Guddiga Arrimaha Dibedda Baarlamaanka Ingiriiska oo diiday qorshe xukuumaddu ku doonaysay in ay ku ballaadhiso dagaalka Suuriya

Dawladda Ingiriiska oo doonaysay qorshe lagu ballaadhinayo dagaalka Suuriya ayaa waxa diiday Guddiga Arrimaha Dibedda baarlamaanka uu badan xisbiga Conservative-ka.

Guddiga ayaa sheegay in ballaadhinta duqeynta Suuriya ay ka hor imanayso heshiisyada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada dabada dheeraatay ee Suuriya.

Xukuumadda Ingiriiska ayaa doonaysa in ay hesho aqlabiyadda aqal baarlamaanka si ay isbedel ugu sameeyaan xeerkii Cameron uu ku guuldaraystay sannadkii hore, ee lagaga hor-istaagay in uu ka qayb qaato duqeynta Suuriya.

Guddiga Arrimaha Dibedda Baarlamaanka ayaa sheegay in aan loo baahneyn tallaabo milateri oo lagu ballaadhiyo duqeynta Suuriya, balse loo baahan in laga qayb galo talaabooyinka lagu raadinay xalinta colaada dabada dheeraatay.

bandhige@gmail.com