Dunidan casriga ah ee imika la joogo marka laga hadlayo Awoodsiinta dumarka ayaa badanaa marka laga hadlayo lagu tilmaama tageerista dumarka iyo waliba sidoo kale aqbaalada in ay dumarku ka qeyb qaadan karaan go,aanada bulsheed ee dhacaya sidoo kale waxa dumarka door wayn laga siinayaa dhamaanba shaqooyinka kale ee bulshada ka dhex dhacaya haday tahay mid siyaasadeed iyo mid kale oo ay xaq u leeyihiin ba, iyadoo lagu saleynayo nidaam cadaaladeed oo ay sinaantuna ka qayb tahay. dhamaan tacadiyada ka dhaca dunida ayaa ah badana kuwo ku dhaca dumarka maadama ay dumarku ay yihiin kuwo u nugul tacadi kasta haday noqoto Kufsi, Gudniinka fircooniga, Aqoon la,aan, Shaqo la,aan iyo Takoor ba, hadaba si intaas oo dhan loola dagaalamo ayaa loo sameeyay nidaamkan ah Awoodsiinta Dumarka “Women Empowerment” kaas oo badanaa u kuur gala sidii dumarka ay u heli lahaayeen nolol ku dhisan tayo, cadaalad iyo sinaanba. Waxa sidoo kale Awoodsiinta dumarku inaga caawineysaa bulsho ahaan inay dumarku helaan deegaan ayay xor ku yihiin haday tahay inay helaan Shaqo, Waxbarasho, Dhaqaale iyo waliba ka qeybka siyaasada iyo go,aanada masiiriga ah ee dalka madaama dumarku yihiin bulshada qeybta ugu badan.
Hadaba inaga soomaali ahaan dumarkeena ayaa ah kuwo xuquuqohoodii aasasiga ku wayay gabadhnimadooda haday tahay waxbarashada, shaqada iyo waliba ka qeyb qaadashada siyaaasada iyo waliba sidoo kale go,aanada masiiriga ah ee dalka ka dhacaya, waana sababta ay manta daliilka cad ugu tahay inay inagu badnaan tacadiyada ka dhanka jinsiga siiba kuwo ku dhaca dumarka. Dhaqan ahaan dadka soomaalida ayaa kuwo aaminsan inay aanay dumarku wax kaalin anay ku lahayn nolosha iyo bulshada.
Hadaba si loo helo deegaan ay dumarku ku heystaan xuquuqohoodii asaasiga ahaa, waxaa muhiim ah in dumarka laga tageero meelo badan iyadoo loosii marayo in wax la baro lana yareeyo heerka jahliga ee ay ku jiraan, si ay fursado badan oo bulshada ka dhex jira ugu qayb qadan lahaayeen haday noqoto siyaasad iyo shaqo.
Noocyada Awoodsiinta Dumarka.
Noocyada Awoodsiinta dumarka ayaa marka badanaa laga hadlayo loo kala saara shan qaybood kuwaasi oo kala ah,
โข Awoodsiin Bulsheed, Awoodsiinta bulsheed waxa ay xooga saareysa abuurista xidhiidh bulsheed oo ay dumarku leeyihiin iyo ka qeyb qaadashada booskooda kaga adaan qaab dhismeedka bulshada, sidoo kale Awoodsiinta bulshada ayaa door weyn ka qaadata yareynta takoorada bulshada dhexdeeda ka jira sida jinsiyada, isirka, diinta iyo jinsiga.
โข Awoodsiinta dhaqaalaha, awoodsiinta dhaqaleed waxa ay u saacideysaa dumarka inay ay helaan dhaqaale maalgalineed oo ay koboc balaadhan ku sameyn karaan, si ay uga hortagaan fakhriga iyo shaqo la,aanta, si ay u helaan isku filnaansho dhaqaale oo ay baahiyadooda ku dabari karaan.
โข Awoodsiin siyaasadeed, awoodsiinta siyaasadeed ayaa waxa ay dumarka u saacida inay ka qeyb qataan siyaasada dalka iyo hogaaminta dalka iyago qeybtooda laga siinaya nidaamka dawladeed ee dalka jira.
โข Awoodsiin cilmi nafsiyadeed, awoodsiinta cilmi nafsiyadeed ayaa dumarka ka caawinaysa inay noqdaan kuwo mar waliba kalsooni isku qaba oo aan marnaba wax niyo jab dareemin marka ay bulshada dhexdeeda ku jiraan, sidoo kale waxay ay door weyn ka qaadata Awoodsiinta cilmi nafsiyadeed inay dumarku noqdaan ku dhiirigalin ku jirto sido kalana leh dabeecado wanaagsan oo ay bulshada dhexdeeda kula sii jiri karaan.
Door Intee Leeg Bay Aqoontu Ka Qadataa Awoodsiinta Dumarka?
Dhamaanteenba sida aynu wada ogsoonahay aqoontu waxa ay door muhiima ka qaadata hormarka dalka haday tahay mid dhaqaale iyo mid kalaba. Sidaasi darteed madama ay aqoontu ay tahayba ta horseedeysa hormarka iyo ilbaxnimada waxaa muhiim ah in dumarka la siiyo fursada ay wax ku baran karaan.
Hadii aad gabadh wax barto qaran baad wax bartay, isla sidoo kale hadii aad gabadh wax barto qoys baad wax bartay. Runtii ahaanti gabadh marka wax la baro waxay horseedi kartaa isbedel togan oo bulsheed, hadaba inaga dalkeena runtii heerka gabadha aqoontoodu aadbay u liidataa siiba ahaan goobaha magaalooyinka ma baxsan, waxaad mooda in ay wali jiraan dhaqamadii foosha xun xunaa ee dumarka ku ahaa caqabada.
1= Ka hor taga guurka degdega ah iyo uurka, aqoontu waxay door weyn ka qaadata inuu hoos u dhaco heerka guurka degdega ah iyo waliba uurka sidoo kale aqoontu waxay u saciida gabadha yar yar inay sameeyen hormar xirfadeed iyo nafsiyeed taas oo wax badan ka caawinaysa gabadha iyo inaanu ku dhicin guurka degdega kaas oo mararka qaar sababa dhimasho wakhtigeda kasoo hormarta, madaama jidh ahaan iyo maskax ahaanba anay gabadha yari diyaar u ahayn guur.
2: Ka hortaga Gudniinka fircooniga ah, Waxbarashadu waxay udub dhexaad u tahay istiraatiijiyad kasta oo lagu yareynayo gudniinka Fircooniga ah, maadaama ay door muhiim ah ka ciyaari karto beddelidda aragtida qofka iyo bulshada.
3: Ka hortaga shaqo la,aanta, aqoontu waxay door muhiima ka qaadata in dumarku yeeshan aqoon iyo xirfad ay bulshada dhexdeeda ku gali karaan, si ay u dabaraan noloshooda.
4: Ka hortaga dhimashada hooyada iyo dhalaanka, waxbarashada gabadha wax la baraa waxay ka qeyb qadataa yareynta dhimashada Hooyada iyo dhalaanka wakhtiga ay hooyadu dhaleyso.
5: Koboca dhaqaale, aqoontu waxay dumarka u saacidaysaa dhaqaale ahaan inuu jeebkoodu koro oo ay ka baxaan fakhriga iyo wixii la mid ah, iyagoo sameynaya fikiro ganacsiyeed.
6: Ka qeyb qaadashada siyaasada, aqoontu waxay door wayn oo ka Qadataa inay dumarku noqdaan kuwo miisan ku dhex leh siyaasada iyo hogaaminta dalka.
7: Ka hortaga tacadiyada ka dhanka dumarka, aqoontu waxay yareysa nooc kasta oo tacadi ah oo dumarka lagula kaco.
Aqoontu waxay doorwayn ku leedahay awoodsiinta dumarka sido kale awoodsiinta dumarka waxa ay lama huraan u tahay bulshada madaama ay sarre u qaadeyso tayada nolosha dumarka, isla sidoo kale awoodsiinta dumarka ayaa qeyb laxaad leh ka qaadata xuquuqal insaaka bani adaamka iyo hormarkoodaba.
Ugu danbayntii, Dumarku waxay kaalin wayn ugu jiraan dhamaan bulshada, waxa ay mudan yihiin awoodsiin iyo garabsiin at bulshadeeda dhexdeeda kusoo dhex galaan dhan siyaasadeed iyo dhaqaaleed madaama marka hormar laga hadlayo ay iyagu laf dhabar u yihiin, waxaan kusoo gaba gabeynayaa in dawladu ay dumarka ay door muhiima ay ka siisa dhamaan lamaaha kala duwan ee dawladeed si ay u helaan dhamaan xuquuqaha ka maqan sidoo kale dawladu waa inay siyaasad cad ka yeelataa waxbarashada guud ee dumarka, madama manta waxbarashadu tahay meesha qudha ee dumarka laga hormarin karo haday noqoto mid dhaqaale iyo mid kaloo siyaasadeedba.
Guuleed Cabdiraxmaan