe, markii qoyska reer Geeddi uu ku soo biiray wiil yara oo loo bixiyay Raage. Qoyska reer Geeddi waxa ay ka koobnaayeen sagaal carruura, Hooyadood, aabbahood iyo Raage oo ah yaraanka reerka. Halka ay degganyihiin reer Geeddi waa meel baadiye ah, oo kaymo badan, sidoo kale buuraley ah. Dadka noloshoodu waxa ay ku tiirsantahay beeraha. Geedi oo ah aabbaha Raage waxa uu leeyahay beer wayn oo ay ka baxaan dhammaan qaybaha dalagga. Meesha waxa wada daga qabaa’ilo farabadan oo cadaw isku ah. Markii uu dagaal dhaco waxay kala dhacaan xoolaha, oo ay lo’du ugu muhiimsanayd. Sidoo kale waxa ay kala gubaan beeraha. Raage waxa uu ka dhashay mid kamid qoysaska ugu tabarta iyo taagta yar deegaanka. Tiro dhowr jeer ah baa gabood fal lagu la kacay isaga iyo qoyskiisaba. Waxa ay ahayd xilli barqo ah markii Geeddi iyo wiilkiisii yaraa ee Raage oo beertooda falanaya uu u yimid oday hogaamiye-beeleed u ah mid kamid qabiillada laga baqo ee ku caan baxay dhaca, kufsiga iyo dilka. Odaygii waxa uu dhinac u la baxay Geeddi, wuxa uu u sheegay inuu maanta ugu yimid inuu labadiisa gabdhood ee waawayn uu siiyo, si uu ugu guuriyo labadiisa wiil. Geedi xaaladdu waa ku adkaatay, waayo horay ayuu labadaan gabdhood u siiyay labo wiil oo uu walaalkiis dhalay, taaso jirta ninkaan hortaagan looma sheegi karo waxaas; waxbana looma diidi karo. Geedi isagoo qalbigiisu gubanyo ayuu wuxuu bixiyay jawaab baqdini keentay “Waan ku siiyay” ayuu yiri.

Odaygii waxa uu ugu war celiyay hawraarsan birri fog baan kuugu imaanaya. Raage waxa uu ahaa wiil yaroo aad u caqli badan, isla markiiba waxa uu fahmay wel-wel ka iyo walbahaarka uu aabihiis lasoo noqoday. Raage isagoo qaylinaya waxa uu yiri “Aabbe ma sidii sannadkii hore buu naga rabaa boqol-kiish oo baad ah markuu dalaggu noo soo go’o”. Geedi oo wili hoos fiirinayaa ayaa wiilkiisii yaraa waxa uu ku yiri “Mayee aabbe waxa uu doonanyaa in aan siiyo Cawo iyo Cosob.” Raage oo aad u naxay ayaa aabbihiis ku celiyay “Cawo iyo Cosob aa?!” Haa aabbe. Geeddi maalintaas waxa ay ku noqotay maalin masiibo wadata, oo maxay masiibo u wadan wayday, soo tan birri fog labada gabdhood laga rabo. Oo marka muxuu u sheegi doona walaalkiis iyo labadii wiil ee uu adeerka u ahaa oo gabadhaha uu horay u siiyay?  Isagoo galab-gaabkii geed wayn hoos fadhiya, ayaa waxaa meel  halkaas ah uga muuqday saddex fardood oo soo kadlaynaya, labo geesha ayay xigtaa midna dhexda ayuu ku jiraa. Faraska dhexda ku jira wuu ka yara dheeryahay fardaha kale, midabkiisu waa Caynab(madow), si heer sarraysa buu u kooraysanyahay, waxaana saaran nin laba lafood ah oo gar guduudan watana laba gaashaan iyo seef.

Geedi oo markii hore u qabay marti ayaa waxa uu ogaaday inuu yahay hogaamiye-beeleed kale . La isa salaan, xooga beeraha iyo lo’dana la iska waraysay, in canshuurtii laga qaadi jiray la kordhinayana loo sheeg Geeddi. Geedi oo indha illini kasocoto wuxuu yiri  “War nin yahow sannadkaan dalagga soo go’aya aad buu u yaraandoona, taas waxaa ugu wacan in xoogii reerka qaar meesha ka baxayo labo gabdhoodna la iga soo doonay. Waxaana iga ka xaysanaya birri wayrax.” Intaas markii uu maqlay oday Colaad, indhihii baa guduutay oo dhibic dhiiga noqday,  waa uu dawakhay, waxa uuna ku sigtay inuu sara joogga ka dhaco. Isagoo qaylinaya wuxuu yiri “War waxa safarka intaa le’eg aan u soo galnay waa Cawo iyo Cosob, adna waxaad na leedahay nin baan siiyay labadii gabdhood. Ama aan caawa kaa kaxaysto ama anigoo birri fog dagaal usoo diyaar garoobay baan indhihiisoo shan ah ka xaysanaya”. Geeddi talaa ku caddaatay, garay in birri jilbaha la isku aasi doono, dhiigga daatana in isaga iyo gabdhihiisu u sababyihiin. Cid talo ka dhagaysanaysana ma jirto oo waa dadka la xaqiro. Waxa uu yaqaana Wayrax iyo Colaad mid walba. Waa laba oday oo kala hoggaamiya labo beelood oo aad u tiro tayo badan, boqollaal sanona isa soo dagaalayay. Mid walba waxa uu leeyahay dagaalyahanno muuqda iyo magacoodaba laga baqo.

  Colaad iyo Wayrax oo uu dagaal dhex maray

Colaad waxa uu isla habeenkii guure ku galay degaankoodii, isagoo isu gu yeeray wax-garadkii meesha joogay. Waxa uu u sheegay in dagaal aan innaba caadi ahayn uu cidda ku soo foolleeyahay. Waxa uu yiri “Waxa aan caawa idinka doonaya in si degdeg ah la ii gu diyaariyo ciidan ka kooban toddobo boqol oo wiil -afar boqol waa inay fardoolay ahaadaan; labo boqol waa in ay ciidamo lugley ah ahaadaan iyo boqol ah “Bar-baarta laga baqo.” “Bar-baarta laga baqo” waa boqol wiil oo agooma ah, mid walba aabbihiis waxa uu dhintay isagoo bil jira ama uurka ku jira. Aabbayaashood waxa ay ku dhinteen dagaallo ay qaadeen reerahoodu iyo kuwo lagu soo qaaday iyaga. Waxaa muddo laga joogo labaatan iyo lix sano ka hor noloshooda ka faalo qaaday nin la yiraahdo Guhaad. Guhaad waxa uu ahaa abaanduule aad loogu yaqaanay dhanka khidadda dagaal-dajinta. Waxa uu ka xeeyay carruurtan iyagoo da’doodu tahay toban jirro. Waxa uu geeyay dhul wayn oo laba buurood u dhexeeya, halkaas oo uu ku tababari jiray maalinkii oo dhan. “Bar-baarta laga baqo ” saddexda waqti, hal  wakhti bay wax cuni jirern, waqtiga intiisa kale waxa uu u ahaa orod, shiish barasho iyo qaabka seefaha iyo fallaaraha oo is wata loogu dagaallamo. Qaarkood waxa ay ka boodi jireen faraska oo cirkaa maraya.  Muuqaalkoodu: waa rag mad-madow, indho gudguduudan, oo maqaarku ku dhaganyahay.Qofkii ay kasoo hor baxaan aad ayuu uga baqaya muuqaalkooda, waana taas sababta loogu bixiyay “Bar-baart laga baqo”. Tababarka jimsiga ah waxaa u dheer tababar nafsi ah oo ruuxdooda lagu la hadlo. Guhaad waxa uu u sheegi jiray in ay deegaankooda, dhaqankooday iyo dadkoodaba difaacaan. Waxa kale oo u sheegi jiray raggii aabbayaashood dilay magacyadooda. Waxa uu ku dhiiri galin jiray nin walba inuu aargoosto. Ciidankii uu codsaday Colaad isla habeenkiiba waa loo diyaariyay. Deegaanka waxa ay ka baxeen saqdhexe iyagoo xilli danbe gaaray deegaankii ay ku noolaayeen Cawo iyo Cosob. Labadaan gabdhood, waa labo gabdhood oo aad u caqli iyo karti badan, magacoodana laga yaqaano degaankoo dhan. Tiro dhowr jeer ah waxa ay fureen hal-xiraalayaal ay odayaal isku xirteen. Tii u darnayd waxa ay ahayd mar oday sagaashan jira uu dadka waydiiyay su’aal una ballanqaaday qofkii sheega toban neef oo lo’ ah. waydiintu waxa ay ahay “ Yaa sheegi kara, marka kaliya oo qofka indhool-ka ahi wax arko?” Waxaana la siiyay dadkii muddo laba isbuuc ah, si ay uga soo war-celiyaan waydiintaas.

Dadkii deegaanku aad bay ula yaabeen waydiintaans, wayna ku adkaatay war-celinteedu . Malintii la ballamay ayaa waxa la isugu yimid meel fagaare ah. Odaygii baa kor u qayliyay waxa uu yiri “War haye yaa haya, oo ka jawaabaya waydiintaydii?”.  Markii ay dhowr qof  isku dayeen garanna waayeen baa waxaa soo istaagtay Cosob waxa ayna tiri “Qofka indhool ka ah marka uu wax arko waa marka uu riyoonayo, waana in uu yahay qof aan indhoolnimada ku dhalan”. Meeshii baa hal mar waxaa is qabsaday sacab, qaylo iyo mashxarad. Waana maalinta loo qiray gabdhahaan hibada ilaahay siiyay ee caqli badnaanta ah. Waana taas sababta Colaad iyo Wayrax mid walba uu u doonayo in labadaan gabdhood aqalkiisa ayan dhanna u dhaafin, oo ay wiilashooda siistaan.

Dhanka kale waxaa abaabul ciidan isna wada Wayrax. Wayrax isagu Colaad waa uu ka ciidan badan yahay, oo waxaa hareer taagan sagaal boqol oo wiil oo si heer sare ah u qalabaysan, walow uusan haysan Bar-baarta laga baqo oo kale. Taasina wa halbeega isku dheeli-tiraya laba ciidan. Oo Bar-baarta laga baaqo waxa ay u dhigmaan labo baqol oo ciidana. Subixii danbe Geeddi waxa uu hurdada ka kacay hiirta waaberi, si uu meesha uga fogeeyo carruurta iyo haweenka, illeen waa meel balo isku hardindoontee. Balse damaciisa waxaa beeniyay Colaad oo meel dhexe uga soo hor-baxay  kuna yiri “Waxa aan u dhimanayno waa Cawo iyo Cosob, haddii aad wabiga ka tallaabisid oo aan guulaysano, golayba guusheenu waa mar la hoogay oo la ba’ay e, xaggee baanu u raadinaynaa gabdhaha.” Geeddi waxa uu ku khasbanaaday inuu halkiisa iska joogo. iyagoo wili wada hadlaya waxaa meel ili-ku-wareertay ah ka muuqday boor cirka isku shareeray oo ka imaanayay qoobka fardaha ee sida xooggan dhulka ugu dhacayay. Waana ciidankii Wayrax. Colaad intuu hal mar booday oo ciidankiisii u qayliayay buu waxa uu u hor kacay dhankaas iyo goobtii dagaalka.

Goobta dagaalku ka dhacayo waa barxad wayn oo wayn. Dhanka shishe waxaa ka mara wabi aad u biyo badan. barxaddu waxay ku caan baxday magaca “Fagaaraha Geerida”. Waa meel boqollaal sano la is ku dagaalayay, hadba waxaa is ku laaya labadii qabiil ee biyaha hoostooda iska dhex arka. Haddaad dhex istaagto Fagaaraha geerida waxa aad arkaysaa boqollaal madax iyo lafo dadeed ah; seefo kala jabay sidii loogu dagaallamayay; ciid guduudatay sidii uu dhiig dad ugu daadanyay. Labadii ciidan waxay isku heleen fagaarihii geerida. Malintii koowaad gabbalkaa isu gu dhacay say isu laynayeen, labada ciidan midna waa la dhaqaajin waayay. Maalintii labaadna waa la is galay, xilli ay ku beegantahay barqadii baa waxaa lala haaday oo baa’bah laga dhigay ciidankii Colaad. Colaad waxaa dhankiisa dhintay afar boqol oo wiil oo aan wili curan. Wayraxna waxaa ka dhintay saddex boqol oo masoo jeestayaal ah.

Maalintii saddexaadna dagaalku waxa uu bilowday cirkoo xiddiguhu soo jeedaan, waxay islaayaanba Wayrax waxaa usoo haray labo boqol kaliya, halka Colaad -na ay u soo hareen “Bar-baarta laga baqo” oo kaliya. Casar gaabkii baa la isku rogaal celiyay, oo fooda la is daray mar labaad waana “Bar-baarta laga baqo” iyo labadii boqol ee kale. Meeshaas waxa qaylo iyo boor ka dhacaya; cida fardaha iyo seefaha isku dhacayana dheeryihiin ma malayn kartid. “Bar-baarta laga baqo” waxa ay muujiyeen wacdaro lala yaabo. Qaabka ay u dagaallamayaan, bootinta, hootada say u halgaadayaan iyo qaab-weerarka difaaca wata lama malayn karayn. Waxa ay halkaa ku dileen dhammaan ciidankii kasoo horjeeday iyo Wayrax, iyagana halkaas waxaa lagaga reebay sideetan iyo shan ka mid ah iyo Colaad

Shan iyo tobankii kale waxa ay aadeen reer Geeddi si ay u ga sii ka xeeyaan gabdhihii loo soo dagaallamay. Geeddi markii uu ogaaday in labadii oday dhinteen, wuxuu damaaciyay inuu gabdhaha isku yara dhajiyo. “Bar-baarta laga baqana” markii ay arkeen go’aanka uu qaatay Geeddi, iyaguna waxay goosteen in reerka gabigiisaba ay tirtiraan. Waxay madaxa kawada gooyeen dhammaan qoyskii reer Geeddi, marka laga reebo Raage oo u baxsaday dhan ay kaymo jiq ah ka xigeen. Waxa ayna maydad kii qoyska ku gureen Wabiga, illaa aktooda ragg naxariis taal maahee.

Baadi-goobkii Raage

Bar-baarta laga baqo waxa ay durbadiiba bilaabeen inay raad-raacaan wiilkii yaraa ee baxsaday. Raage markii uu kaynta galayba waxa uu fuulay geed dheer. “Bar-baarta laga baqo” waxa ay isu qaybiyeen labo rac. Qayb wiil-ka yar ka baadi goobta dhulka buuralayda ah, iyo qayb kaynta ka baarta.  Saddexdii nin ee loo xilsaaray in ay kaynta ka baaraan isla markii ay kaynta soo galeen-ba waxay soo hoos istaageen geed-kii uu Raage saarnaa, halkaas oo ay ku lafa gureen qaabkii ay hawl-galka u guda gali lahaayeen. Sidoo kale waxa ay ku hishiiyeen inay halkaan isugu yimaadaan marka ay soo dhammeeyaan baadi-goobka. Hawshoodii bay bilaabeen iyagoo geed walba iyo surin walbaba ka raadinaya wiilkii yaraa. Ilaahay amarkii, isla goortii ay dhaqaaqeenba Raage waxa uu ku soo dhacay dhulka baqdintii haysay awgeed, oo ay u dheerayd in uu aad u gaajaysnaa. Cabbaar hadduu dhulka ku raftay, waxa uu ahaa nin ad-adayg u dhashayee isla markiiba boorka intuu iska jafay buu geedkiisii fuulay. Raggii kaynta, baadi-goobkii waa ay ku soo daaleen, waxa ayna isugu yimaadeen meel barxad ah, midbaa hadloo waxa uu yiri “War waa innagii ku ballannay inaan isgu nimaanno geedkii dheeraaye  waa see xaalku?” Waa runta intay ugu warceliyeen bay u dhaqaaqeen dhankii geedka. Isla markii ay soo hoos istaageenba geedkii dheeraa waxa ay arkeen in balo meesha ku gal-galatay, yaab iyo amkaag baa kasoo haray!

Geedkii bay kor u fiiriyeen waxbana waa ay arki waayeen, maaddaama geedku ahaa mid si aad ah laamihiisu isugu dhex bexeen. Bartii bay is tuureen oo yara  seexdeen. Raage kor buu yara fiiriyay mise mas wayn oo abris ah oo geeso leh afkana xunbo kasii daynaya baa laan korkiisa ah kasoo degaya. Adduunkiiba waxa uu ku noqday wiilkii yaraa “Adigoo hoyan la’ ma laguu soo hargalay.” Raage waxa uu bilaabay inuu laamihii waawaynaa ee geedka ruxo, inuu mar istaago marna fariisto, wuxuu ku sigtay inuu qayliyoo sarajooggana ka dhaco. Raage wuxuu ogaa in haddii uu qayliyo in ay toosidoonaan Bar-baarta laga baqo, kadibna ay ka daba gayndoonaan qoyskiisii uu ka haray. Sidoo kale waxa uu ogaa in haddii uu meesha sii fadhiyo abriskaan uu hal mar laqidoono. Balse hal adayggiisii waxa uu go’aan ku gaaray in uu meeshiisa fadhiyo oo uu maska “qado” isaga noqdo. Abriskii waxa uu kusoo dhawaaday Raage. Raagana markii uu arkay in bahalku dhowr taago usoo jiro waaba uu suuxayb. Abriskuna umaba socdo wiilkaan yar, ee hoos buu waxa uu ka arkaa hilbo ka badan hilbaha wiilkaan yar. Abriskii dhulkuu u daadagey oo si-saf-mar ah u qaniinay raggii meesha hurday. Bar-baarta laga baqo intii meesha huruday  mid kama kicin hadde waa mid.

Dhanka kale, raggii iyagu ka-baadi-goobayay dhanka buuraha waxa ay aad uga raadinayeen dhanka godadka, hadba sidii ay god u galayeen, markii danbe waxa ay dalaq soo yiraahdeen god aad u af wayn aadna u dheer. Isla markii ay galeenba waxa ay arkeen lafo iyo madaxyo dadeed, gacmo iyo lugo go’an oo meesha daadsan, show godguba waa god libaax. “Aqal libaax lafo laga ma waayo” bay soomaalidu ku maahmaadaa, tii baa haysata raggaan. Waxa ay socdaanba godkii hulaabta ahaa dhexdiisa, waxa ay lugahooda ugu tageen toban libaax oo taag taagan. Indhahaa la is ku dhuftay, raggani rag libaax lagu bajiyo maahan oo waad raggaad garanaysid. Xilligu wa casar liiqii, oo qoroxdu way sii dhacaysaa, tobankii aar-na wax weerar ah masoo qaadin, oo waxay damacsanaayeen markii ay qoraxdu dhacdo inay si wacan ugu casheeyan raggaan, haddana ay cagta u dhigaan illayn waa ragg warmo, seefo iyo gaashaanba watee oo laguma deg-degi karo e. Raggii iyaguna way fahmeen waxa uu damacsanyahay libaaxu. Talo baa ku caddaatay, mid jirta waa inaysan godka ka bixi karin, oo haddii xitaa ay is ku dayaan in ay baxaan iyagoo meel dhexe maraya bay qorraxdu dhacaysaa. Waxa ay go’aan sadeen inay halkood joogaan. xaalku waxa uu noqday “Rag shir lagama daayo.” dib bay isugu noqdeen oo shir deg-degoo nafta lagu badbaadinayo bay yeesheen, kii u waynaa ba u taliyay oo waxa uu yiri “War nimanyahow xaalku suu yahay waad ujeeddaan, libaaxuna wuxuu damacsanyahay markay gudcur noqoto inuu gabigeenaba nacuno, habeenkiina waad ogtihiin waran la tuuray noo soo noqon mayo, dagaalkuna waa uu daba dheeraan karaa. Anigu waxa aan ku taliyay inaan dhagax guranno, dhufays-na galno kii noo soo dhawaadana aan boqol dhagax hal mar kuwada dhufanno.” Raggii kale hawraarsan bay ku soo dhaweeyaan taladaas. Libaaxyadii iyagu halkaas meel ah bay taagan yihiin, oo waxayba kaga dhagantahay “ninkii balaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.”

Qorraxdii waa ay dhacday mugdigiina waa uu bilwday, roob mahiigaan ahna waa uu yimid, cirkii iyo dhulkii baa is qabsaday. Libaaxiina dinaahyayn buu bilaabay. Markii cida libaaxyada, onkodka roobka, biriqda dhacaysa iyo mugdig jira ay isku darsamaan godkoo dhan baa gariiraya. Mar iftiinka hillaacu usoo galay godka , ragii waxa ay arkeen in libaaxyadu hadda soo dhaqaaqeen. Markaa say woxoodii bilaabeen, tuuryo iyo halkaad bay raaxada uga qaadeen. “Colka waraf ma lagu dayay” bay ka gaadhay. Bal libaax dhagax ku dhacay muxuu ka tari? Mar labaad buu hillaacii iftiimiyay godka mise libaaxyadii shan tillaabo wax ka yar bay u soo jiraan. Ragga qaar baa dhagaxyadii gacanta ay ku hayeen tuuri waayay, qaarna indhaha bay siin waayeen libaaxa, kolkaasay indhaha isku qabsadeen. Taasina waa burjiga ilaahay ku galladay libaaxa, ma waxaana hal-hal laagu cashaynbaa.

Kulankii Raage iyo islaantii jin ka ahayd

Raage, si nabada buu geedkii uga soo degay. Waxa uu soo dul maray raggii oo ay si fiican u gashay waabaayadii masku, midbakoodiina uu is baddalay, aadna waa ay u barareen. Waxa uu cagta saaray waddo mari jirtay jiinka wabiga, isagoo aad moodid in uu akhrinayo gabaygii ahaa:

  • amarkii ilaah iyo waqtiguba waa wax kaa awood badane.
  • Nin anbaday halkuu aaday way ula e koonaydee.
  • Anigoo arkayaan toggii eeriggoo xulaye.

Waxa uu waddadii saarnaadaba qorraxdu markii ay kululaatay waxa uu ku yara leexday geedwayn oo canbe ah oo ka baxay wabiga geeskiisa. Halkii buu iska harsaday oo xabbad canba ah oo geedka kasoo dhacday iska cunay. Isagii oo bartii fadhiya waxa uu meel fog ka arkay wax madow oo biyaha dushooda sabbaynaya, wuxu marba marka kasii danbeeya waa ay usoo dhawaanayeen, ilaa ay aktiisa soo mareen. Isna waxa uu lugaha kula jiray biyaha wabiga. Wixii buu ul kusoo qabtay, mise waa labadii madax ee Cawo iyo Cosob. Waa uu iska ooyaa oo qayliyaa, balse cid meesha joogta malahan aan ka ahayn daanyeero, shinbiro iyo yixaas wabiga ku jira oo mar soo hunguriyeeyay isaga laftiisa.

Meeshii buu kasii cararay oo waddadii wabigaba wuu ka degtay, si ayan mar labaad uga soo horbixin madaxyadii hooyadiis iyo aabbihiis. Isagoo ooyaya ordayana, baa meel uu qof bini aadan ah ba uusan ka malaysanayn waxaa uga soo hor baxday islaan dheer oo qurux badan oo ku labbisan dhar uusan wiligiis xitaa riyo ku arag. Way qabatay oo hab bay siisay (laabtay ku qabatay), ilintiina way ka tir-tirtay, labada dhabanna waa ay ka dhunkatay. Waxa ay ku tiri “Ma i garanaysaa?”  Isna waxa uu yiri eeddooy maya. Waxa ay tiri “Ma xasuusataa muddo hadda laga joogo afar sano, oo deegaanka abaar darani ka dhacay?”Haa buu yiri. Waxay tiri “Ma xasuusataa Maso cagaleey/abeeso cagaleey, joogi jirtay beertiina oo aad maalin walba biyo siin jirtay?” haa buu yiri. Islaantii waxay tiri “iyadii baan ahay, tan kale anigu eeddadaa maahi ee Jinni baan ahay. Maalin aan rabay inaan idin soo booqdo anoo qof u eg, waxaa taas iidiiday xaafadda akteeda dagaal aan innaba caadi ahayn baa kasocday, haddana abeeso cagaleey baan is ka dhigay gurigaan tartiib u soo galay. Isla markiiba waxaa soo galay wiilal waxay wada hadleen aabbahaa iyo qoyskiinii, wayna is afgaran waayeen, halkaas baa qoyskiina lagu dilay waan u jeeday inaad carartay, intaas waan kudaba socday si aan kuu badbaadiyo. Markii aad geedka saarnayd ee ragga ku raadinayana ku hoos hurdeen anaa usoo diray maskii waynaa si uu u cuno, maskaasna daris baanu nahay, oo waan isla qaraabannaa.”

Raage iyo islaantii jinniga ahayd habeenkaas waxa ay ku hoydeen geed hoostiis. Habeenkii oo dhan bay u sheekaynaysay Raage. Sheekooyin cabsi ka abuuray bay uga sheekaysay. Waagii markii uu baryay islaantii waxa ay u sheegtay raage in ay gurigeedii aadi doonaan. Sidoo kale waxa ay u sheegtay in meesha ay deggantahay in ay dadka caadiga ahi, ee isa goo kala ah ay u socdaan saddex bari, laakin iyagu ay u socdaan afar daqiiqo wax ka yar. Raage waxaa uu dareemay cabsi isagoo aad uga wal-walsan islaantaan iyo hawlaheeda, waxaa uu ilaa iyo hadda layaabanyahay oo cabsi ku abuuray, sheekooyinkii ay xaloo dhan uga sheegaynaysay, waxay uga sheekaysay sheeko uu aad uga baqay, waxa ay ku bilowday  “Waxa aan dhashay muddo hadda laga joogo afarboqol oo sano ka hor, hooyaday waxa ay dhashay hal habeen aniga iyo sideed kale, waxaan ku dhalanay geedwayn korkiis, nasiib darro geedkaas waxaa hoos degganaa reero insi ah, waxa ay dhaleen carruur aad u dhib badan. Maalin maalmaha ka mid ah hooyaday iyo anigoo qaraab tagnay bay carruurtoodii waxa ay laayeen walaalahay oo dhan, go’aan waxa aan ku gaarnay in aan aar goosano, nasiib darro annagu dadka ma qaniinno, balse waxaan la hishiinnay mas aad u sun badan oo qof kuu qaniinno aan laga soo rogin. Waxa aan u ballanqaadnay in aan carruurtiisa la korin doonno, hadii uu caawa reerkaas nabar xun gaarsiiyo. Isna wuu soo dhaweeyay taladeenii. Waan xasuusta waxa ay ahayd habeen roob da’ayo, markii aannu israacnay saddexdayaduba, masku waxa uu ahaa mid aad u dheer, geesihiisuna ay soo qaloocdeen oo miciyo dhaadheer. Sidii aan u soosoconnay reeka gurigiisii baannu nimid, isagu hawshiisii buu guda galay. Reer ku waxa ay hurdeen daaradda guriga, waxa uu ka bilaabay odaygii reer ka oo ishuu ka qaniinay, habartii iyo laba ag hurday isku mar buu qaniinay, annagii aad baan u baqnay. dhiig, oohin, iyo qaylo baa is qabsaday. Dariskii baa soo yaacay oo waxay dileen maskii iyo hooyaday, anna goobta waxa aan uga baxsaday faro ciddiya leh. Aroortii waxa aan usheegay maskii degaanka ugu waynaa; asna waxa uu wacad ku maray in uu deegaankaan looga guuri doono. Isagoo ballantiisii fulinaya habeen walba waxa uu cuni jiray dhowr qof ilaa deegaankii oo dhan looga qaxay”.

 Raage oo gabar jinni ah guursaday

Islaantii  waxay ku tiri Raage, indhaha isku qabo, waa uu isku qabtay, hadana kala fur bay tiri. Markii uu kala furayba wuxuu ku jiray guri aad u wayn oo wada dhalo ah. Guriga waxaa joogay oday waayeel ah, waxaana ku hareeraysnaa dad tiro badan, odaygu waxa uu barayay dadka sida mar abeeso la isaga dhigo marna qof. Raage meel gees ah buu ka daawanayaa siday hawshu u socoto. Wuxu mar abeesay noqdaan, marna dad, aad buu u baqay Raage. Raage waxaa u timid gabar dhanka hoose maso cagaleey/abeeso cagaleey ka ah, dhaka sarana qof ka ah. Waxay ku tiri “Waxaa kuu yeeraya awoowe”. Raage isagoo giriiraya buu odaygii waayeelka ahaa soo hor istaagay, odaygii waxa uu ku yiri “Soo matihid wiilkii biyaha siin jiray gabadhayda.” Haa buu yiri, odaygii waxa uu yiri “Maanta waan kuu abaal gudaynaa, waxaan kusiinaynaa gabar ee guurso.” Raage aad buu u naxay markii uu odayga ka maqlay guur iyo hawlahaas waxa uu maqli jiray “balaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso”. Isagay maanta haysataa balaayadaa. Raage isagoo qalbiga maya ka le, buu afka wuxuu ka yiri “haye waan guursanaya.”

Gabadhii la siiyay baa loo dhisay, habeenkii arooska subaxiisii waxa ay dhashay sagaal carruur ah oo gaagaaban timana aan lahayn. Subixii markii uu soo baxay isagoo warba aan hayn buu xafaddii sodohdii aaday, iridda markii uu galay waxa uu arkay abeeso dhabbacan guriga, yaab iyo amankaag baa kasoo haray. Abeesadii gurigay ku noqotay, waxaaba soo baxay islaan leh “Eeddo Raagow ii waran, maxaa xalay kuu dhashay? ” suu yiri “yaah!! dhalasho maxay ah.” Dee eeddo carruur. Suu yiri eeddo gabigayaguba xalay baanba is aroosnay. Intay qososhay bay tiri “Orod xaafadda ku noqo war ma haysidee”. Raage intuu jidka marayay waxaa u tacsiyaynayay jinniyo kale oo waxa ay lahaayeen  “Aad baan uga xunnahay dhibaatada kusoo gaartay, in aad xalay sagaal carruura kaliya dhashay, hebel (wa mid jinni ah) xaluu aroosoo waxaa u dhashay sagaal iyo labaatan”.

Raage markii uu xaafadda tagay waxaa kusoo yaacay sagaal carruura, isagii naxdinta haysa wadnihiisa garaaciisa waxaa laga maqlayaa dibadda. Raage waxa uu maqli jiray dadkoo dhaha heblaayo waa lix bilood iyo way sagaal buuxisay, ee baladaan halkii mar koox dhan dhalaysa ma uusan arki jirin. Raage carruurtii inuu dhalay buuba inkiray, magaaladii oo dhan warkaas waa uu gaaray, jinnigii waxay ku sheegaystaan “War ninkaan ma waalanyahay, sagaal kaliya buu dhalay, meeshuu aadi lahaa awoowe oo kasoo ducaysan lahaa in ilaahay carruurta u badiyo oo taranta u furo buu inkiraad bilaabayba.”  Hawshii waa ay adkaatay, guddi odayaal ah baa galay. Markii ay hawshu halkaas marayso carqalad kale baa soo baxday, taasoo ah in odayaasha reer jinni ay makhribka wixii ka danbeeya kulmaan oo shirarka isugu yimaadan, inta kale wallay ka tahay baadan il saarayn maantoo dhan haddad magaalada ka raadinayso. Raage oo suu reerkan xidid ula noqdayba aan waligiis makhrib soo bixin baa habeenkii danbe shirka is keenay. Meesha shirku ka dhacayo qurux badanaa, gabigeedubaa waa wada muraayado dhayman ka samaysan, kuraasta taal waa dahab, kobabka wax lagu cabbayo iyaguna waa dahab. “shirku waa uu inoo furanyahay” buu yiri oday u hadlayay jinniga.  Shirka ajandaha looga hadlayo waa in Raage la ogolaysiiyaa in uu carruurtaan aabbahood yahay, gabadhana uusan ceeb u soo jiidin. Raagana wuxuuba taagan yahay “War hal habeen xitaa ilamo dhicis ah laguma dhalee, waa maxay dee sagaalkan, ilma adeerrayaalow raggu waa kii is fahmee aan isfahanno horta”. Shirkii waa la is ku mariwaayay, wakhtiigana waaba uu sii dhacayay oo waagii baaba baryi raba. Cabbaar haddii la aamusnaa waagii baa baryay. Markii uu waagii baryay Raage adduunkii uu joogay mid aan ahayn buuba arkay isagoo dhex dabaalanaya, waxa uu is arkay asagoo dhex fadhiya meel qashin-quba, markii ugu danbaysay ee uu daartii wada muraayadda ahayd joogay, waxa uu gacanta ku hayay koob dahaba oo ay  biyo ku jiraan, balse hadda waxa uu gacanta ku hayaa daasad burbursan oo ay ka dhammaatay yaanyo-shiishiid. Raage waxa uu go’aan ku gaaray in uu meeshaan isaga baxsado, oo tuulooyin ka agdhawaa oo Insi degganaa aado.

Boqortooyadii waynayd iyo xeradii ciqaabta

Raage waxa uu isaga cararay deegaankii jinniga isagoo afka saaray magaalo ka xigtay dhanka bari. magaalada uu aaday Raage waxaa ka dhisnaa boqortooyo aad u wayn, oo gu’yaal badan soo jirtay. Boqortooyadaan waxa ay leedahay xeerar aad u qallafsan. Magaaladan waxaa ka taliya boqor, boqorkaan waa nin aad u caqli yar balse waxaa la taliye u ah nin la yiraahado Nageeye oo aad u caqli badan. Nageeye boqorku aad buu u jecelyahay, waa midoo kuma soo hunguriyeeyo boqortooyadiisa, waa tan labaadoo, waxa uu siiya talooyin aad u wanaagsan xilliyada adag, sida marka ay soo waa jahdo xaalad dagaal ama abaar. Sidoo kale Nageeye waxa uu tiriyaa gabayo, waxa uuna qora sheekooyinka iyo taariikhihii boqorradii hore, markaasuu boqorka u mariyaa. Ka dib boqorku intuu dad-waynaha meel isgu keeno buu gabaygii, sheekadii ama taariikhdii, dadka u sheegaa. Sidaas bayna dadku ku aamineen in boqor-koodu yahay nin ilaahay maskax iyo maamul wanaag ku galladay.

Magaaladaan tiro dhowr jeer ah waxaa duullaan kusoo qaaday boqortooyooyin u dhawaa, walow weerarradaas dhammaantoody ay kusoo idlaadeen fashil, waxaana ugu wacanaa in tuuladu ay u dhisnayd qaab istiraatiijiya. Magaaladu waxa ay bartanka kaga jirtay afar buurood oo waawayn, waxa ay lahayd hal irid oo laga soo galo taasoo u sahlaysay maamulka Magaaladaan in ay si fudud uga guulaystaan cid walba oo soo weerarta. Dadka tuuladu waxay ahaayeen dad aad u tiro badan, dadku waa ay tarmayeen, tuuladuna wax koritaana haba yaraatee ma samaynayn, waxaana ugu wacnaa buuraha ku hareeraysan tuulada. Dadku waxay u badnaayeen haddayba wada ahayn dad aan waxba haysan, kaliya waxa ay ku noolaayeen xoogaa dalag ah oo sannadkiiba mar kasoo go’ijiray beerahooda. Dhanka kale qoyska reer boqor iyagu waxay ku noolayeen nolol aad u sarreysa, guriga boqorka waxaa wax looga cuni jiray weel dahab ah. Carruurta reer boqor iyagu waxay aamin sanaayeen in dadka magaalada ku nool iyaga un addoomo u yihiin.

Waxaa dhacday maalin in gabar uu boqor ku dhalay ay is maan-dhaafeen wiil gaganacsanjiray xaabada, aad ayay u murmeen ilaa gabadhii ay wardiyaheedii ku amartay in ninkaan loo ka xeeyo loona geeyo Xerada ciqaabta. “Xerada ciqaabta” waa dayd wayn oo dadka lagu jir-dilo laguna dilo. Waxaa yaalla fuustooyin aad u dhaadheer oo ay ka buuxaan saliid kulul, waxaa jooga dad qaba xanuunka juudaanka oo hilibka iyo dhiiga dadka quuta. Qof walba oo amar diiddo, madax-taag iyo wax walboo liddi ku ah qoyska reer boqor ku kaca halkaas baa hoy u ahayd. Wiilkii dan-yar ta ahaa, oo waxa uu soo shaqeeyo ay ku tiirsanaayeen qoyskoodu waxa uu muddo saddex beri ah ku jiraa Xerada ciqaabta, inkastoo wili aan isaga lagu ridin saliiddii kulullayd, taasoo ay ugu wacnayd in dhammaan fustooyinku buuxeen oo dad isaga kasoo horreeyay ay ciqaabta uga horraynayeen. Isaga waxaa ciqaab ugu filnaa in subax walba mid aktiisa fadhiya la kiciyo oo saliidda lagu rido. Waxaa u darnaa markii wiil ay xaabada isla soo guri jireen oo uu meesha ugu yimid subixii danbe lala kacay. Waxaa lagu yiri waryaa dadka hortooda ka caddee danbigaaga, suu yiri  “Anoo carruur baahan subax kasoo tagey, oo shaqo u ordaya, baan waxaan orod ku dhaafay faras uu saarnaa wiil boqorku dhalay, aad buu iiga daba qayliyay oo waxa uu lahaa “Waryaa ma adoo addoon ah baad iga hormaraysaa, war dib usoo noqo adaan kula hadlayaaye. Anna socodkaygii baan sii watay, si aan xaabada horay ugu soo guro, carruurta oo aan dhowr bari wax cuninna raashin ugu soo gado.” Kii xoogga waynaa ee dadka saliidda kulul ku ridi jiray waxa uu yiri “Denbi wayn baad gashay maaddaama wiil reer boqor ah aad hadalkiisa iska dhaga-tirtay”. Intii la xir-xiray baa isagoo cod murugo ku dheehantahay ku dhawaaqaya oo leh “War carruur baa iga baahnayd, war carruur baa iga baahnayd” lagu riday saliiddii kulullayd. Cabbaar hadduu saliiddii ku jiray waxaa lasoo saaray lafo hilib aad u yar ay ku dhegganyihiin. Waxaa fuusto walba agtaagan dad-cun sugaya inuu feento lafaha dadka. Dadcunkii agtaagnaa fuustadii lagu riday baa dafay lafihii wiilka ka dibna feenasho ku bilaabay.

Nikaan isagu ciqaabtiisu waa ay ka adagtahay dadka kale, maaddaama u si toos ah ula murmay gabadhii boqorka. Waxaa la ciqaabi jiray dadka aroorta hore, balse ninkaan waxaa loo dib dhigay duhirkii iyo markay qorraxdu soo kulullaato. Waa aduunyee siday saacadba saacad ugu gudbaysay waxaa la gaaray xilligii qorraxdu u kulullayd. Meel halkaan ah waxaa karkaraya fuustadii lagu ridi lahaa, sidoo kale waxaa agtaagan dad-cunkii dafi lahaa markii lasoo saaro. Saddex nin oo aad u xoog waawayn baa qaaday, mid waxa uu qabtay lugaha, midna dhexda, kii saddexaadna madaxuu qabtay, waxa ay kor geeyeen fuustadii saliidda kulul ku jirtay madaxaana loo galiyay asagoo aad u qaylinaya. Hal mar baa dhammaan dadkii ciqaab-sugayaasha ahaa iyo xitaa dad-cunkii sugayay hilibkiisa qayliyeen. Halkaas buu ku dhintay tabar-yarihii taakta loo sheegtay.

  Raage iyo seedigiis oo ku kulmay Albaabkii jinniga

Raage isagoo jidka ordaya waxa uu la kulmay dad safar ah oo u socda magaaladuu u socday, aad bay u soo dhaweeyeen. Qaar baa waxay lahaayeen “Ilaahay baa ku furtay heblaayooy”. Raage, soo dhawayntaas iyo hadalkaas ah ilaahay baa ku furtay heblaayooy dareen iyo waxa uu ku abuuray in meesha wax ku jiraan. Waxaa jira xeer ka yaal galidda magaalada. Magaalada hal-ka irid oo laga galo waxaa ku agyaal god aad u wayn. Godkaas albaabkiisa waxaa ku xardhan far dhowr boqol oo sano ka hor lagu qoray oo ah “Albaabkii jinniga” . Godkaas waxaa deggan mas wayn iyo jinni. Waxaa jira hishiis qaddiimiya oo ay kala saxiixdeen maska iyo jinniga oo isku dhinac ah iyo boqorka hadda tuulada haysta awawgiisii tobanaad muddo laga joogo hadda lix boqol oo sano ka hor.Hishiis-kaas waxa uu dhigayay “Maska iyo jinnigu ina ay nabad galiyaan magaaladaan dadka ku nool, taas baddalkeeda safar walba oo soo gala magaalada in maska looga reebo qof uu cuno.”

Raage waxa uu isku dayay inuu waraysto dadka laakiin qofna uma warramin oo waxaa hadalka loogu soo gaabiyaa “Balo ma jidho”. Wixii losocdaba markii ay muuqdeen buurihii waa waynaa ee tuulada ayaa xaalku waxa uu noqoday “Qabri iyo nin loo wado lama kala qariyo.” Oday wayn oo dadka safar ka ah ku jiray ayaa Raage ku yiri  “Wiil kaygiiyow waxaan ku khasbanahay anoo ka xun, inaan runta kuu sheego, magaalada aan u soconno la ma galo ilaa qof lasiiyo maska wayn iyo jinniga, markii hore qori-tuur ku waxa uu u soo baxay gabadhayda, balse markaa timid, xaalku waxa uu noqday  geeri nimaanad aqoon iyo geel-jiray ku roontahay. Waxa aanu go’aan sanay in maska iyo jinniga adiga laguu reebo”.

Raage talaa ku caddaatay, oo meel uu ka noqdo iyo meel uu u noqdo midna ma garanayo. Cabbaar haddii la socdayba waxaa lasoo gaaray buurihii iyo Albaabkii jinniga. Raage waxaa loo soo diray shan nin si ay u xir-xiraan kadibna godka ugu tuuraan, balse taas waa uu diiday, dagaal buuna ka xigsaday. Waxa uu u sheegay dadkii inuu isagu godka gali doono.  Dadkii aad bay ula yaabeen ninkaan geesinimadiisa. Raage waxa uu bilaabay inuu u socdo dhankii godka, indhihii dadkuna dhammaan waxa ay fiirinayaan halyaygaan geesi-ga ah. Sidii uu u socday godkii buu dalaq yiri, halmar baa waxaa isla kacay wiiq-waaqdii fiid-meertii darbiyada godka ku dhagganayd. Jinnigii ogaa in godka ay soo gashay hadiyaddii toddobaad laha ahayd ee maska. Dadkii safar koodii bay iska sii wateen maarkii ay ogaadeen in ninkii meel aan laga soo noqon karin tagey . Isla markii uu galay godka waxa uu arkay dad jinni ah, waa lasoo dhaweeyay waxaana la geeyay xaafaddii jinni-dheere.

Jinni-dheere waa ninka maska u geeya qofka godka lagu soo tuuro, Raage la kulanka jinniga kuma cusba hadda, luuqadoodana wax un buu ka yaqaana. Raage waxa uu af-jinni ku salaamay jinni-dheere, jinni-dheere aad buu u la yaabay ninkaan luuqadooda yaqaan, waxa uuna go’aan saday in uu ninkaan waraysto ka hor inta uusan caawa maska u gayn. Jinni-dheere waxa uu yiri  “War bal ii warran ninyahow rag waa kii is waraystee”. Ragee waxa uu uga warramay oo uu u sheegay Jinni-dheer in uu yahay nin wakhtiga iyo waayuhuba ka hiiliyeen. Waxa uu u sheegay dhibtii uu soo maray, in qoyskiisii hortiisa lagu laayay, inuu gabar jinni ah aroosay, inay hal habeen sagaal carruura u dhashay, in carruurtii uu in kiray, in odayaal jinni ah gartii galeen, odayaashu in ay dhanka gabdha u janjeereen, iyo wixii dhexmaray asaga iyo jinniga.

Jinni-dheere oo aad u yaaban ayaa waydiiyay Raage gabadha ina-ayaheedii. Raage ina-ayihii gabadha waa uu dhaafin waayay aabbaheed. Marka jinniga ab-tiriskooda waxaa laga soo bilaabaa gadaal ilaa aad keentid magacaaga (hadii aad jinni tahay oo lagu yiraahdo ab-tirso, waa inaad awowgaaga lixaad kasoo bilowdaa ilaa aad keentid magacaaga). Jinni-dheere markiisuu u warramay Raage, una sheegay inuu yahay ugaaska beesha reer jinni ee halkan degta, waxa uu u sheegay in gabadhuu Raage qabay ay walaashiis tahay. Halkaas waxaa kasoo baxay nin iyo seedigiis, xaalddu in mas la is ku geeyo waa ka fogtahay, raggu waa xidid, xurmo iyo xishood kala mudan. Jinni-dheere waxa uu kula taliyay Raage in uu meesha isaga baxsado, waxa uuna tusay god qarsoodi ah oo bannaanka u furan. Raage meeshii waa isaga baxsaday isagoo ogaaday guurkii jinniga in uu san uga darin, oo yaa badbaadin lahaa maanta? Seedigiis buu ku cayntay mooyee. Maskii waa soo kacay isagoo gaajaysan, maska waxa ay is fahmaan Jinni-dheere kaliya. Jinni-dheere Waxa uu u sheegay maska in nin lagu soo tuuray godka deetana baxsaday, maskii aad buu cartay, waxayna ku noqotay maska “la hel, la waa baa ku xigta”, isagoo caraysan buu isaga noqday godkiisii.

Raage oo boqor noqday

Raage waxa uu kasoo baxay godkii yaraa oo ku beegnaa buurta dhaladeeda, cabbaar buu taagnaa oo hoos buu u fiiriyay magaaladii, mise wuxu dad badanaa yaab iyo amkaag baa kasoo haray. Mid ka mid dadkii magaalada baa arkay wax ka muuqda buurta dhaladeeda kuna beegan Albaabkii jinniga. Dadkii buu tusay, dadkii waa ay yaabeen, qofba qof buu tusay ilaa boqorkii la tusay, dadku waxay ku sheekaysanyeen “War waa balo manta soo baxday, illaa qof meeshaa galay masoo noqdee”. Raage wuxuu bilaabay inuu soo dego dadkiina baqdin baa gashay. Raage waa uu soo dhawaaday ilaa uu sooba degay. Waxa uu soo galay magaaladii oo dhan oo sugaysa, dadku waxay u fiirinayaan si aan caadi ahayn, isagiibaaba yaabay oo leh war see wax u jiraan? Raage askar baa qabatay waxaana la geeyay gurigii boqorka. Boqorkii baa waraystay, Raagana wuxuu uga waramay waayihiisii halganka iyo hagardaamada ku dhisnaa. Boqorkii aad buu jeclaaday ninkaan caqliga badan, waxa uuna u sheegay in maanta wixii laga bilaabo gurigaan uu ku noolaanayo. Raage waxaa lagu daray askarta boqortooyada ilaa uu heer sare ka gaaray. Waxa uu ahaa buundada isku xirta jinniga iyo boqortooyadaan. Raage wuxuu gaaray heer uu jinnigii ka dhaadhiciyo inay kusoo biiraan boqortooyadan oo awood-qaybsi loo ogolyahay. Jinnigii waxa uu kusoo biiray boqortooyadii, sidoo kale dhankooda waxay ku caawiyeen boqortooyada ciidan aad u badan. Boqortooyadu awal iyadaa lasoo weerari jiray iminkase iyadaa wax weerarta, oo waxayba ku shaqeeyan qaaciidadii ahayd  “difaac waxaa ugu wanaagsan inaad wax weerarto” oo intaad wax weeraraysid adiga un baa la iska kaa difaacayaa mooyee cidina kusoo hunguriyaynmayso, laakiin maalintaa difaac uun gasho adiga wax lagaa soo raadinayaa.

Raage, waxa ay is jeclaadeen gabar uu dhalay boqorkii, boqorkiina aad buu u soo dhaweeyay xiriirka dhexmaray Raage iyo gabadhiisa. Boqorka oo maalin jira ugaarsi, ayaa waxaa qaniinay bahal, maalinba maalinta ka danbaysa meeshii uu bahal ku ka qaniinayo waa ay sii xanuunaysa. Xanuunkii waa uu ku darnaaday boqorka ilaa uu u dhintay. Boqortooyadiina waxaa la wareegay Raage. Qaabkii soddogii wax u maamuli jiray wax wayn buu ka baddalay. Dadka waxa uu u sheeegay in ay simayihiin, oo qofna uu san qof ka sarrayn, dadka tuulada aad bay u jeclaayeen boqorkooda. Raage waxaa uu gaaray da’da sagaashan iyo todob waxa uuna adduunka uga tagay dhaxal wayn oo ah buuggiisii caanka ahaa ee “dhalashadaydii iyo dhimashadaydii.” Waxa uu ka koobanyahay buuggaan lix boqol oo bog. Dadka magaaladu aad bay u jeclaayeen buuggaan oo waa ay akhrisan jireen waayihii uu soo maray boqorkoodu. Magaaladii waa ay waynaatay kadib markii la burburiyay buurihii caqabadda ku ahaa, waxa ayna noqotay magaalo wayn.

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

Gaalkacyo-Soomaaliya

E-mail: abdulahiyamyam@gmail.com