Xukuumadda V8 iibso iyo fooq dhiso, xaalkeedu waa gaajo ma jirto (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Iyadoo 85% shacabka reer Somaliland ay shaqo la’aan yihiin, ayna taas u dheer tahay saamaynta daran ee ay shacabka ku reebtay abaartii DHABANAHAYS la baxday,  oo inta badan dadkii reer guuraaga ahaa faro madhnaan dhigtay, ayna diif iyo daranyo la ildaran yihiin dadkii nuglaa sida caruurtii, haweenkii, iyo daadkii waayeelka ahaa, ayaa waxaa   taas ugu darsamay sicir-barar ooda-goostay oo la degay nolosha dadkii danyarta ahaa ee markii horeba ku noolaa xaalad nololeed oo aan qurux badnayn.

Runtii, Xisaab laguma koobi karo inta qoys ee sadex-qadka ku ah magaalooyinka waaweyn, ee ilaahii abuurtay mooyaane aanay jirin cid kale oo ka warqabtaa, ama u xilqabtaa, dadka ugu sii ildarane ee sicir bararka la daalaadhacayaa waa  shaqaale hoosaadka dawlada iyo askarta caadiga ah oo mushaharkoodu markii horeba uu aad u hooseeyay, dadka ku dhex-nool xeryaha barakacayaasha ah ee magaalooyinka waaweyn ku dhex yaala ayaa iyaguna ah kuwo dhibane u ah sicir-bararka xadhkaha goostay ee maanta jira, bal tusaale aynu usoo qaadano, mushaharka askariga caadiga ah oo dhan 700,000 oo SLSh,askarigaas oo ay ku xidhiidhaan qosy ka kooban caruur iyo xaas, siday noloshiisu noqonaysa  marka laga hadlayo sarifka doolarka ee Malyanka kusii siqaya, tusaale kale bal aan eegno, xubinta shaqaalaha dalwdada  ee ah derejada B, mushaharkeedu waa  800, 000 SL,Sh, halka kan ay derajadiisu tahay C uu  u  xaadiro mushahar dhan 703,000 SL,Sh,Isweydiintu waxay tahay maxay intaasi ugu filan tahay qoyska degan Guri kiro ah, oo laga rabo lacagtii sikuulka, tii caafimaadkooda, laydhkii, biyihii, hu’goodii iyo quutal-yoomkoodiiba, iyadoo ilmaha aan bisha 1deeda lacagta keenin iskuulka, laga eryo iskuulkii

Waagii ay jirtay Dawladdii Siyaad Barre, ayaa General Maxamed Cali Samatar oo Wasiirkii Gaashaandhiga ahi  soo booqday mid ka mid ah xeryihii Ciidamadda ee Soomaaliya, kolkaas ayaa mid ka mid ah  Ciidamadii xeradaas joogay u cawday, oo ku yidhi, Taliye, waxaan kuu sheegayaa inaanu nahay xaasley ay caruur iyo haween ku xidhiidhaan, mushaharkii yaraa ee aanu qaadan jirayna waxba waa noo tari waayay, waxaan kaa codsanaynaa taliye in arintayada dib loo eego, kadib markuu intaas yidhi, ayaa waxaa Jeneraal Samatar weydiiyay, waa maxay derajadaadu? Wuxuu ku jawaabay, waxaan ahay Isbataoore, General samatar ayaa ku yidhi, bal ka waran askarta ka hooseysa ee dableyda iyo aliflayda ah waxay iyagu qaataan, markaad adiga oo Isbatoore ahi cabanayso, Isbatoorihii ayaa jawaabay oo yidhi, Taliye kuwaasi beri hore ayaa ay dhinteene, dadka nool ayaynu ka hadlaynaa.

Iminka, kuwa aan kor kaga hadlayaa waa kuwii wax uun u xaadirayay mushahar, itaalkuu doono ha lahaadee, ee bal ka warama, kuwa shaqo la;aantu dilootay ee aan waxbaba u xaadirin, amaba ku xisaabtamin, xukuumad iyo dawladna ay u yihiin kuwa aynu ognahay ee itaalkoodu noqday Gaadhi cad iyo Guri cad ku raaxayso, dadka sicir bararka la dhibaataysan xaalkooduna ugama duwana Xukuumadda Siilaanyo sheekaddii ahayd haddii ay  Roodhi waayeen, may keeg iska cunaan, taasoo ka dhigan, WIYIL RAAXO JOOGTOO, KU DABAALATAA WEBI, MABA OGA WAKHTI DHACAY.

Isku soo wada duuboo, haddii aan la helin xal taabogal ah oo lagu wajaho dhibaatada sicir bararka ee taagan, waxaa iman doonta xasilooni darro iyo qalalaase soo foodsaarta nabada maanta jirta, xaalkuna kama tegi doono tuducdii suugaaneed ee ahayd NIN QATANI,NIN QADA HAYSTA WAA INUU KA QAADAAYE, QASNADAHA HARAATIYE WAX UUN BAA KASOO QUBANE., hadaba si taas looga hortago, waa in dadka ahlu-caqliga ah, ee wadaniyiinta ahi raadiyaan xal  looga biixi karo dhibka maanta taagan, oo aan xal laga eegin Xukuumadan V8 iyo Fooq la magic baxday, ee halku dhigeedu yahay Gaajo majirto.

Wa Bilaahi Towfiiq,

Qalinkii: Hussein-kucky Mohamed Mohamoud,

Email, husseinlucky@hotmail.com, Burco,