Aw balayoos:- haddii aad adkaysan lahayd anigaa cabaadi lahaa (W.Q: Maxamed Cabdikariim “M-Maarshaal”)

Waagii, sabanu jaahiligii, ee geelu moodka kaliya ahaa ee la haysto, raganimaduna waran galinimada uun ahayd, ayaa nin diraca, oo fuulmada booska ku faraadin ahaa, balse ahaa cago baruur, aan fagaarayaal badan oo rag isku haleeleen aan ka soo lagdamin balse aad u jeclaaday wax ka ogaanshiyaha bahasha raganimadda la yidhaa.

Socod iyo saymo dheer ayuu u maray, saxariir iyo halis ayuu beegsaday, bahalka dad qaadka ah iyo baqo daymoodka ku ladhan shanqadh dhagaysiga ayuu la jaal noqday, diif iyo daranyo ayuu dugashaday, Goor barqo ah, ayuu ku soo baxay reer goob cidlo ah yaala, wuxuu ku dhawaaqay reerka yaa la jooga, Odaygii qoyska dambaabayey ayaa muska soo joogsaday, bariido iyo salaan ka dib, sida dhaqanku ahaa odaygii reerku, wixii guriga yaalay u baadh baadh, ku qabay ninkii luunku ku wareegsanaa ee jidiin go’sanaa, markii naftii ku soo noqotay, reerkii toyay , una sheeg in uu yahay socoto,  baadi goobayana bahasha geesinimada la yidhaa oo loogu  sheegay, nin lagu magacaabo, Aw balayoos, Odaygii ayaa u sheegay in uu ka durugsan yahay, una tilmaamay jihada uu ka xigo, isagoo dar-daarana ugu daray, in uu socodka hoosta ka xado, si aanu eesku ugu madoobaan dhexaha maadaamo dad qaad khatar ahi deegaankaas ka jiray.

Sidii buu yeelay, wuxuu ardaagii geela isa soo taagay, xili markaa geeljirihii xerada geela ku dhex jiro oo xoolihii la maalayo, Aw balyoosna, ardaaaga fadhiyo, tooyasho ka dib, isku sheeg wuxuu yahay, iyo wuxuu u socdo, sidii dhaqanku ahaa, caano u soo maala yidhi, si wacan loo soor, nasasho ka dib, Aw balayoos, wiilkan, aan jaro bixin, ragna aanay is arag ee deegankiisa mooye colba aanay is haleelin, waydiiyay, ma geesinimo waxay tahay inaad ogaato  ayaad halkaa u soo martay, oo intaas oo saymo ah u soo beegsatay, haa cajiib, way fududahay ku ydihi Aw balayoos, ee waxaad yeeshaa, suulkaaga ii dhiib, gawsdambeedka ayaan galinayaa.

Intii awoodayda ahna waan raamsanayaa, adiguna sidaa yeel, waana keena hor cabaada. la is raamsay, mid walba hareeraha dhiigu ka da’e, yarkii buuryo goyska ahaa, walee cabaad ku dhufay, cadha-dhac, Aw balayoos sii daa yarkii, kuna yidhi ka waran xaalka, yarkii oo aan naf ka sarayn,  oo hiin ragaya ayaa cod hoose ku yidhi, ala naftuun baan iga bixin, Awbalayoos oo dhoola cadaynaya ayaa ku yidhi, haddii aad in yar adkaysan lahayd, siina aamusnaan lahayd, anigaa cabaadi lahaa. nuxurka sheekadu waa, adkaysiga iyo samirka ayaa fure u ah guusha iyo geesinimada.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Maxamed Cabdikariim “Maxamed-Maarshaal“.

Gorfayn: Doorka Qurba-joogga Somaliland: Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq-maasuqa: Qormadii 3 aad 

Gorfayn: Doorka Qurba-jooga Somaliland: Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq-maasuqa: Qormadii 2 aad (W.Q: Maxamed Cabdikarim “M-Maarshaal”)

Doorka Qurbe-joogga Somaliland: Siyaasadda, dhaqaalaha, musuq-maasuqa

Maxamed-Maarshaal Cabdikariim wuxu si adag u naqdiyey Wasiir Xirsi iyo Somaliland Today

Faallo: Jahawareerka siyaasadda hoggaamineed ee xisbiga UCID 

Ma laga yaabaa doorasho in ay dhacdo 2017-ka? 

Anteennada lacagta

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.3aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.2aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.1aad 

 

mmaarshaal@hotmail.com