Xammaalkii Wasiirka Noqday (WQ: Mustafe Axmed Maxamed Geeddi)

Magaciisu waa ” Qawdhan” Waa nin madoow oo qarro wayn, waa meel dhexaad oo da’diisu waa ilaa 45-sano  jir. dhismaha jidhkiisu oo  aad u dhisamay, Jimcsi kuma dhismin ee  waxa jidh-kiisa dhisay waa xammaalka iyo xoogsigga dhididkiisa  xalaasha ah ee uu suuq joogta u yahay si uu u dhacsado una dabbaro  noloshiisa iyo tan qoyskooda.

Maalin kasta abaaro 1:30 duhurnimo ayuu shaqadan culayska badan ka rawaxaa isaga oo cidii dhinac marta ay qaaddo  shurfta iyo qaaca qadhmuun ee kasoo hugmaya jidhkiisa iyo dhididka shaqadu ka keentay ee marka qorraxda lagu daro dhididku uu gadh-kiisa ka tif-leeyahay, dadka qaar aan dhugasho badan lahayni waxay moddaan nin maskaxda ka jirran lkn qofkii si fiican u fiirsha sawirkiisa guud markiiba wuu fahmi karra inuu yahay xoogsato, waa nin rabi u dhaliyay karti iyo hal-adayg shaqo.

Intaas waxaa u dheer inuu yahay wiil hoog farraha lagag gubtay oo dagaal badan, oo waa nin cadkiisa dhacsada oo aan nina ku wallaacin, dhawr jeer ayuu dagaal galay oo rag uu nabarro u gaystay isagana dil uma dhinayn, xagga hadalka aad ayuu u hadal qadhaadhyahay oo waa caytamaa oo af-xumo kuma yara marka uu xanaaqo. Maalin kasta cid ayay is khilafaan madaama oo ay shaqada  xammaalku  tahay mid cullus  ilaa 3-gaadhi oo nooca candho-mayd laha ah” ayuu roggaa maalin kasta.

Dhawr jeer ayaa la isku khilaafay rasadda  bariiska sida loo dhigayo  oo uu mid xammaal ah feedh iyo hidh ku dal-dallay oo afku dhiigay, isagana la xidhay. bal maxaad qaan ugu galaysaa sida raso loo dhigayo aannad lahayn ayuu dhawr jeer ka qoomameeyay.

Duhurka marka ay gaadho waxa caaddo u ah inta  u maydho “in uu labo mijood oo Qaad ah iyo sigaar “Baakidh rooyal ah intuu qaato” oo u tago meherrad yar oo bal-balo ah oo la dhaho (Xiniinyo Dabaddood) magacaas oo u dhigan inuu “Caay” yahay oo ku taalla meel dooxa agtiisa ah, inta badanna ay isugu yimadaan xoogsatada”xammaalka,dameerlaha,biyoolaha,nijaarka,iyo keeryoon-lahu waa meherrad yar oo dadkeedu cawlanyihin lkn waxa fadhiya rag xooggoda oo xallaal ah shaqaysta waxay dhammaan qaar dhacay “Hanti ummadeed” oo fiilooyin dhaadheer  ku dhex quuta qurusyo xaraan ah, meherrada iyo dadkeedu ha iska cawladaan e, waa meel aad dareemayso inay jogaan dad noloshooda ku qanacsan, waxaad kale oo darreemi kartaa inay jirraan rag rabi ragnimo u dhaliyay oo waayaha iyo wkhtiga  aduun xidhay balse indheergarad ah oo hasaawin yaqaan gollaha xigmada iyo sheekada ee qoodhu isku qallacdo.

Ninkani laftarkiisu ma xigmad xuma oo isaga laftigiisu waa nin ha iska xanaaqo e. oo waa geesi aan hadalka  marrin-kiisa ka leexin  waa nin akhyaar ah oo sedexda ina rag lagu xusho ay ku kulmeen waa Dood,dagaal iyo deeq waa nin xigmado gabayo iyo murti yaqaan ah inkasta oo bahal Qabyaalad la dhaho uu meel dhigtay oo faanka iyo baanista ay san-ka ka saaranyihiin inta badan wuxuu ku fannaa laan-dheere ayaan ahay. dee waa runtii oo xagga  abtirsimadda waa beellaha ugu baddan somaalida ee ay ka dhasheen Haldoor,Ganacsato,Culimo,Aqoonyahan iwm lkn isagu noloshaas macanawiyan waa ka xammaal dhabarkiisa rarta.

Iminka wuxuu fadhiya booska u meherada ku leeyahay wuxuu xidhanyahay macawis iyo shaadh cas, waxa afka ugu jira taqsiin qaad ah waxa kale oo uu ku tiirsanyahay Birkin yar” oo casaatay oo aad arki karto in ay naddaafad ka suushay, gacanta midigna  wuxu ku haystaa midh sigaar “Rooyal” ah oo intuu faanka reerka ku jiray kala badh dhamaatay, intuu hore usoo yar fadhiistay oo si xoog ah u jiiday sigaarkii ayuu yidhi :- hadii aan reerkaygu barigaa dagaalka galin inaan dalka la xoreyeen intuu raaciyay afarray uu oday adeerkii  ahaa Qarnigii 20aad  uu tirriyay.

Haa waa qabyaali lkn hadanna  qoyska uu yahay waa u xeer-beegti aan gollaha lagaga dabo dhufan dagaal iyo gar-naqsi labadaba. Suldaanka beesha waa (Suldaan Qaac)  isagana  waa inmadeer tii rumma, suldaanku aad ayu ugu kalsoonyahay oo fiidka marka uu qaadka ka kaco ayuu ugu tagaa meherrada barraad ah oo shaaha caano geella ah laga cabo warka 8:00 fiidnimo laga fiirsado markaa warku bilaabmo ayaa muran-kuna istaadhmaa ” “waa saxanyahay madaxwaynuhu iyo wa khaldnyahay ayaa lagu raftaa”  ciidaa iyo camaarka ka badan inta ay siyaasad ku murmeen ee uu afku ka xumaaday ee hadal qadaf ah iyo gaf kala gaadhay waar maxaa ka galay colaadda aad u galayso siyaasi aan ku aqoon ayuu dhawr jeer ku shawray.

Suldaan-ka  ayaa dhowr jeer ku yidhi:- reer-ku nin adayg adiga ayaa ka dhashay adiguna aqoon ma lihid, xammaalkaas isagana iska dayn wayday  hadii aad “Barrayfat” gasho oo afsoomiliga iyo ingilishka aad barto wasiir ka yar kamaan dhigeen oo musharaxa iminka dhowaan la dooranayo saxiibo ayaanu nahay.

Talladaas wuu u boggay runtii habeen-kii kama uu  seexan inuu wasiir noqdo oo uu madax noqdo, waxa xaqiiqo ahayd in suldaanku uu mid hore u geeyay madaxwaynaha iminka oo uu agaasime u magacaabay. habeen-kaa il iyo baal isuma keenin ee soo jeed ayuu ku dhamaystay oo badh-go ayuu ahaa labo mijood oo aan biyo raacis lahayn ayuu qaadku kaga dhamaadday. meesha uu sexdaa waa meherrada yar ee uu ku qayillo ilaa guri malahe e. oo uu subaxii ka jarmaaddo habenkaas oo dhan dhaban ma dhigin ee meherrada yar horteedda ayuu ka muuqday gudcurka dhexdiisa isagoo jiiday oo qiijiyay dhawr xabo oo sigaar ah.

Subixii ayuu labo Buug iibsaday oo uu tagey barrayfat u dhow, halkaas oo looga bilaabay barashada labada Luuqadood iyo Xisaabta shaqdii xammaalkana wuu sii watay. Waa nin maskax fudud ee afsomaliga 4-bilood ayuu ku fahmay ingriisidana waa ku dhawaqaa ha iska jajabsadee mudo 7-bilood ah markii uu dhigtey ayaa waxbadani bilow u noqdeen oo uu buugaag gabayo iyo kuwo iskuul ah, ku dhex akhriyaa meeshii qayilaada iminka qolladan waa u aqoonyahay oo maalin dhawayd wuxuu sharaxayay xiligii jabuuti farnsiisku qabsaday qofka cilmiga Seef la bood-ka ku noqdaa “wuxuu caan ku yahay inuu ku murmo golle kasta oo uu dadka ku dawakhiyo inyar oo aan waxba uga danbayn” isaguna jidkaas ayuu qaaday oo waxa uu mar u ka sheekaynayay dhaqaallaha maraykanka(USA). maalin ayuu aad u sharaxay waxa uu yidhi:- “dhaqaalaha maraykanka iyo ganacsigu waxa uu ku korray cashuur lagama qaaddo, ganaciga oo dhana waxa maamulla shirkado shisheeye qudbad dheer oo uu qorraal ka khristay ay dad qoreen ayuu doodiisa udub dhexaad uga dhigay .waar iminka waxaan ahay nin siyaasi tagay ah arrinkaas rag badan oo qollada dameerlayaasha ah ayaa madax u ruxay inkastoo qoladdan xammaalka ilaahay murran ku saliday.

Bishii 12aad ayuu ka qalinjabiyay qaybtii hore ee waxbarashada gaaban oo uu xariif ku yahay qorrista afka somaaliga iyo xitaa ingiriisida iminka wuu joojiyay shaqda xammaalka oo waxa uu xisaabiye ka yahay bakhaar waana labista oo dhallaalka waad arki karta inuu so yar dooggay.

Habeen ayuu suldaan-ku soo wacay oo yidhi:- igu kaalay meheradii( budh la-duul) waa uu u yimi kawran waxbrashadii waxa la yidhi waxaad noqotay khabiir sare ee. Intuu qosol yar qac ka siiyay ayuu yidhi:- iminka mutacalin ayaan ahay suldaan.

Suldaan-ka oo show ay siyaasada isku seggeen siyaasiyiinta beesha ah oo ay kala danno noqdeen ayaa yidhi:- raggii aan hore u dhisay waa igu wacad fureen ee u diyaar garoow xil ayaan kulla raadinyaye “warkaas wuu ku farxay habeenkii hurdo muu ladin” Subixii suladaan-ka ayaa soo wacay inta uu raacay ayaa carwo la geeyay oo dhar suudh-ku boqor u yahay looga soo iibiyay kadibna timo-jarraha ayaa la geeyay oo inta loo xiiray ayaa wajiga loo dhaqay oo madoobbayso loogu qurxiyay timihiisa. Subixii xigay gaadhiga ayay kaxaysteen isaga iyo suldaanka iyo labo Oday oo kala ahaa Qaaje iyo qiiq ”  oo ay sidaa madaxtoyada ku tageen, kullan mudo qaatay oo madaxwaynaha iyo dhexmaray odayda isaguna daawade ka ahaa waxa socda waxa  la isla ogolaadday in beesha wasiir loo magacaabo ballan-tuna  maalmo kadib ayay noqotay ,isaga iyo madaxwaynaha waa la is baray lkn wakhtiga ayaa cidhidhi iska ahaa oo xoghayaha gaarka ah ee  madaxwaynaha ayaa magaca ka qoray.

Maalmo aanu hurdo ladin waxa dhacayaanna ay riyo la tahay ayaa soo dhafay oo uu rumaysan layahay ma wasiir ayaad noqon doontaa.

Maalin uu duhur yar seexday ayuu soo kacay oo mobilka oo (Silent) kaga jirray uu eegay mise waa 102-wacitaan oo ku tagaan mobilka waar maxaa dhacay yaab!.

Taleefan-ka oo dhacaya ayuu qabtay cod bushaaro ah ayaa kasoo yeedhay  waar ma wasiir ayaa lagu magacabay yaa!. Hadalka ayaa igu dhaggay maxaad maqashay ?. waar magacagii oo macal naanasytii  “Qawdhan”la socoto ayaan TV-ga ka maqlay.

Suldaanka ayaan wacay wuxu igu yidhi:-waxa laguu magacabay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska waan farxay ilaa aqoon yarid ayaan isku oggahay ee waxan is idhi waar mallaha dhaqanka waad fahmi kartaa ilaa nin baadiye ku koray ayaad tahee, habeenkii xiggay aniga oo Suudh madoow ku dhex jirra  iyo suldaan-ka ayaa madaxtoyada kulla caweeyay madaxwaynaha aniguna murti iyo xigmad waxaan maqlay ayaan madaxawaynaha ugu duurxulay hasawaha guudna ku qurxiyay hayeshee waxay ahayd maddal Suldaanku ugu mahdnaqayay madaxwaynaha.

Kullan casho ah ayuu ahaa ninyahoow!!.waxaan garanwaayay oo hilib shiilan aan ka gartay ayaan ku cashaynay aniga,suldaan-ka iyo Madaxwaynahu ilaa garraw iyo digir ayan cuni jiree macaankii waxaan arkay anigoo sixinigii dhinaca kasoo  rafacay oo dhawr jeer farraha madaxwaynaha aan xuduudiisa hudhmo ku galay ceeb kale ma jirin cunto sidaa u macaan ayaanan hore u arkin, waxan arkay in madaxwaynahu uu ka yaabay cunto jacaylka iyo diifta aan soorta u qabo balse kaftan ayaan ku difaacday  cuntaada aan sida xun ugu miir-beellay sida buugga jamacadda loo difaacdo oo kale .

Marka laga yimaado dhinaca cashada ee madaxwaynahu laftiisu ka yaabay sida aan farraha u leefaayay anigu laftigayguna waan iska yaabay!. Hadana xaga hadalka ,murtida,xigmada iyo xeelaaddaha hadlaka laga dheegto wuxuu ii arkay afmishaar aan laga libiqsan,wuxuuna ii arkay shaqsi muhiim u noqon karaa difaaca dannaha shaqsiga ah ee xafiiska wasarrada dhaqanka.

Subixii xiggay waxaan la wareegay xilka wasiirka waan arkay joornaalo lagu dhaliilayo aqoontayda lkn ma sii fiirin oo waxan darreemay niyadjab.qudbada u badan maahmaahyo iyo xigamado ayaan madasha xil-warreejinta ka idhi cidii ii fiirasta waa fahmi kartaa inaan ahay muqayil afmishaar ah.

Wasaarrada waxaan keenay dhowr xog-hayn ah oo iga caawiya qorrista iyo diyaarinta qoraalda xafiiska arrintaasna waxa iga caawiyay aqoonyahan aan isku hayb-nahay oo la dhaho “Gudcur” suldaan-ka ayaa yidhi:- la shaqee oo ninka hag aniguna waxan ahaa mikirifoonka hadla ee TV-yada ka sheegga qudbado loo diyaariyay.

Nin la haggayo ayaan ahaye wasaarrad ayaa shaqdeeda  la dar-dar galiyay oo xog-hayayaasha iyo aqoonyah-nkii aanu isku beesha ahayn ayaa meesha hawsheeda si wanaagsan u wadda, hayadaha wasaarrada la shaqeeyana waa nalloo kala turjuma saxeexana aniga leh oo dhaqaale fiican ayaan hellay.

Marmar-ka qaar waxaan kala garanwaayi jiray in aan anigu xafiiska wasiirka ahay iyo in suldaan-ku meesha haysto, dhawr mashruuc oo loogu talo-galay in lagu dayactiro goobo dalxiis ayaa suldaanku jeebka ku shubtay gurrina waa ka dhistay

Markii kowaad qoyskayga ayaan aniguna gurri banggalo ah u dhisay aniguna waxaan dhistay mid kale oo qurux badan, gabadh cad oo aan is idhi mar waaba “Jin” intaan quruxdeeda ka yaabay!!.  iyana waa la isiyay waar niyahow nolol macaan ayaan galay wax kale kuma garatid e.

Shaqaale cusub oo beesha aha ayaan qoray oo suldaanku soo xulay ,qaarn wasiiro aan saxiibo dhow noqonay ayaa wasarrada ay jogaan ku qorray. qaar beellaha kale ah ayaan meesha ka eryay, dhawr mashruuc oo wasaarrad soo gaadhay 3-meelood ayaan u qaybinay meel aniga ah oo aan bangiga ku shubtay iyo labo meelood oo midna wax yar lagu qabtay midna raga ila shaqeeya ayaa cunay oo dee labo yaryar oo xoghayn ii ahaa mid guri fiillo ah ayuu dhamaystiray bishan.

Ninyahoow noloshan aan galay waa aduun dhallaal badan oo uddug leh, dhawr sano ayaan xafiiska jooga oo hada ilbax ayaan ahay nolosha aan ku jiro waa mid aan riyo u arko wali ,quruxda aan yeeshay waxaan ka yaabay! habeen aan warka TV-ga iska daawday waxaan kale oo la yaabay af-tahimdayda mooji in dadku sidaas ii arko lkn waan iska yaabay uun.

Gurigay-ga quruxdiisa waad wareerraysaa dhallaalka  xaaska iyo caruurta quruxda badan inta aan fadhiga tago oo aan TV-ga shito oo lugta midig  ruxo ayaan hadallo macmacaan ugu yeedhaa xaaskagya “Filsan”gacaliso iyo macaan oo aan marna xusuus galaa anigo shub bariis ah xamaabrsan ama mid hadhuudh ah oo qalbigu i dubaaxiyaa.

Dhawr jeer ayaa la ii sheegay in rag i doonaya oo yidhi:-wasiirka saxiibo ayaanu nahay ay i rabaan blse waxan idhi:- ku dhaha ma joogo aniga oo Laabton i horyaalo farfaraynaya guriga laftigiisa ayaa ay xaasku ii sheegtay in rag si u yar diifaysan ay dhaheen wasiirka ayaan rabnaa blse xaaska waxay tidhi:- wuu maqanyahay :markiiba waan gartay inay kuwa iddoonaya yihiin saxiibadii aan xammaalka kawada shaqayn jirnay iyo dhawr dameerle waar ninyahoow armaa waxa lagugu sawiraa blse ninyahow waan kar-hayaa kulankooda oo wakhti badan ma hayo iyaguna shaxaad ayay kolay rabaan, waxaanse la yaabay barigii aan xammaalka ahaa waxaan ahaa nin deeqda caan ku ah oo muhani ah, iminka 100$ ee aan bixiyo ma iloobo oo waxaan rabaa inaan lacag hello si aan ganacsi wayn ama “shere”ula galo shirkaddo wadanka ka shaqeeya.

Afar sano iyo lix bilood oo aan xafiiska joogay waan ka gacan qabsaday oo maal ayaan yeeshay “Mood iyo Nool-ba leh” .waar ninyahoow sow xoolahani xaraan maah waar yeelko sow kuwaa wasiirrada kaleba wadanka boobaya dhulka oo uu yar xarxariiqay waxa maankiisa kusoo dhacday waar meesha adigu reerkiina ayaad ku joogta ee maxaa xarraanta keenay sow xaq reerku dalka ku leeyahay maaha? Mooji in hadalkaasi gar-yahay.

Waar iminka 4-sano macalin guri ayaa wax i barayay oo nin si fiican wax u fahma ayaan noqday, shahaaddoyin been abuur ahna waan samaystay, bari dhawyd ayaan ku biiray jamacadda oo aan marmar xaadiro waxanan bilaabay kuliyadda “maamulka iyo siyaasadda ” oo aan dhawaan ka qalin jabiyay iminkana waxaan shahaadada heerka labaad rabaa inaan ku diyaariyo si Online ah jaamacad ku taala “Malaysiya” waar iminka nolosha heer sare ayaan hiigsanayaa “hayaanka iyo hilinka aan ugu jirro hogaaminya dalka ayaan hilaadinayaa oo hayb iyo han-sare ayaan ku hiigsanayaa”.

Waxyaabaha xusuustay-da ah ee aan ka qoomameeyo waxa kamid dulmiyo aan galay oo qabyaalad darteed ah, waxan shaqada ka erayay labo dumar ah oo wasaarada nadaafad ahaan uga shaqayn jiray oo danyar ah waxaan badalkooda keenay kuwo beesha ah waxaan kale oo wasaarada ka eryay dhalinyaro badan oo wax baratay oo aan meesha ka hurgufay kuwo beesha ahna aan ku badashay. arrintaas beeshu aad ayay igu bugaadisay waxaan la igu tilmaamay halyay xaqa reerka soo dhicin karra.

Waxyaabaha aan la yaabay! waxa kamid ahaa in ganacsadihii aan bakhaarkiisa xammaalka ka ahaa labo wiil oo uu dhalay oo jaamacad dibada ah wax kusoo bartay inaan anigu  shaqalaysiyay:-waxaan is waydiyay oo horta jaamacada dibada ma waxa ka nasiib roon barrayfatkiii yaraa.

Dhawaan qorashahaygu waa inaan xisbi iska sharaxo oo aan u tartamo hogaanka ugu sarreeya dadlkeena wadankana aan ku hogaamiyo siyaasad bisil iyo qorshe horumar wanaagsan u hoorseeda qaranka si sahankayga hayaanku u noqdo guusha ibbo furka u ah wadan-keena

Maanta waxa ugu wayn ee horumarkayga halkan keenay waa beesha aan ka dhashay oo iminka ii taqaan siyaasiga beesha gar iyo gardarro way i difacaan aniguna waxaan rabaa inaan awooda dalka gacanta u galiyo beesha sida illaha dhaqaalaha iwm.

Hadda wasiirku waa dhiigaystay oo waa ragga ugu xaragada roon gollaha wasiirada aad ayuuna is badalay oo muqaal ahaan qof hore u yaqaanay ma garan karro

Wasiir “Qawdhan”

Habeen Axad ah abaaro 8:30 fiidnimo “2-dii bishii October” ayuu Qawdhan Madaxawaynaha iyo Wasiirka Khaarajiga kula caweeyay Qasriga Madaxtooyadda, wasiirka Arrimaha Dibada ayaa ku wargaliyay in lagu daray waftiga madaxwaynaha, Qawdhan waxay u ahayd fursadii ugu qaali-sanayd ee abbid noloshiisa soo marta. waxaana is baddashey shucuurtiisa waana murkii kowaad ee uu safar dalka dibbadiisa ah u bixi doono. Waana markii ugu horaysay ee uu oggaaday inuu yahay shaqsi muhiim u ah qoyska madaxwaynaha, waxay kale oo ay u ahayd fursad uu ku tijaabin karo inuu gaadho figta sare ee siyaasadda, abaaro 11:15 daqiiqo ee habeenimo ayuu ka caraabay Qasriga Madaxtooyada isagoo maskax ahaan iyo jidh ahaan-ba aad u daallan ayuu tagay gurigiisa oo uu iska seexday.

Waxa uu 4:30-kii subxnimo ka jarmaaday hoygiisa oo ku yaala badhtamaha Caasimadda waxaana gaadhiga u wadday darawalkiisa khaaska ah ee “Diirye” waxa uu sitay labo Shandaddood oo midi tahay nooc yar oo madow oo gacanta lagu qaato, inta badana “Dhukmuntiyadda” iyo xogaha muhiimka ah lagu wato, waa shaqsigii ugu horreeyay ee Waftiga kamida ahaa ee madaxtooyadda soo xadiray, arrintaasi waxay u ahayd Qawdhan hal-beeg siyasadeed oo uu rabay inuu ku helo xogta madaxtooyadda .

Markii ay saacaddu ahayd 8:20 daqiiqo ayaa wixii dawladda u shaqaynayay ay madaxtooyada soo buux dhaafiyeen, waa meel aan Hab-maamuus fiican lahyn oo la is dhex yaacayo waxaana luntay kala danbayntii. Qawdhan waxa uu la yaabay! In aan maalinta xafiis dawladdeed aanu shaqayn, bal maxaa waftiga dhoofaya waxan oo madax ahi ay u dabo yaacayaan oo ay shaqdii ummada uga yimadeen ayuu is waydiiyay Qawdhan.?

Waftigii madaxwaynaha oo uu kamid yahay ayaa loo qaaday dhinac madaarka iyadoo boqolaal gaadhi oo ciidamo ay saaranyihiin ay dhinac yaacayaan, qaddar daqiiqado ah ayaa la xidhay wadada hal-bawlaha ah ee Caasimadda dhexmarta, waxaayna ciidamada  waddooyinku iyo boolisku ay si khasab ah kaga dajinayeen waddada gaadiid tiro badan oo  shacab-ku leeyahay.

Fursada uu safarkan kaga qayb-galay waxa u fuday-disay Marwada madaxwaynaha Mrs- Amran iyo wiilka Madaxwaynuhu dhalay ee Mr-Boobe waxayna u ahayd fursad aanu ciyaar ku helin balse waxay ahayd xigmad,xeelad iyo xafiiltan addag uu usoo galay ku dhawaanshaha xafiiska ugu sarreeya dalkiisa. dufaano siyaasadeed iyo hirdan addag oo dhexmaray Golaha xukuumadda ayuu u adeegsaday Ciyaartii ugu adkayd ee siyaasadda oo ahayd “Dhuumo oo dhabarka taabo”

Markii ay saacaddu ahayd 9:30 subaxnimo ayay madaarka kala duushay diyaaradii khaaska ahayd ee ay dawaladda Carbeed Imaraat-ku usoo dirtay waftiga, waa markii ugu horaysay ee Xammaalkii Wasiirka noqday cagta saaro Diyaarrad uu cirka ku arki jiray sida Haad-ka duula”.

Markii waftigu Diyaarrada fuulay Qawdhan waxa uu ahaa jaran-jarada diyaarada qofkii madaxwaynaha kusoo xigay,Markii Madaxwaynahu gacanta u haaddiyay boqolaal kamid ah dadkii saggootiyay isaguna waa Qawdhan e” madaxwaynaha dhinaciisa ayuu taagnaa oo uu gacanta ka ruxaayay, balse Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa mar danbe si kaftan ah ugu sheegay in aanay Hab-maamuuska “Protocol ” ka mid ahayn in Madaxwaynaha salaanta lala bixiyo xiliga uu Diyaarrada fuulayo.

Duulimaadkii ayaa biloowday ilaa Xarunta Abu Dhabi laga gaadhay. waxa uu isagu iska daawanayay diyaarada iyo quruxdeeda oo uu ka yaabay! sida loo naqshadeeyay “!. Waxay u ahayd wax cajiib ah, Qawdhan waxa uu galay xusuus iyo xiligii uu ahaa xammaalka iyo noloshii uu ku jiray, waliba isaga oo xambaarsan kiish Hadhuudh ah ama mid Bariis ah iyo Maanta oo uu Wasiir yahay, waa labo marxaladood oo aad u kala duwan. “waa dharaaro xusuustood, waxuuna qalbiga ka yidhi:-“ilaa mahadhooy ma dheel-midid!.

Waxa uu ku yar jeestay waraaqo uu sitay oo “dhukmuntiyo qorraal” ahaa oo ku qornaa luuqada “English-ka”waxay ahayd warbixino kooban oo ka hadlaaya shaqada Wasaaraddiisa ama wixii u qabsoomay intii uu xilka hayay, waxaana loogu tallo-galay in uu la wadaago masuuliyiinta uu sida khaaska ah ula kulmi doono balse wax baddan kama garanaayo qorraalkan ee  wixiisu “waa mad madoow badane allaa ku yaqaan” Qawdhan waxa uu ugu talagalay inuu “File” ahaan ula waddaago cida uu la kulmaayo, qoraalkaas waxa hore u diyaariyay Xoghayihiisa gaarka ah iyo Nin aqoonyahan ah oo ay isku beel-yihiin waana “Dhukmuntiyo”hore loo diyaariyay oo uu la waddaagay Safaaraddaha waddamo kamid ah “Europe” Yurub” oo fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo booqasho ku yimi dalka.

Intii diyaaradu hawada kusii jirtay sheeko ayaa bilaabantay isaguna qayb ayuu ka ahaa laakiin markaa laga hadlaayo tariikhda Abu Dhubi iyo 7-imaaradood ee uu ka kooban-yahay imaraatka, waxa uu ahaa dhagayste wanaagsan, aamusnaanta ayuuna ku dadaalaayay maddaama aanu aqoon fiican u lahayn waxa laga hadlaayo.

Abaaro 12:10 daqiiqo ayay diyaaradii Cago dhigtay gegida diyaaradaha ee Abu Dhabi, waxaana wasiirka khaarajigu si guud ugu sheegay “Waftiga”in ay ilaaliyaan Habmaamuska. “diplomacy-da”.

Siddeed-(8) xubnood oo uu ka koobnaa waftigu waxa lagu soo dhaweeyay Madaarka Abu Dhubi, Wasiirk Arrimaha Dibada iyo Chief of protocol ka Qasriga Madaxtooyada imaaraat-ka carabta ayaa ku qaabilay Qolka “VIB” ee Madaarka “Abu Dhabi International Airport”

Qawdhan Madaarka aad ayuu ugu khalkhalay waxa uuna ahaa meel uu khalqigu is dhexmaraayo, murraayado wareegaya dhul cagaar ah, dhismayaal dhaadheer iyo duni cusub . waxaa meesha timid saxaafadda waxaanu aad ugu dhowaaday kaamaradda iyo dhinaca madaxwaynaha waxay u ahayd fursad u arkaayay inuu kaga ag muuqdo Madaxwaynaha dhiniciisa, madaama ay ahmiyad gaar ah u leedahay beeshiisa, in cawa warka 8:00 Fiidnimo ay ka arkaan TVga Qawdhan oo barbar taagan Madaxwaynaha waxayna beesha u tahay furasad ay ugu faanto beelaha kale, isagana waa u darrajo sare oo lagu garan karo saamayntiisa uu ku leeyahay xukuumada. waana dhaqan-ka foosha xun ee aad ku arkayso inta badan wasiiradda oo kala cidhiidhsanaya madaxwaynaha dhiniciisa.

Madaarka banaan-kiisa waxaa ku suggaayay Baabuur midab-koodu Madoow yahay oo ah kuwa loogu talo-galay Wafuuuda iyo Martida uu soo casuumo Amiirka Abu Dhabi Shiikh Maxamed binu zayed al Nahyan markii ay fuuleen Baabuurta ee ay la dhexqadeen badhtamaha Magaalada aad ayuu u yaabay! Qawdhan “Habmaamuuska quruxda badan ee aan ahayn kii Somaalida lagu yaqiinay ee ahaa “Jaantaa roggan” isla markaana waxa u daaqada ka dawaanayay fiilooyinka iyo Sarraha dhaadheer Abu Dhabi, waxa kale oo uu la yaabanaa! waddada laammiga ah ee madoow ee lagu xardhay midabada iyo calaamadaha quruxda badan, dhinaca kale ee waddada waxa ka muuqday dhir qurux badan oo ku safan wadada dhinaceeda waxay u ahady Qawdhan duni barwaaqo iyo badhaadhe ah, wuxuuna xuustay waddo xumadii ka jirtay Caasimada dalkiisa hooyo. aakhirkii waxay gaadheen Qasriga Abu dhabi waxayna la kulmeen dhaxal sugaha imaaradka shiikh Maxmed Binu zayed Al Nahyan ahna dhaxal sugaha boqortoyadda.

Kulan qiimo leh oo aad u heer sarreeya ayaa lagu qaabilay waftiga Madaxwaynaha waxay ahayd Maddal quruxbadan oo si wanaagsan losoo agaasimay, waxaana madasha ku sugnaa masuuliyiinta ay khusayso arrimaha la xidhiidha kulankaas, oo ka kobnaa Amiirka,Wasiirka Khaarajiga, Wasiirka qorshaynta,Madaxa Shirkada DB world Suldaan Axmed binu Sulayman, Xogahayaha Gaarka ah Ee Xafiiska Amiirka iyo “Chief of Brotocol ka “.arrintaas ayuu Qawdhan aad ula yaabay dadka meesha jooga waa kuwii ku haboona Madasha. wuxuuna u boggay habmaamuska caalamigga ah ee ka jira Qasriga Al Baxr” ee Abu Dhabi  .dalkisii yaraa waxa ka jiray niddaam xumo “Tusaale” ahaan marka Xoghayaha Qarramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha Somaalidu uu la kulmaayo Madaxwaynaha, waxa meesha soo xaadiri jiray Wasiiradda ugu dhow Madaxwaynaha Sida, Wasiirka Warshadaha,Wasiirka Biyaha,Wasirka dhaqan-ka oo Qawdhan ah ,waa dad aan shuqul iyo shaqo toona ku lahayn madasha iyo waxa laga wada hadlaayo “Mandate” ahaan ehelkeeddii maaha Munaasibada,wax kale iska daaye safarka Madaxwaynaha ee iminka waxa lagu qaybsaday nidaamka beelaha. Qawdhan laftigiisuna waxa uu meesha ku marrayaa waa saami qabiil, kursiga ummadana waxa uu u ugu fadhiyaa waa niddaamka beelaha.

Kulankaas Amiirka iyo Waftiga dhexmaray wax lagu soo gunnaanaday is fagarad iyo is faham heshiis oo dhinacyo baddan taabanayey iyo sii adkaynta xidhiidhka labada dawaladood. intii wada hadalku socday Qawdhan meesha daawade ayuu ka ahaa wax cod ahna kuma lahayn isaga iyo xubno kale, markii kullanku dhamaaday waxa waftiga loo qaaday Hotel-ka ay dawaladu ugu talo-gashay, waxaana waftiga la wareegay waaxda Habmaamuska ee Wasaraadda khaarajiga ee dalka imaraatka carab-ta, waxaana la geeyay hotel Caalami ah oo ay degenyihiin diblomaasiyiinta ku sugan dalkaas, runtii Qawdhan wuu ku indho-daraandaray Hotel- ka isaga iyo qaar badan oo kamid ahaa waftiga oo ay markaas uun ugu horaysay safar dibadeed, casarkii waxay booqdeen meelo kamid ah Magaalda Abu Dhabi sida Masaajidka Caanka ah ee”Shiikh Zayed iyo meelo kale oo badan. habeen-kii xigay waxay u duuleen magaalda Dubai si ay uga qaybgalaan xafalad ay Jaaliyaddu kusoo dhawaynaysay waftiga Madaxwaynaha, markii ay kasoo qayb-galeen xaflada waxa ‘Hoolka’ Xafladu ka socotay is qabsaday sacab iyo mushxarrad ruxday qalbiyadda waftiga Madaxwaynaha. Qawdhan waxa uu ahaa Afmishaar cod-kar iyo af-maal hadalka heli’og waxa la yidhi “”Hadalna la kala odhan og, allena lakala baryi og”. wuxuu habeenkaas madasha ka soo jeediyay Qudbad ruxaday quluubta jaaliyadda waxa uuna si buunbuunin ah u sharaxay waxay dawaladdu qabatay iyo safarka halkan ay ku yimadeen waxa uu daarranyahay. Qawdhan habeenkaas dhaliilo culus ayuu ku gannay Xisbiyada mucaaridka waxa uuna amaan kula duldhacay Madaxwaynaha,waxa uu habeenkaas ahaa qofkii ugu afmishaarsanaa waftiga Madaxwaynaha uguna haddal haynta badnaa Madasha. waxay u ahayd fursad uu bulshada iyo madaxwaynaha-ba ku kasbadday inuu yahay shaqsi qarranka muhiim u ah. waxay kale oo u ahayd fursad uu ugu dhawanaayo madaxwaynaha iyo inuu helo kalsoonida Qasriga Madaxtooyadda.

Madashaas Dubai waxa soo agaasimay ganacsato ku nool Dubai oo rabay in uu Madaxwaynahu siiyo Mashaariic iyo in laga iibiyo goobo ay dawaladdu leeddahay oo ay dad danyar ah dagganyihiin aadna muhiim u ah kuna yaallay badhtamaha Caasimadda. habeenkaas ayaana ganacsatadaas loo oggolaaday in lag iibiyo dhulkaas si xoog ahna looga raro dadka shacabka ah, Markii ay munaasibadu dhamaatay Madaxwaynaha iyo Xubnihii Waftigu waxay galeen shir qarsoodi ahaa oo lagu qayb-sanaayo lacag dhan 20- million Dollarka “USA” ah oo ay dawladda imaraatku Carabtu xaqul qallin u siisay xukuumadda, lacagtaas 10-million oo kamid ah waxa qaatay Qoyska Madaxwaynaha,10-kii soo hadhayna 5- kamid ah Waftiga ayaa qayb-saday “Shanta” soo hadhayna waxa la isla gartay in dhisme dawladdu leedahay lagag hirgaliyo Caasimadda, Qawdhan aad ayuu ugu farxay in ay gacantiisa soo gashay Lacag dhan todoba boqol oo kun oo Lacagta “USA” ah (700,0000$) waa lacag aanu shaqaysan tacab iyo rafaadna usoo marin. Lacagtaas waxa uu ka dhistay Guri 4-dabbaqa ah oo ku yaala caasimadda. Qawdhan Damiirkiisa ayaa nool ee waxa uu is waydiyay horta lacagtan yaa xaq u leh.? Ma xalaal-baa mise waa xaarraan.? waxa maskaxdiisa ku taagnayd Su’aal iyo Waydiin ahayd:-(.?.) horta Lacagtan sow ma aha lacagtii ummadu ay lahayd, ilaa waxa aad ka wakiilka ka tihiin waa shacabka ee, Sow lacagtan waxa aad ku hesheen maaha kursiga iyo xilka ummada.? Shalay markaad Xammaalka ahayd ee aad Magaalada joogtay maxad u heli wayday Lacagtan.?. ilaa markaaba Qawdhan ayaad ahayd ee. ?. Jawaabtii Qawdhan Maskaxdiiisa uga soo baxday waxay noqotay Xoolahani waa Xaaraan!. “Cabaar ayuu feker ku yar maqnaa oo uu ka werweray xisaabta aakhiro ka danbaysa ee lama huraan-ka ah” lkn yeelko ee tan waa la kala shaaysanayaye maxaa kaa galay xaaraan iyo xalaal waxa ay tahay ayuu isagu jawaabay Qawdhan.!.sowkaa kii Qaranka u Dhaartay ee madaxwaynaha u ahaa uu jeebka ku shubtay kala badh Lacgtii aad soo hesheen.

NInkan Qawdhan la dhaho Kalsoonida uu ka helay madashii jaaliyadda ee imaraat-ku waxay u suuro-galisay, inuu wax ka qorro “Qudbadda” Madaxwaynaha” Muddo lix caano-maal ah kadib ama sedex maalmood ah waxay waftigu kuso guryo noq-deen dalka, Madaxwaynaha ayaana warbaahinta u jeediyay Qudbad aad ka dheehanayso farshaxnimadda ka muuqatay, waxayna ahayd qudbad cajiib ah oo hadal hayn badan ku dhex yeelatay bulshada dhexdeeda, Qawdhan waxay u ahayd fursad qaali ah oo habeenkii wax TVga dawladda laga daawaday war aad loo buunbuuniyay oo tilmaamaya guusha iyo horumarka ay xukuumaddu kasoo hooysay safarkaasi.

  • Qawdhan waxa uu is waydiyay Dalkan Miyaad dhacdeen mise guul ayaad usoo hoyseen.?.
  • Waxa kale oo uu is waydiyay maxss madaxdii ummada ka dhigay bilaa damiirka ee ay u dhacayaan Shacab-ka danyarta ah.?.

Maalintaas wixii ka danbeeyay Qawdhan wuxuu kasbaday quluubta qoyska Madaxwaynaha waxaana loo arkay Siyaasi iyo cadkar muhiim u ah Xukuumadda.

Markii uu xogaa aqoon ah yeeshay Qawdhan iyo Waayo-arragnimo ku fillan kalsoonina ka helay Madaxtooyada ayaa waxa uu si toos ah uga qaybqaatay lacdan iyo dagaal qaboow oo siyasadeed oo ka dhex alloosnaa gollaha wasiiradda oo aan col iyo nabbad midna ahayn. si aanu meesha uga noqon daawade oo wax socda uu qayb ugga noqdo wax badan ayuu ku fikiray inuu qayb ka noqdo xulufooyin-ka ugu dhaw madaxwaynaha taasi oo u noqon karta tiir adag oo uu kaga badbaadi karro isku shaandhaynta iyo seefta madaxwaynaha. wuxuuna isku qanciyay inuu saxiib dhow la noqdo wasiirada ugu dhow Madaxwaynaha ee ay isku Beesha yihiin Iyo inuu xidhiidh dhow la yeesho Marwada qarran-ka iyo guud ahaan qoyska Madaxwaynaha waana meelaha uu aadka ugu jilicsanyahay madaxwaynuhu.

Daddaal badan oo uu galiyay sidii uu ugu dhawaan lahaa Xafiiska madaxwaynaha, Arrintaasi oo uu u adeegsaday awoodiisa qarsoon iyo hibooyin-ka xeeladaysan ee Eebbe wayne ku abuurray, waxay u suurto’galisay inuu kalsooni fiican ka helo qoyska madaxwaynaha uuna noqdo shaqsiga ay ugu jeclyiih qoys-ka madaxwaynahu, wuxuu noqday mid ku xardhan qalbiyadda qoyska Madaxwaynaha oo uu xataa Hadyaddo qaali al la wadaagay jiray Ubbadka Madaxwaynaha si uu ugu abuuro jacayl iyo kalsooni, Qawdhan hayaan-kiisa iyo hilaaddintiisu waa inuu hormuud u noqdo hogaan-ka qarranka, intaas kadibna uu noqdo shaqsiga sida gaarka ah daaha dabbadiisa uga maamula dalka oo xitaa uu karkaarka waydaariyo qaar badan oo kamid gollaha wasiiradda, oo ay caddow siyaasadeed isku noqdeen. Qawdhan awooda uu u adeegsanayo dagaalka siyaasadeed maaha cilmi ku dhisan “Political ” iyo falsafad Siyaasaddeed oo uu ku bartay jaamacad lkn waxa uu hal-xidhaalle-haas siyasaddeed ku furfuray waa garaadka cajiibka ah Eebbe wayne ku manaystay Qawdhan.

Labo arrin ayuu naftiisa ku khasbay inuu aqbalo si uu darbiga addag ee siyaasadda u jabiyo waxayna kala ahaayeen labo qodob .

  • waa inuu cadow-giisa siyaasad qaboow la ciyaarro oo uu saxiib wanaagsan isaga dhigo,, si maalinta ay is dhigtaan u u gawraco.
  • inuu samir iyo hal-addayg yeesho oo aanu dagaalka siyaasaddu marnaba muujin, oo uu aqbalo arragtida isaga kasoo horjeeda, lagana dareemin cadho iyo fudayd.

Qawdhan waxa caado u ahayd marka uu “War” uu ka Cadhoodo ama ka Farxo uu ka maqlo TV-ga. wuxuu go’aansan jiray in aanu 24-sacaddood wax jawaab ah bixin. waayo.?. Hadii isaga oo cadhaysan uu warbaahinta la hadlo waxa ka dhacaya hadalo badan oo gaf iyo qaddaf noqon kara, waxayna ku hogaamin kartaa caadifad ay ku abuurto hawashasi iyo inay hoos u dhigto sumcaddiisa uu ku dhexlaayahay bulshada waxaana loo fahmi karaa in aanu siyaasadda “Hayin” ku ahayn “wixii aad ka cadhooto waxbaa ka jira”.

  • Waxa uu noqday shaqsi waayo-aragnimo buuxda u leh nolosha siyaasiga ah ee wadanka ka jirta, isla markan waxa uu noqday shaqsiga loogu kalsoonida badanyahay magaciisuna bulshada ayuu gaadhay, oo Qawdhan Caan ayuu noqday,inuu meel sare gaadho waxa uu suurto-galiyay olole xoog-leh oo uu u adeegsaday warbaahinta lkn hadii la is waydiiyo muxuu qabtay Qawdhan.? “Xataa midh jaajuur ah qaranka meel uma dhigin ee taas badalkeeda wuu boobay Hantidii ummada” waxa kaliya ee ay wasaaraddiisu ku faantaa waa mashariic ay fuliyeen Haayaddo Midowga yurub ah oo dabo-gal ku hayay dhismayaasha ay wadaan lkn hadii lacagtaasi Qawdhan gacanta usoo gali lahayd wuuba musuqmaasuqi lahaa, arrinta ugu wayn ee uu ilaahay(SWC) ugu mahad-naqaa waa :-
  • in uu landheere yahay iyo in ay suldaanka beeshiisa ay inmadeer yihiin waan a

ninka meesha ku hayay ,intii aanu xiniinyiisa lasoo bixin.

Wuxuu noqday shaqsiyaadka gaarka ah ee madaxwaynahu kula kulma Madaxtooyada halka qaar dhigiisa oo wasiiro ahi aanay dhawr cisho madaxawaynaha is arkin, wuxuuna ku daddaalay inuu noqdo qofka ugu danbeeya ee ay habeenkii madaxwaynaha kala war qataan, taas oo u suurto-galisay inuu karkaarka waydaariyo xubno wasiiro ah oo ay siyaasadda ku kala irdhoobeen.

Waxa kale oo layaab leh !. maalintii uu xafiiska Dawladda yimi muu lahayn wax hanti, ah oo ka baddan dharkii uu xidhnaa, maantana waxa uu guri 4-dabaq ah ku leeyahay badhtamaha caasimadda. mushaharka yar ee uu qaatana xataa reerkiisa kuma uu filayn.

Qolyaha saxafadda aya dhawr jeer sawiro kasoo qaaday guriga fooqa ah ee ku yaala Caasimada iyagoo barnaamijyo ka sameeyay musuqmaasuq uu kula kacay dalka.waxa uuna xabsiga u taxaabay labo wariye oo aan sifo sharci ah loo marin xadhigooda, kadib isaga oo kaashanay gudoomiyaha maxakamda heer-gobol ayuu lacag ku siiyay xukunkooda, garsooruhuna waxa uu ku xukumay mudo 2-sano ah, waxa kaliya ee wariyayaasha gallaaftay waa runta ay shegeen, hadii aad aragto Wariye xabsiga ku jira oo u xidhan shasi kamid ah Xukuumadda, waa shaqsi run ka sheegay musuqmaasuq jirah. halka qaar kamid ah wariyaayasha waxa losoo bandhiga adduun lacgeed waxayna ka tanaasulaan barnaamijyadda musuqmaasuq ee ay ka diyariyeen masuuliyiinta musmaasuqa  u gaystay waddanka, taas badalkedana waxay difacaan wasiirka oo ay u samayn barnaamijyo lagu buunbuuniyay.

Qawdhan wuxu noqday shaqsiga uguawooda badan dalkan.

Sidee ayay kula tahay sheekadan ku saabsan nolosha siyaasada.

Qoraalkan waxa Qoray Mustafe Axmed  Maxamed Geeddi

La wadaag asxaabtaada

Contact. Mustafea179@gmail.com

Whatsap. 0659555532

Somaliland, Burco Togdheer