Beri hore waxay jirey bakayle. Bulbullayaashu waxay baradooda kula noolaayeen diin. Bakaylaha kii ugu weynaa ayaa maalin shiriyey rayidkii. Wuxuu ugu baaqay nolosha in wax laga bedelo. Wuxuu yidhi:
Bakaylow, maanta saw ma dhamid? Yar iyo weyn, indheergarad iyo culimo, rag iyo haweenba, ma cid baa kaa maqan? Nin weyni waayihii sheegye, diinkan agtiina daaqa waxaan garanayaa anigoo sabi ah. Isaguna wuxuu garanayaa aabahay, awowgay, xataa awawgii labaad, saddexaad ilaa sagaal ka gaadhsii. Aniguna, dhammaantiin waan idinka wada weynahay. Maanta haw ma aragtaan? Waa kaas qunyar taltallaabsanaya. Waa kaas xaskiisa gelaya jiilaalka ee iska suursanaanaya. Wuxuu daaqaa waxaan daaqno. Wuxuuse ku daaqaa deganaan, orod la’aan iyo cabsi la’aan. Inaguna baxdo kasta, waynagaa ordayna. Kuwan Aadame ee inasoo garab degayna wayba inooga dareen. Awal waxa ina caydhsanayey uun bahalada’e, imika ilma Aadan ayaa inoogu biiray.
Haddimooyinkaas si aan uga badbaadno, waa in diinka aan ku dayano. Waa inaan hagoogano dahaadh adag oo qawlaysatada inaga horjoogsada. Waa in marka midkiin cadawgu weeraro, ama baqe galo, uu xuluushaa dahaadhkiisaa sida diinka. Inta cadawgu dhaafayo, halkaas waa inuu ku negaadaa. Marka la dhaafana, waa in uu daaqiisa iyo dantiisa ku toosaa, ka gurguurtaa hadimooyinka.
Waa in sida ugu dhakhso badan loo soo sameeyaa dahaadhkaas. Kuweena biraha aqoonta u leh, waa inay inoola degdegaan. Dhammaanteen waa inaan meel uga soo wada jeedsanno xilkaas ummadeed ee ina saaran. Maxaad tidhaahdeen?
Waxa mar qudha la isla oogsaday “Hala heloo ha sammaato.” Markii codku kala degay, ayaa xubin ka mid ahayd shirku hadal u hollatay. Xubintu waxay sheegtay in talo wanaagsan maanta la gaadhay. Abidna tan oo kale ayna dhicin. “Maase marka hore lagu dayo koox inta dhammaanteen aynu wada samaysanayno si aan u saxno wixii ka qaloocda?” ayey xubintu soo jeedisay.
“Hawraarsan,” haddana la wada yidhi.
Farsamo yaqaanadii waxay markiiba habeeyeen dahaadh, sidii loo eegaba u dhigma ka diinka. Xataa waxay ku dedaaleen, inkastoo ay adkayd, in loo dhawro dahaadhka sida uu qaabaysan yahay ka diinku ee hoosta u siman, dusha u xoodan haddana ragcaddo wax isku tolan la moodo u leh. Hormaddii koowaad ayaa sidaas ku soo baxday. Waxana la guddoonsaday in la huwiyo in isugu jirta da’yar, da’dhexe iyo da’weyn.
Hormadani waxay sidaas ku noqdeen hormaddii koowaad ee taariikhda bakayle aayar u taltallaabsada. Waxa loo qaaday heeso, waxa loo tiriyey maansooyin. Waxa lagu suntay halyeyyada u kacay umadda. Muuqaaladooda ayaa xasaska la dhigtay. Ubad wixii dhashay maalintaas ayaa iyaga loogu magacdaray. Si xussuusta loogu ilaaliyo ayaa maalintaas xataa laga dhigay maalin qaran oo taariikhda bakayle la xusi doono. Damaashaadkii ayaa lagu martiqaaday diinkii oo maalmahaas kasoo toosayey suurriddii uu ku maqnaa. Inkastoo uu fahmi waayey siday wax u socdaan, wuxuuse dhawray jaarnimada iyo aqoonta uu lahaa bakaylaha, gaar ahaan odaygooda.
Markii dabaaldeggu dhammaaday ee la kala daaq doontay, ayaa in kooban oo is garab daaqaysay cadawgoogii koowaad haleelay. Waa dayo. Indhaha bakayle ayaa hor qabtay dabadeed way ka xuluusheen dahaadhkii. Dayo waxay la yaabtay birtan malaasan ee meesha soo yuurarta. Kolba dhinac ayey ka eegtay. Hore ayey ka garanweyday, wayna iskaga tegtay.
Bakaylihii markay hoydeen ayey uga sheekeeyeen wixii gaadhay dayo iyo guusha reer bakayle, meeshay doonaan ha joogaane, usoo hoyatay. Rayn-rayntii iyo riyaaqii ayaa sii ballaadhay. Waxa la wada male awaalay maalinta bakayle oo dhan gaadhi doonto farsamadani iyo xorriyada lagu wada naaloon doono. Cidina isma weydiin in dayo wax damacsan tahay iyo in kale. Cidina isma weydiin in dayo dheregsan tahay iyo in kale. Cidina waxa dayo dhaqaajiyey hoos umay sii dayin. Waxa lagu wada qancay dahaadhkaas inuu wax waliba celiyo. Inuu cadaw kasta jawaab u yahay. Bakaylana, sida diinka, noolaan doono cimri dheer. Imisa tollow? Waa la male awaalaa, laakiin cidina ma hubto. Waxase lagu tala-galay in taariikhda aad loo ilaaliyo si bal waxtarkeeda loo summadayn karo.
Subixii xigay, bakayle oo raxan qoofalan ku daaqaya, sheekadana ku nasnasanaya, ayaa waxa soo haleeshay dayo koox saddexan ah. Sheed markuu bakayle ka arkay ayey qosol ku kala xuluuleen dahaadhadoodii. Dayo macaluulsan ayaa soo gaadhay bakaylihii koowaad. Weli may garan meesha waxa ku jira. Waxayse la yaabtay wixii shalayba ay aragtay in maanta meeshii meel ka duwan ay ku aragto. Siday u wadwaday ayey rogtay. Markii uu cabaar rognaa, ayuu bakaylihii oo siriirsan madaxa lasoo booday. Haf ayaaba lala yidhi. Waxay dayo baratay meesha waxa ku qarsoon inuu bakayle yahay. Waxay aragtay cuntadan meesha ku sugaysa, ee aan baxsan karin. Dabadeed mid kasta intay rogtay ayey bakayle sidii kula baxday marka laga reebo hal ka mid ahaa oo darifka ugu shisheeya xigay oo arkayey goorta walaalkii lala baxay. Kaasi orod ayuu taw yidhi.
Xasas bakayle habeen dhiilo badan ayey u ahayd oo ku xigay uun habeenkii damaashaadka badnaa. In yar marka laga reebo, maalintaas wixii dahaadhkaas baas qaatay way ku hoobteen. Midhadhkii weli dahaadhka sitay ee maalintaas aan la haleelin halkii ayaa degdeg lagaga furay.
Odaygii bakayle wuxuu isugu yeedhay shir degdeg ah. Waa lagu yaqaanay geesinimada. Weligii kama gaban erey la toosan inuu sheego ku la qaloocanna inuu toosiyo. Waxa lagu yaqaanay oo kale isa-sixidda. Waa wixii beeshu ku dooratay. Waa wuxuu oday ugu yahay ee loogu wada joogsado. Isna ma hilmaamo taas. Wuxuu yidhi:
Bakayloow, yar iyo weynba, ma is maqashaa? In uun dhego makuu daloolaan? Dahaadhkii waa tuuris. Waxbaa inaga gaadhay. Lagu lug-go’e. Hanad iyo Hibo ba ku le’de. Dhaliishiisa anigaa leh. Dhinac baan wax ka arkay. Dhan kalena waxbaa jiray. Eebbe ninba awoodiisa meel ayuu gashay. Bakayle waa ku orod. Diin waa ku qolof. Ma diimoobi karno. Aynu isku ogaano orod!
“Hawraarsan iyo niyad hagaagsan,” ayaa lagu guddoomay. Orod
Mukhtaar Xasan Maydhane
maidhane@yahoo.com